Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Begins Construction Of New Road From Eyl To Garowe

Recommended Posts

Dr_Osman   

Alkalo-450x342.jpg

waddo5.jpg

 

EYL : Waddo isku xirta magaalooyinka Eyl iyo Garoowe oo dhawaan la bilaabi doono

January 18, 2012 10:49 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Print

 

Garoowe:-Waxaa dhawaan la bilaabi doonaa waddo muhiima oo isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Eyl, taas oo dhaqaalaheeda ay bixisay Dawlada Talyaaniga, waxayna arintan ka dambaysay kadib markii uu dhawaan yimid magaalada Garoowe masuul sare oo ka tisan Wasaaradda Arimaha Dibada ee Talyaaniga.l

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudahan Puntland Mudane, Cabdilaahi Siciid Yuusuf ayaa dhawaan mar la furayay suuq wayn waxa uu sheegay in loo baahan yahay in magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland ay yeelato Suuq kalluun maadaama dhawaan la samayn doono waddo isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Eyl, taas oo sahli doonta in si sahlan Kalluunka Eyl looga keeno.

 

M-waynaha Puntland, Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa uu sheegayin Eyl lagu abaal mariyay wadadan maadaama ay deegaankaasi ay ahayd halkii ay ka bilaab matay burcadbadu ayna noqdeen dadkii ugu horeeyay ee iska saara burcad-badeeda, sidaasna caalamku u aqoonsaday deegaan aan Burcad-badeed joogin iminka.

 

Degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa ah magaalo fac-wayn oo taariikhi ah, waxaana lagu xasuustaa oo wali raadkiisii yaalaa Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

 

Eyl, waa magaalo xeebeed, waxaana bari loo isticmaali jiray qaab dakadeed oo xoolaha ayaa ka dhoofi-jiray, waxaana ka soo dagi jiray badeecadaha kala duwan, waxay leedahay jawi aad u wanaagsan, biyo macaan oo dhulka korkiisa iyo hoostiisaba mara, waxaana maankaaga ku soo dhacaya Il-dabay oo ah il rabbaani ah oo soconaysa wakhti kast, waxay leedahay durdur, waxay kaloo leedahay beero, waxayna si gaar ah caan ugu ahaan jirtay Bataatiga.

 

Sikastaba, haddii wadadan hirgasho waxay soo celin doontaa sumcaddii iyo caan-nimimadii ilbaxnimada ahayd ee Degmada Eyl.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this