Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Hill Qaran accuses the TFG for allowing continues bombardment by the Kenyan Air force

Recommended Posts

Xisbiga Hiil-qaran oo ku eedeeyay DKMG inay fasaxday duqeymaha Kenya

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xisbiga Hiil-qaran ayaa ku eedeeyay dowladda KMG Soomaaliya inay fasaxday duqeymaha diyaaradaha laga leeyahay dalka Kenya ay ka gaystaan gobolada dalka Soomaaliya.

 

Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Xafiiska Xisbiga Hiil-qaran uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay duqeymaha Ciidamada Kenya ay ka wadaan Koofurta Soomaaliya oo ay la beegsanayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

 

Mas’uulka ugu sareeya Xisbiga Hiil-qaran Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho Shariif Xuseen Rooboow oo Warbaahinta u aqrinayay Warsaxaafadeedka ayaa waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Ciidamada Kenya ay duqeeyaan goobaha ay dagan yihiin dadka shacbka ah.

 

Shariif Xuseen Rooboow ayaa waxa uu sheeegay in dalka Soomaaliya ay ku hareeraysan yihiin Ciidamo Ajaaniib ah taasi oo uu tilmaamay in dowladda KMG Soomaaliya ay u fasaxday inay duqeeymo ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Mas’uulkaani ka tirsan Xisbiga Hiil-qaran ayaa ugu dambeyn Warsaxaafadeedka waxaa uu ku sheegay in shacabka Soomaliyeed aysan aheyn aargigixiso, isagoo ku tilmaamay duqeymaha Ciidamada Kenya ay ka wadaan Soomaaliya inay yihiin daan daansi iyo Daciifsi lagu hayo shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this