Dr_Osman Posted January 18, 2012 EYL : Waddo isku xirta magaalooyinka Eyl iyo Garoowe oo dhawaan la bilaabi doono January 18, 2012 10:49 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print Garoowe:-Waxaa dhawaan la bilaabi doonaa waddo muhiima oo isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Eyl, taas oo dhaqaalaheeda ay bixisay Dawlada Talyaaniga, waxayna arintan ka dambaysay kadib markii uu dhawaan yimid magaalada Garoowe masuul sare oo ka tisan Wasaaradda Arimaha Dibada ee Talyaaniga.l Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudahan Puntland Mudane, Cabdilaahi Siciid Yuusuf ayaa dhawaan mar la furayay suuq wayn waxa uu sheegay in loo baahan yahay in magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland ay yeelato Suuq kalluun maadaama dhawaan la samayn doono waddo isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Eyl, taas oo sahli doonta in si sahlan Kalluunka Eyl looga keeno. M-waynaha Puntland, Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa uu sheegayin Eyl lagu abaal mariyay wadadan maadaama ay deegaankaasi ay ahayd halkii ay ka bilaab matay burcadbadu ayna noqdeen dadkii ugu horeeyay ee iska saara burcad-badeeda, sidaasna caalamku u aqoonsaday deegaan aan Burcad-badeed joogin iminka. Degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa ah magaalo fac-wayn oo taariikhi ah, waxaana lagu xasuustaa oo wali raadkiisii yaalaa Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Eyl, waa magaalo xeebeed, waxaana bari loo isticmaali jiray qaab dakadeed oo xoolaha ayaa ka dhoofi-jiray, waxaana ka soo dagi jiray badeecadaha kala duwan, waxay leedahay jawi aad u wanaagsan, biyo macaan oo dhulka korkiisa iyo hoostiisaba mara, waxaana maankaaga ku soo dhacaya Il-dabay oo ah il rabbaani ah oo soconaysa wakhti kast, waxay leedahay durdur, waxay kaloo leedahay beero, waxayna si gaar ah caan ugu ahaan jirtay Bataatiga. Sikastaba, haddii wadadan hirgasho waxay soo celin doontaa sumcaddii iyo caan-nimimadii ilbaxnimada ahayd ee Degmada Eyl. Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites