Dr_Osman Posted January 17, 2012 Suuq cusub oo Garowe laga furey 16 Jan 16, 2012 - 9:06:13 AM GAROWE ONLINE Dowlada Hoose ee degmada Garowe ayaa maanta 16,Jan ,2012 xariga ka jartay suuqa cusub ee Garowe kaasi oo lagu talagay in ay ku ganacsadaan dadka danyarta ah ee ku nool magaalada, waxana furitaanka suuqa ka qeyb-galay madaxda ka tirsan dowlada Puntland iyo masuliyiin ka socotey hayada IOM . Mashruucan dhisitaanka suuqa cusub ee Garowe waxaa wada-fuliyay hayada IOM iyo ururka Kulmiye Development Organisation (KDO),waxana la sheegay lacagta ku baxaday suuqaasi in ay tahay ($80,000 kun Dolar) . Suqani ayaa madaxdii furitaanka ka qayb gashay waxay sheegeen in ay muhiim u tahay bulshada Garowe ku nool gaara ahaan haweenka oo int badan iyagu suuqyada ku iibiya adeegyada nolol maalmeed ka ah ee ay u baahan yihiin bulshada inteeda kale. Duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa kalmado hadal ah oo uu ka jeediyay furida suuqa cusub waxaa uu mahad -celiyay dhamaan intii ka qeyb-qaadatay hirgelinta suuqa,waxaana uu intaasi ku daray in suuqaani mid la mid ah isna laga furayo Injida dhex dhexdeeda sanadkii hore ujeedooyinka suuqyada dhisidooda laga leeyahay ayuu ku sheegay in ay tahay sidii bulshada danyarta ah ugu ganacsan lahayeen suuqa. Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa bulshada ugu baaqey in fursadani iyo kuwa la midaba ay ka faa’idaystaan ,waxaana uu tilmaamay in Dowlada Hoose mar walba u heelan tahay sidii bulshada Garowe uga haqabtiri-lahayd baahiyadooda, sidoo kale waxay sheegeen in suuqyo kale oo kuwaasi la mid ah laga hirgalinayo Garowe . Khaliif Ow Cali oo ka socday ururka howsha fulinayay ee Kulmiye ayaa hadal isna ka soo jeediyay furida suuqan, waxana uu sheegay in howsha isla wadeen hayada IOM iyo ururka Kulmiye si wanaagsana uu ugu dhamaaday ,isagoo intaasi sii raaciyay in suuqa uu leeyahay hoolal waaweyn oo dadka ku ganacsanaya ay anfici doonto , Nabadoon Khaliif waxa uu tilmaamay in kharashka ku baxay dhisitaanka suuqa oo muddo socday ay bixisay hayada IOM maantana uu soo dhamaaday dhismihiisu isagoo bulshada loogu tala-galay ugu baaqey in ay suuqa ilaalintiisa iyo daryeelkiisa ay masuul ka noqdaan . Suqaani maanta xariga laga jarey ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay si rasmi ah uga bilowdaan howlihii nolol maal-meedka waxana talaabadan soo dhaweyey haweenka ka ganacsada khudaarta iyo hilibka suuqa Garowe. Halkan ka dhageyso warbixin uu ka diyaariyay C/xamiid Salaad suuqa cusub http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Suuq_cusub_oo_Garowe_laga_furey.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dervish Posted January 17, 2012 galia;775738 wrote: Pathetic Looool she's back Quote Share this post Link to post Share on other sites
LANDER Posted January 17, 2012 There's something missing....Meat and vegetables. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Beer-Gaal Posted January 17, 2012 she maaha waa he ,could be both though !! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Raamsade Posted January 17, 2012 Why did they write everything in English? Majority of Somalis can't read let along read English. Quote Share this post Link to post Share on other sites