Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Regional Cup Preparations Begins. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

logo-punt.jpg

 

Diyaargarow laga Dareemayo Xulka Kubada Cagta gobolka Bari[sawirro]

 

Boosaaso[RBC Radio] Xulka kubada Cagta gobolka Bari ayaa muddooyinkan isu diyaarinayey ka qeybqaadshada Ciyaaraha gobolada Puntland oo bishan gudaheeda ka furmaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

Guddoomiyaha Ciyaaraha Kubada Cagta gobolka Bari Mustafe Majacase oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegay in muddo bil ah ay wadeen Tababaro kala duwan sidii ay ay wacdaro uga dhigi lahaayeen Ciyaaraha gobolada Puntland iyo kii Soomaaliya ee ay wacdaraha uga dhigeen.

 

Musfatafe Majacase ayaa tilmaamay in maanta ama beri u ambabixi doonaan magaalada Garoowe oo lagu qaban doono Ciyaaraha Puntland,waxaana uu xusay in la sameeyey Group-yadii kooxaha gobolada lana leeyihiin Ciyaarta ugu hor eysa ay la leeyihiin kooxda kubada cagta ee gobolka Nugaal.

 

Sidoo kale waxa xusay in gobolada kale ee ka qeybqaadanaya ay yihiin Group A-Bari,Nugaal,Hayland iyo Karkaar,Guruop-B Mudug,Sool,Sanaag iyo gobolka Cayn,kuwaas oo isu diyaarinaya ka qeybgalgalka Koobka.

 

Muddo bil iyo xoogaa ayey Tababar ku jireen Xulka Kubada Cagta gobolka Bari ,diyaar garowgooduna waa sidii looga bartay oo ay wacdaraha uga dhigeen kaalinta wanaagsan ka galeen Ciyaarihii gobolada Soomaaliya ee lagu qabtay Caasimada Dawladda Puntland kaas oo kama danbeystii usoo baxeen gobolka Bari iyo gobolka Banaadir…….”ayuu yiri Majacase.

 

 

Dhaqaalaha ugu badan iyo cida taakulaysa Kooxda kubada cagta gobolka Bari ayuu ku sheegay in ay wanaagsan tahay ayna si wanaagsan u taageereen,sidoo kale mid intaas ka badan ay filayaan dhawaan.

 

Koobka gobolada Puntland ayaa ka furmi doona Caasimada Puntland ee Garoowe bishan gudaheeda,waxaana 6-mar oo la qabtay 5-kamid waxa qaaday gobolka Bari halka soo harayna gobolka Sool.

 

RBC Radio

Boosaaso

Xafiiska Wararka Boosaaso

 

056.jpg

02121.jpg

03111.jpg

footballtournament.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this