Sign in to follow this  
Saalax

Gabiley Banaan bax Lagu Taageerayo Ciidanka Qaranka Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

Banaan bax Lagu Taageerayo Ciidanka Qaranka Somaliland, Taageerana Loogu Raadinayey Khudbadii Madaxweynaha Oo Maanta Ka Dhacay Gabiley.

 

Banaanbaxan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne tiro badan iyo masuuliyiinta Gobolka ayaa...

 

Hargeysa (GNS) - Banaan bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka Somaliland ee Dagaalka kula jira Maleeshiyada ku sugan Deegaanada ku dhaw dhaw Buuhoodle, isla markaana taageero loogu raadinayey Khudbadii uu Madaxweyne Siillanyo maalintii Sabtidii ka jeediyey Xarunta Golayaasha Wakiilada Somaliland ayaa maantaka dhacay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

 

Banaanbaxan lahaa labada ujeedo ayaa waxa isugu soo baxay dadweyne aad u tiro badan, kuwaasi oo dhamaantood taageero balaadhan u muujinayey Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaasi oo Dagaal kula jira Cadawga Qaranimada Somaliland.

 

Banaanbaxan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Gobolka Gabiley oo ay hor kacayso Badhasaabka Gobolkaasi Khadra Xaaji Gaydh, ayaa waxa madashii banaanbaxu ka dhacayey ka soo jeediyey Khudbado kala duwan Masuuliyiintii ka soo qayb gashay Banaanbaxaasi.

Dadweynaha ka soo qayb galay banaanbaxan ayaa ka sinaa taageerada Ciidanka Qaranka Somaliland, balse Masuuliyiinta Gobolka Gabiley oo ay ugu horeyso Badhasaabka Gobolkaasi Khadra Xaaji Gaydh ayaa ka watay ujeedo kale oo ahayd in ay taageero ugu raadinayeen Khudbad Sanadeedkii uu Madaxweynuhu ka soo jeediyey maalintii Sabtidii Xarunta Golayaasha Baarlamaanka Somaliland, taasi oo shacabka Somaliland si weyn uga biyo diideen, ka dib markii laga sugayey in uu Madaxweynuhu ka waramo waxqabad Sanadeedkii Xukuumaddiisa, bilaabay in uu Dhaleecayn aanu u meel dayin dusha uga tuuro Telefishanka HCTV, taasi oo dad badan ka biyo diideen, halka dadka qaar sheegeen in aanay ahayn taladiisii ee Madaxweynaha dad kale dabada ka wadaan.

 

Tan iyo intii ka dambaysay Maalintii Sabtidii ee uu Madaxweynuhu Khudbada ka hor jeediyey labada Golle Baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida ayaa waxa ay Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumaddu wadeen abaabulo ay taageero ugu raadinayaan Khudbadaasi, taasi oo maalintii shalayna Banaanbax lagu taageerayo ka dhacday Magaalada Berbera, halka ay maantana ka dhacday Gabiley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this