Saalax Posted January 18, 2012 Boosaaso[RBC Radio] Puntland ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in Soomaaliland uu ka biyo diiday in Puntland wadahadal toos ah uu dhexmaro xili Soomaaliland dagaal kusoo qaaday degmada Buuhoodle. Wasiirka arrimaha gudaha Dawladda Puntland Janraal Cabdillaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo la hadlay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in mar kasta ay Puntland dhowrayso daris wanaaga iyo nabada u dhaxaysa Soomaaliland balse aysan diyaar u ahayn taas Maamulkaas. Wuxuu xusay Wasiirku in Dawladda Puntland aysan marnaba horseed u noqon Colaad ba’an balse ay wadaan wadahadal lagu dhameynayo Colaada laguna gaarayo nabad iyo barwaaqo,waxaana Canbaareynaa buu yiri dagaalkii qaawanaa ee ay Soomaaliland ku qaaday Shacabka degan Buuhoodle. …..”Puntland mar kasta waxanu dhowrnaa nabadgelyada,wadajirka iyo daris wanaaga naga dhaxeeya taas anagoo tixgelinayna,waxaana canbaareynaynaa Weerarkii qaawanaa ee gardarada ah ee lagu qaaday Shacabka ku dhaqan Buuhoodle. Mowqifka Puntland ay ka taagan tahay dagaalka Buuhoodle ayaa waxa uu ku tilmaamay in la isugu yimaado geedka wadahadlka laguna dhameeyo si nabad ah. Si kastaba Dawladda Puntland ayaa si adag uga hadashay dagaalka Soomaaliland kusoo qaaday degmada Buuhoodle,waxaana ay kasoo saartay Warsaxaafadeed lagu Canbaareynayo Weerarka Soomaaliland. RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites