Liibaan Posted January 17, 2012 advised SL to stop unwarranted attacks on Khaatumo People Dawladda Kenya Oo Ka Hadashay Dagaalka Buuhoodle Iyo Maamulka Khaatumo Lasanod Online Tuesday, January 17, 2012 Hargeysa,(Lasanod Online)-Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka dalka Kenya Faarax Macallin oo booqasho ku jooga magaalada hargeysa ayaa wuxuu ugu baaqay maamulka somaliland joojinta dagaalada ay kula jirto dadka degaanka buuhoodle Faarax Macallin oo maanta lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkiisa, waxaanu yidhi; "Anigu waxaan u socdaa wixii guud ee Soomaali oo dhan nabaddeeda iyo horumarkeedda sidii xal loogu heli lahaa oo aan ahayn gacan ka hadal, laguna gaadhi lahaa, waxyaabahaas oo dhan hab xasilloon. Anigu ma aamminsani marnaba inay Soomaalidu isu-gacan-qaado meel kasta oo ay joogto." Md. Faarax Macallin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyey; "Taasina waxa weeyaan mid aan dawladdana u sheegayo shacabka soomaaliyeedna u sheegayo, wax allaalle wixii dhibaato ah ee jira waxa weeyaan waxa la joogaa wakhtigii xal iyo wadahadal lagu dhammayn lahaa, xilligii gacan-ka-hadalka lama joogo." "Socdaalkaygan Somaliland waxa weeyaan qiimayn yar oo ah inaan arko Somaliland sidii aannu u yeelan lahayn wadahadal, taas oo aan doonayo inaan wadahadal yeelanno Soomaali oo dhan, Soomaaliya waannu tageynaa waanannu wadahadalaynaa, Somaliland waannu imanaynaa waanannu wadahadalaynaa, meel kasta oo ay Soomaalidu joogto waannu wadahadlaynaa." Sidaa ayuu yidhi Faarax Macalli. Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamanka dawladda Kenya, Faarax Macallin waxa uu u soo jeediyey Somaliland inay wadahadal la furto maamulka khaatumo, isla markaana ay joojiso dagaalka ay ka bilawday deegaannada Buuhoodle. "maamulka somaliland in ay isticmaasho wax la yidhaado degganaasho iyo tartiib, ilayn dhaqan Soomaali ayaynu iska lee nahay. Maamulku waa in ay ka waantyowdo gacan-qaadka, waayo dadku waa walaalo." Xafiiska Wararka Laascaanood Quote Share this post Link to post Share on other sites