Xaaji Xunjuf Posted January 19, 2012 B/weyne:-Ciidamo Itoobiyaan ah oo bambooyin lagu weeraray 19. januar 2012 APL B/weyne(Allpuntland)-Qaraxyo ayaa lagu weeraray ciidamo Itoobiyaan ah oo saarnaa gaari dagaal oo marayey bartamaha magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Qaraxyada ahaa ahaa nooca gacanta laga tuuro iyadoona qaraxyada ka dib ciidamada Itoobiyaanka rasaas ay fureeen, waxaana rasaaska wax ku noqday dad rayid ah hayeeshee lama oga qasaaraha ciidamada Itoobiyaanka gaaray. Ka dib ayaa waxaa magaalada lagu daadiyey ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Itoobiyaan ah waxaana la soo qabqabtay ilaa 10 qof inkastoo markii dambe la sii daayey. Qaraxyada ayaa qalqal gelinaya ammaanka magaalada dhowaan awooda looga saaray dagaalyahanada Al Shabaab oo la rumeeysan yahay in ay ka dameeyaan weerarada . Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites