Sign in to follow this  
Saalax

Puntland : Soomaaliland Wadahadal wey naga diiday haddana ma rabto

Recommended Posts

Saalax   

Boosaaso[RBC Radio] Puntland ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in Soomaaliland uu ka biyo diiday in Puntland wadahadal toos ah uu dhexmaro xili Soomaaliland dagaal kusoo qaaday degmada Buuhoodle.

Wasiirka arrimaha gudaha Dawladda Puntland Janraal Cabdillaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo la hadlay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in mar kasta ay Puntland dhowrayso daris wanaaga iyo nabada u dhaxaysa Soomaaliland balse aysan diyaar u ahayn taas Maamulkaas.

Wuxuu xusay Wasiirku in Dawladda Puntland aysan marnaba horseed u noqon Colaad ba’an balse ay wadaan wadahadal lagu dhameynayo Colaada laguna gaarayo nabad iyo barwaaqo,waxaana Canbaareynaa buu yiri dagaalkii qaawanaa ee ay Soomaaliland ku qaaday Shacabka degan Buuhoodle.

…..”Puntland mar kasta waxanu dhowrnaa nabadgelyada,wadajirka iyo daris wanaaga naga dhaxeeya taas anagoo tixgelinayna,waxaana canbaareynaynaa Weerarkii qaawanaa ee gardarada ah ee lagu qaaday Shacabka ku dhaqan Buuhoodle.

Mowqifka Puntland ay ka taagan tahay dagaalka Buuhoodle ayaa waxa uu ku tilmaamay in la isugu yimaado geedka wadahadlka laguna dhameeyo si nabad ah.

Si kastaba Dawladda Puntland ayaa si adag uga hadashay dagaalka Soomaaliland kusoo qaaday degmada Buuhoodle,waxaana ay kasoo saartay Warsaxaafadeed lagu Canbaareynayo Weerarka Soomaaliland.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this