Saalax Posted January 20, 2012 Hoggaanka SSC Saleebaan Xaglatoosiye oo Kasoo Horjeestay Maamulka Khaatumo State Kuna Baaqay Shir Nabadeed oo Deg Deg ah[Warbixin] Boosaaso[RBC Radio] Hoggaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed Kaar[Xaglatoosiye] ayaa si weyn uga hor yimid Mas’uuliyiinta cusub ee Maamulka Khaatumo State ee lagu dhawaaqay,waxaana uu ka dhawaajiyey in Shirkii ka socday degmada Taleex ay ka leexiyeen hannaankii loogu talagalay Siyaasiyiin uu kamid yahay Cali Khaliif Galaydh. Saleebaan Ciise Axmed Kaar[Xaglatoosiye] ayaa sheegay isaga oo la hadlaayey laanta Af- Soomaaliga ee BBC-da in Shirka aysan habayaraatee aysan kasoo bixin wixii ay ka sugaayeen Shacabka SSC.waxaana dhacay buu yiri afduub iyo majaro habaabin lagu sameeyey Shirka taas oo ay ka danbeeyeen Shakhsiyaad gaar ah oo madasha joogay kana mid yahay Cali Khaliif Galaydh. …”Shirku waxa uu ahaa mid qabiil oo beesha *********** isugu timid runtii waan ka xumahay ujeedooyinkii iyo doonistii Shacabka *********** ku salaysnaa Shirkaas lama qaadan oo kama aysan soo bixin,waxaana dhacay afduub iyo majara habaabin waxayna u dalbadeen Maamul goboleed buuxa hase yeeshee taas waxaa diiday shakhsiyaad gaar ah meesha joogay…”ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC Saleebaan Xagletoosiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in doonistii Shacabka laga leexdo taas oo ku macneeyey in aysan Shacabku waxba dooran balse Shakhsiyaad gaar ah ay magacowdeen Maamulka hadda jira,waxaana uu sheegay in dadka habayaraatee aan waxba laga weydiin hawsha socota. …….”Ariinta kale ee yaabka leh ee dhacday waxa weeye een waxaynu arki jirnay umad marka ay isu timaado oo ay heshiiso dadka ay hawsha u dirsanayaan doorta ayaanu arki jirnay balse in la magacaabay oo shakhsiyaad gaar ahi magacaabeen oo dad ayagu ay doonayaa sidii Raysalwasaare ama Madaxweyne magacaabaya dad uu hawl u dirsanayo ayaa waxaa la magacaabay shakhsiyaad aan dadku dooran si cadaalad ah uma dhicin dadka waxba lama weydiin,niman gaar ah oo Cali Khaliif Galaydh uu kamid yahay ayaa magacaabay dad gaar ah…:ayuu yiri Xagletoosiye. Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Shacabka SSC kagana tashanayaan masiirkooda in ay isugu yimaadaan ayuu ugu baaqay Hoggaamiyihu,waxaana uu xusay in aysan ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay. ….”Shirkii waa la khalday waxaan ugu baaqayaa Shacabka SSC in aanay ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay isuguna yimaadaan Shir deg deg ah oo aayahooda kaga tashanayaana isugu yimaadaan…..”ayuu yiri. Mar la weydiiyey su’aal ahayd in Shirka uu isga qudhiisu uu joogay kana mid ahaa Madaxdii Shirka waxa uu ku diidayo hadda waxa kasoo baxay ayaa waxa uu sheegay in joogay ayna ku sugnaayeen dad badan oo meelo kala duwan ka yimid balse la afduubay Shirka kuwaas oo diiday rayi soo jeedintii Ergada keensadayna waxa ay iyagu wataan,iyaga ayaa magacaabay shakhsiyaadka hadda loomana cadeyn dadka lamana weydiin waxa ay rabaa iyo waxa ay diidan yihiin. ……”Runtii waan tagay meesha dad badana waa yimid laakiin niman yar oo tiro yar ayaa hawsha afduubtay diidayna talooyinkii iyo talo biximihii Isimada,diiday tii sahacabka,diiday talo biximihii qabaal’ilka kala gedisan ee meesha isugu yimid,niman gaar ah ayaa iyagu meesha fariistay iyagaa diiday ra’yi soo jeedintii ergada,iyaga ayaa keensaday waxa iyagu wataan,iyaga ayaa magacaabay shakhsiyaadka loomana Codeyn dadkana lama weydiin marabtaa,markaa waa afduub aad u fool xun waana ka