Sign in to follow this  
Dr_Osman

Sheeko Xiiso Leh Ku Saabsan Shidaalka Puntland

Recommended Posts

Dr_Osman   

faarax-warsame1-300x2406.jpg

 

Shidaalka Puntland .. Tallaabo 3-aad oo la qaaday .

Farah Warsame

Bile1971@hotmail.com

Jan 18 2012

 

Shaki kuma jiro in saddex tallaabo oo waaweyn oo muuqda uu maamulka Puntland ku tallaabsaday intuu jiray. Tallaabooyinkaas oo kala ah dhismaha Puntland oo aan ogeyn sida uu ku dhismay iyo waqtigii xasaasiga ahaa ee la aas’aasay!, Habka maamul ee Puntland ku shaqeyso oo taabbo gal ka noqday illaa xad gudaha iyo dibeddaba iyo Howsha hadda nagu cusub ee kheyraadka puntland sidii loo soo saari lahaa ku saabsan.

 

Labada tallaabo ee hore ee kala ah dhismaha puntland iyo systemka maamul ee halkaa ka jira hore-na waan uga hadalnay waana ka sii hadli doona haddii alle idmo laakiin maanta maqaalkeena wuxuu ku saabsanaan doona tallaabada 3-aad ee nagu cusub taasoo ah shidaal qodista.

 

Arrintan shidaal qodista ayaa maalmahan noqotay hadal-heynta ugu weyn ee caalamka guud ahaan, gaar ahaan soomaalida ka maqalno. Waa arrin la yaabkeeda leh naguna cusub, tallaabo dheer oo hal mar la qaaday maadaama aysan wax sahlan aheyn in Soomaaliya maanta shidaal loo soo saaro, la-ismana laheyn sidan ayay wax u fududaan doonaan.

 

Mudadii hadal-heynta shidaalka Puntland ay socotay, inta markaa sheekadaa si kal & laab ah ugu qaadatay aad ayay u yaraayeen, aniguba aan ugu horeeyee. Laakiin aniga shakigeygu wuxuu ku saleysnaa baqdin aan ka qabay in shirkadaha shidaalka sad-bursi aad u weyni ka iman karo marka laga eego xagga nidaamka dowliga ah ee wax kala qeybsiga ee heshiisyada noocan oo kale ah loo galo.

 

Waxaana mar walba ii muuqday welina ii muuqda, in mar haddii soomaaliya dowlad adag oo heshiisyo sidan oo kale ah saxiixi kartaa aaney wadankeena ka jirin, in markaa si sahal ah laguu dhici karo. Ama haddaan si kale u dhigo lagugu qancin karo wax aad u yar oo aan kuu qalmin, iyadoo laga faa’ideysanayo dhibaatada & rafaadka aadka u xun ee ku soo daashaday welina aan kaa dhammaan.

 

Sidoo kale waxaa mar walba igu soo dhacayay sababta dowladihii waaweynaa ee Soomaaliya soo maray uga horyimaadeen in shidaal laga qodo waddankeena iyagoo markaa saluugsanaa sida ama qaabka shirkaduhu saamiga ugu qorsheeyeen Soomaalida. Shaki kale waxaan ka qabay arrimaha amniga Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Puntland anigoo marwalba qalbiga ku hayay dhacdo hore uga dhacday qeyb Puntland ka tirsan markii la damcay in baaris loogu dhaqaaqo sida durba looga hor yimid iyo kuwo kale oo kuwaa la mid ah.

 

Laakiin waxaa shakigii aan qabay aad u yaraaday mar aan bishii oktoobar ee sanadkii tagay socdaal ku tagay magaalada Sydney ee waddankan Australia oo markaa annagoo badan oo soomaali ah cayaar kubadda cagta ah daawaneyna, uu noo yimid nin caddaan ah isagoo soomaalinimo noosoo heybsaday. Waxaa na dhex martay aniga iyo isaga sheeko gaaban.

 

Wuxuu hadal iiga bilaabay” Ma soomaali baa tihiin?” Markaan iri “HAA” wuxuu i weydiiyay ” Soomaalidee tihiin?” Ma fileyn in shakhsi caddaan ah su’aashaa oo kale i weydiinayo, waayadana wax su’aashaa oo kale i weydiiya ma arag! Anoo su’aashiisa dhibsanaya laakiin doonaya in aan u jawaabo ayaan ku iri “Ma soomaalidaad kala taqaan?” Isagoo dhoola cadeynaya ayuu igu yiri “Haa” iina raaciyay “Wax reer Puntland ah ma idinku jiraan??”

 

Yaab ayay igu noqotay, shakise ima gelin maadaama meesha la joogay ay aheyd meel ammaan buuxa ka jiro, maalintaana cayaaro kubadda cagta ah socdeen, oo isagu laftigiisa cayaarahaa u yimid. Waxaana durba ugu jawaabay “Anigan kula hadlaya ayaaba ka soo jeeda Puntland ee maxaa cusub?” Wuxuu iigu jawaabay” Bosaaso ayaan 4 sano dagganaa”. Gartay!!!.

 

Halkaa markay sheekadu mareyso ayaan wareysi ugu dhaqaaqay aniga oo weydiiyay wuxuu Boosaaso ka qabanayay mudada intaa le-eg. Wuxuu ii sheegay in uu ka tirsan yahay khubarada gacanta ku heysa shidaal qodista Puntland. Waana meesha aan ka ogaaday in Puntland shidaalkeeda la soo saarayo isagoo aakhirkii iigu khatimay “baaristii waan dhammeynay, markan noqoshadeyda dambe waa soo saaristii!!”

 

Markii hore aad ayaan u farxay laakiin mar walba waxaa farxadeyda kala dhantaalayay fikradda illaa hadda aan qabo ee shakiga ah ee ah in kheyraadkeena la boobayo. Mararka qaar waxaanba is weydiiyaa, armay waxaad horumarka la gaari weyday ama dadka qaarkii la gaari waayeen tahay cabsida amaa lagu dhacaa ah ee idinku jirta? Waa wax dhici karta laakiin markaan soo xusuusto xaalkeenu meesha uu marayo ka-soomaali ahaan, ayaan firkaddaa iska iloobaa!!.

 

Haddaan shidaalka u soo noqdo, Shaki kuma jiro meel shidaal laga qoday laga rajeynayo in laga helo dhaqaale ummaddan wax loogu qaban karo intuu doono ha le-ekaadee . Arrinta keliya ee aan isleeyahay soomaali wey isku dirtay ee faqriga ku saabsanna lagala dagaalami karo. Waana markii ugu horreysay oo dhag bani’aadam ku soo dhacdo in dhul soomaaliyeed shidaal laga qoday. Waxaan oran karaa marka dhinacaa laga eego waa horumar soomaali u soo hoyatay gaar ahaan Puntland.

 

Shidaalka Puntland wuxuu howshiisa bilowday 2005-tii, wuxuuse uu aad u soo shaac baxay 2007-dii markii heshiisyo arrimahan ku saabsan la kala sixiixday. Dhulka Puntland ayaa lagu sheegay in uu yahay halka ugu badan guud ahaan soomaaliya ee shidaalku ku jiro. Sidoo kale waxaa Puntland lagu sheegay in uu ku jiro macaadin kale oo faro badan oo gaasku ka mid yahay taasoo aan weli baaris lagu bilaabin laakiin la filayo in mar dhow iyadana loo howl galo. waxaana la rajeynayaa in Puntland noqoto dhul hodan ku ah kheyraadkeeda.

 

Ceelashan shidaal ee hadda soo saaristiisu bilaabaneyso waxaa lagu qiyaasay in ay ku jiraan illaa 5 bilyan oo barmiil ama foosto hadba qofku sida uu u yaqaan. Qiyaastan wey ka yaraan kartaa weyna ka badan kartaa. Laakiin waa bilow fiican haddii si fiican howshu isugu duba dhacdo.

 

Dabcan tallaabooyinka xiga ee ay Puntland qaadeyso ayaa ah in ay u socoto sidii dad wax heysta oo markaa heshiisyo iyo mashariic kale oo hrumarineed ay ku tallaabsato, iyadoo mar walba magaca soomaaliyeed inoo sidda.

 

Kuma koobana Puntland meelaha shidaalku ku jiro, dhulal badan oo soomaaliya ka tirsan ayaa la sheegaa in macaadin ka buuxdo, xitaa waagii aan yaraa ayaan sheekooyinka shidaalka ku saabsan maq-maqli jiray iyo hadal ah sucuudigaa diidan in la soo saaro iwm. Mar haddii shidaal la maqlay waxaan is leeyahay shakiga ah shidaal ma ku jiraa dhulkeena iyo mala soo saarayaa uu meesha ka sii baxayo. Laakiin aniga weli far ayaa ii taagan waxayna su’aasheydu tahay maxaa xigaya?