raali gelinayaa Shacabka SSC Khaladkaa laga galay…”ayuu yiri Saleebaan Xaglatoosiye. Hoggaanka SSC Xaglatoosiye ayaa gabagabdii tilmaamay in waxa Shirka dabadii kasoo baxay ay si weyn uga xunyihiin Shacabka,Isimiada iyo gabdhaha in Shirweyne umadi isugu timid ay shakhsiyaad gaar ahi afduubtaan ayna digreeto wax ku magacaabaan ,doonistii shacabkana diidaan,waxay iyagu wataan dadka ku maamulaan. Si kastaba ha ahaatee hadalka Hoggaanka SSC Saleebaan Xaglatoosiye ayaa kusoo beegmaya xili lagu dhawaaqay Mas’uuliyiinta Khaatumo State,waxaana ilaa hadda aan la ogayn Jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixin doonaan mas’uuliyiinta Cusub. Cismaan Turaabi RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso turrabi20@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted January 20, 2012 no need for repeat thread. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 20, 2012 Buuhoodle:Banaanbax Lagu Taageerayo Hogaamiyaha Ururka SSC Mr Saleebaan Xaglatoosiye Oo Saaka Ka dhacay Magaalada Buuhoodle.... (Hadhwanaagnews) Friday, January 20, 2012 Degmada Buuhoodle caasimadeeda Buuhoodle,Ayaa saaka ku waa bariisatay mudaharaad baaxad wayn,Kaas oo lagu taageerayo Hogaamiyaha Kooxda SSC Saleebaan Xaglatoosiye mowqifkii uu iska taagay shirkii beesha *********** ee lixda nin Mudaharaadkii Saaka Ka Dhacay Buuhoodle..... Washington,D.C(HWN):Degmada Buuhoodle caasimadeeda Buuhoodle,Ayaa saaka ku waa bariisatay mudaharaad baaxad wayn,Kaas oo lagu taageerayo Hogaamiyaha Kooxda SSC Saleebaan Xaglatoosiye mowqifkii uu iska taagay shirkii beesha *********** ee lixda nin usoo dhoofeen inay afduubaan.Mr xaglatoosiye ayaa maanta mar uu waraysi siiyay weriye Xagar oo BBC-da gobolka togdheer uga soo warama u sheegay in shirkaas ay niman afduubeen taladiina ay maroorsadeen iyagoo dad ay awalba wateen xilal u magacaabay. Hogaamiyaha Kooxda SSC maaha markii u horaysay ee uu ka biyadiido waxa Cali khaliif kooxdiisu soodhoodhobatay ee hore ayuu shirkaa u diiday inuu ka qayb galo in kastoo markii danbe lagu qanciyay in shirkaasi yahay mid beeshu u dhantahay oo laga gaadhidoono go´aan midaysan,laakiin markii shirkii ay ka soo baxeen go´aano guracan ayuu Hogaamiyahani ka soo booday,Isagoo fashiliyay sirihii iyo tabihii nimankaasi wateen. Hadaba dad badan oo reer buuhoodle ah ayaa aad u soo dhaweeyey mowqifka uu ka istaagay Mr Xaglatoosiye shirkaa lagu soo yagleeley wax loogu yeedhay Khaatumo State,Kaas oo markiiba dadku u bixiyeen Kaatumoseeg.Maantana waxaa dhacay Banaan bax lagu taageerayo Md Xaglatoosiye inkastoo dad yari isku dayeen inay soo weeragaan banaan baxaa uu hogaaminayay madaxa SSC saaka.Halkaana khudbad dheer uga jeediyay dadkii isugu soo baxay. Hadaladii uu Hogaamiyaha SSC ka siidaayay idaacadii subaxnimo ee BBC ayuu ku sheegay inuu nabad ku baaqayo,Taas oo dad badani u fasirteen inuu aqbalay gogoshii uu Md M/weyne Siilaanyo u fidiyay beesha *********** oo horeba dad badan oo ka tirsani aqbaleen kuwaas oo ay ka mid ahaayeen maxad sarsare oo ay Mr Xaglotoosiye ay isku urur ka tirsanyihiin,Kuwaas oo markii danbena Hargaysa kaga dhawaaqay Urur siyaasadeed wata magicii Kooxda SSC,Waxaana la filayaa in hogaamiyahooduna ku biiridoono dhawaan,Sidii nabada dalka looga wada shaqayn alahaa. warkan waxa uu gaar u yahay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews. wariyaha Shabakada ee Arimaha Siyaasada Dibada Saciidjamaal Xaaji Cali Saciid/Saciid-jamaal saciid-jamaal@hadhwanaag.org Quote Share this post Link to post Share on other sites