 

Yaan loo qaadan in aan dhinaca xun uu wax ka eego (pessimist), laakiin waxaa mar walba dib u jalleecaa dabeecadaha Soomaalida, kuwaas oo weli tusaalooyin aan wax ku kala ogaan karo ii noqda, haddana waxaan ogahay in wax laga badali karo dabeecadahaas haddii la doono!!. Waan hubaa in soomaalida oo isku dayashada ku dheereysa uu tartan soo dhex marayo, oo meelaha kale oo soomaaliya ka tirsan ee weliba ammaanka yari ka jiro, taasoo la saadaaliyay in shidaal laga heli karo, sida Somali-land oo kale ka bilaabaneyso shidaal qodis kale.

 

Laakiin marka uu tartan bilowdo ,xaaladda aan ku jirno iyo dhaqanka soomaalida lagu yaqaan isku eego, waxa aan ka baqayaa in si laablakac ah oo qabyaaladi hor boodeyso inta wax loo bilaabo ama adigu keligaa nooloow, ay markaa hadhow sheekadu noqoto jaantaa rogan, oo shaksi walba wax iska saxiixo, kii ku yiraahda labo gaari oo aan xoolaha furdada ku geysato ayaan kuu iibinayaa ee aan kheyraadkaaga daldasho, aad tiraahdo “you’re most welcome”..

 

Taana ha biciidsan oo hore ayay noo soo mareen. Qaar iska daa in wax loogu badalee kursi qurxoon inta la fariisiyay wasiir aan weligii soo mareen noloshiisa inta laga dhigay halkaa saxiix la yiri, hanti qaran sidaa ku baxshay. Ogowna haddii sidaa aan saadaaliyay wax u dhacaan hubaal waxaa noqoneysa in heshiiska Puntland uu noqonayo, kan markaa ugu wanaagsanaada.

 

Su’aasha kale waxay tahay sidee arrimahan oo kale looga manaafacaadsan karaa si siman oo soomaalinimo ku jirto? Maxaase caqabado ah ee ka iman kara?

 

Caqabadaha haddaan ku hor maro, wey badnaan karaan waxaana ugu horreeya uguna muhiimsan tan aan mar walba ku celcesho ee arrimaha nabadgelyada. Waxaa jira oo aan weli la iska daweyn xanuunkii soomaalidu qabtay ee qabyaaladda oo markaa kuwii dabka shidi jiray bilaabaan howshii ay takhasuska ku ahaayeen ee isku dirka, dhaleeceynta iyo iska hor keenista.

 

Waxaa sidoo kale caqabadaha ka mid ah in maadaama dadku iska gaajeysan yahay suurto gal noqon karto in loo soo jabo meelahaa dhan-dhanaanka yar laga soo sheegay iyagoo dadku markaa ama shaqo doon ah ama naftaada badbaadi is-leh, oo markaa ummadda intaa le’eg ee soo hayaantay dhibaato xagga amniga ah abuurto. Sidoo kale marka ay wax qeybsi timaaddo waa muran kale oo tuhun iyo wax kala jiidasho wata. Soomaaliduna iyagoon wax kala hubsan ama fiiro dheer u yeelan waxa ay sameynayaan ayay iskala boodaan arrimo aan loo baahneyn oo khalkhal abuuri kara.

 

Arrimahaa oo dhan waa dabeecado aan Soomaalida hore ugu aqiin.

 

Dhinaca kale markaan eegno, markii la maqlay shidaalka puntland waxaa ummadda soo gashay rajo ah in ay nolol sameystaan. Hubaal waxaa ah haddii si wanaagsan oo soomaalinimo ku jirto kheyraadka soomaaliya loo wada manaafacaadsado, in ninna uusan gaajooneyn! Dhibka iyo shiddadana la yareyn lahaa, Laakiin weli waxaa la la’yahay sidii dadkani wa loo fahamsiin lahaa ama iyagu wax isu fahamsiin lahaayeen.

 

Waxaan ku soo gabagabeynayaa, aan ilaashanno ishaa yar ee noo soo burqan rabta. Ka muwaadin ahaan ku bixi juhdi walba sidii looga manaafacaadsan lahaa. Dowladda puntland-na waxaan kula dardaarmayaa in sidii ay ballan qaaday howsha u waddo, ummadda oo dhanna soo dhaweyso.

 

Wabillaahi Towfiiq

 

Farah Warsame

 

Melbourne Australia

 

Bile1971@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this