Sign in to follow this  
Somalia

Galkacyo:Kulan Degdeg ah oo ku saabsanaa Difaacista Taageerista Reer Buuhoodle oo Maanta dhacay

Recommended Posts

Somalia   

Gaalkacyo: (Allpuntland)-Waxaa Maanta Hoolka shirarka Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ka dhacay shirweyne degdeg ah oo ay soo qabanqaabiyeen Odayaasha, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka & Maamulka gobolka Mudug kaasoo looga hadlayey xaalada cusub ee colaadeed ee kasoo cusboonaatay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn kadib markii shalay Maamulka Somaliland uu duulaan xoogleh kusoo qaaday magaalada Buuhoodle islamarkaasna ay dadbadani ku waxyeeloobeen weerarkaas iyadoo ujeedada kulankani ay ahayd canbaaraynta gulufka Somaliland & U istaaga difaaca sharafta & midnimada reer Puntland.

 

Shirkan oo Saacado soconayey ayaa ay ka qaybgaleen qaybaha kaladuwan ee bulshada gobolka Mudug waxaana halkaas sidoo kale ka qaybgalay Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tige, ku xigeenkiisa Farxaan Cali Xirsi, Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Gol.Jaamac Sandaqad, Duqa magaalada Gaalkacyo Gol.Siciid Cabdi Faarax, Madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland Dr.Bashiir Cali Biixi, Taliyihii hore ee Ciidanka Daraawiishta Puntland Gol.Cali Baadiye, Salaadiin & xubno kale oo aad u farabadan kuwaasoo si iskumid ah u canbaareeyey weerarka dhulbalaarsiga ah ee Somaliland ay ku qaaday Magaalada Buuhoodle.

 

 

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo si rasmi ah u daahfuray shirkaas ayaa sheegey in ujeedada shirkani ay dahay Difaacista & taageerida shacabka reer Buuhoodle Waxaana uu sheegey in shirkan aysan u harin maamulka & qaybaha kaladuwan ee bulshada gobolka Mudug, Gudoomiyuhu wuxuu weerarkii Buuhoodle shalay ay Somaliland ku qaaday la mid dhigay weerarada Alshabaab isagoona sheegey in Hogaamiyaha Shabaabka & Madaxweynaha Somaliland ay isku reeryihiin ayna u midoobeen xaalufinta shacabka reer Puntland, Maxamed Yuusuf Wuxuu sheegey in Dhaawacyadii laga keenay Buuhoodle ay siweyn usoo dhaweeyeen islamarkaasna wuxuu mahadcelin u diray shaqaalaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo uu sheegey inay muujiyeen dareen wanaagsan ayna si hagar la’aan ah u caawinayaan dadkii wax ku noqday Dagaalkii Buuhoodle isagoona ka tacsiyeeyey Hal Ruux oo kudhintay Meel u dhow Gaalkacyo xili Dhaawaciisa laga soo qaaday magaalada Buuhoodle, Wuxuu shacabka gobolka Mudug ka codsaday inay u diyaargaroobaan dagaal adag oo lagu difaacayo Dadka reer Buuhoodle.

 

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo isna ka hadlay shirkaas ayaa dhaliilay hogaanka Maamulka Somaliland oo uu sheegey in ay hormarkii ay ku faanayeen ay u badaleen xasuuq shacab islamarkaasna wuxuu ugu baaqay in Somaliland ay si degdeg ah u joojiso xasuuqa ay kawado gobolada SSC, Shacabka Gobolka Mudug ayuu Dr.Gaagaab sheegey inay diyaar u yihiin inay Naftooda & Maalkooda galiyaan difaaca reer Buuhoodle oo uu sheegey inuu muqadas yahay.

 

Suldaan Cabdicasiis Suldaan Maqtal Suldaan Rafle oo kamid ah isimada beelaha ******* oo halkaas ka hadlay ayaa sheegey in beel kamid ah Beelaha Somaliland ay kusoo duushay deegaanada Puntland Wuxuuna sheegey in Beelaha uu ku abtirasada ay diyaar u yihiin inay ku laabtaan dhulkooda wuxuuna ka digay in hadii weerarada Somaliland ay sii socdaan ay gaari doonaan ilaa magaalada Burco, Taliyaha qaybta Booliska mudug oo isna hadlay ayaa sheegey in Cududa gobolada ay la ehelka yihiin shacabka reer Buuhoodle ay diyaar u yihiin inay Difaacaan walaalahood.

 

Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland Dr.Bashiir Cali Biixi oo soo xiray kulankaas ayaa sheegey in diyaar loo yahay waxkasta oo lagu difaacayo gobolka Ceyn & guud ahaanba gobolada kale ee SSC, Dr.Biixi Wuxuu sheegey in shirkii Khaatumo uu ahaa mid wanaagsan ayna soo dhaweeyeen wuxuuna sheegey in loo baahanyahay in dadka gobolada SSC laga daayo Dhibta & Xasuuqa lagu hayo.

406817_361164657243482_100000498535300_1

395972_361164527243495_100000498535300_1

381746_361164467243501_100000498535300_1

405894_361173057242642_100000498535300_1

407449_361167447243203_100000498535300_1

407546_361172817242666_100000498535300_1

404288_361175897242358_100000498535300_1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland ayaa ku hanjanabay in ay dagaal ku qaadi doonaan magaalooyinka katirsan Somaliland haddii aanay Somaliland joojin dagaalka ay kusoo qaadeen degmada Buuhoodle.

 

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ka hadlaayey kulan looga hadlaayey dagaalkii ay Somaliland kusoo qaaday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxa uu hajabaad kulul u jeediyey maamulka Somaliland.

 

Gaagaab waxa uu sheegay in ay dagaallo ku qaadi doonaan magaalooyinka waa weyn Somaliland sida Berbera, Burco iyo Hargeysa haddii ay joojin waydo waxa uu ugu yeeray gumaadka iyo dagaalada ay ku hayso degmada Buuhoodle iyo shacabka ku dhaqan gobolada SSC.”Waxaan dagaal ku qaadi oonaa Hargeysa, Berbera iyo Burco haddii uusan maamulka SNM joojin dhibaatada uu ku wada dadka Soomaaliyeed ee aan isirka wadaagno ee ku dhaqan goboada SSC, ayuu yiri Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab

 

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maalintii shalay la gaarsiiyey qaar kamid ah dhaawacayadii ka dhashay dagaalkii ay Somaliland kusoo qaaday degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ which puntland is this..West Puntland or North Puntland...dam...things...they getting confusing...but anywhoo..all i heard was

 

BACAAAAAAAAAAAAAAAAC......

 

SOMALILAND AINT STOPING FOR NO ONE...BRING WHAT YOU HAVE AND JOIN THE PARTY...OR SIT BACK DOWN AND SHUT YOUR MOUTH....:o

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The Hermet;776316 wrote:
^^^^ which puntland is this..West Puntland or North Puntland...dam...things...they getting confusing...but anywhoo..all i heard was

 

BACAAAAAAAAAAAAAAAAC......

 

SOMALILAND AINT STOPING FOR NO ONE...BRING WHAT YOU HAVE AND JOIN THE PARTY...OR SIT BACK DOWN AND SHUT YOUR MOUTH....
:o

What's odd is not your retarded comment, it's the fact that you put a 'embarrassed' smiley at the end of your rant.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^again another retarded comment focusing on trivial matters to try and get one over someone because they dont like their comments...be a man little guy...stop being what you cant help being "you"...

 

ohhh...smiley this and smily that...pathetic...this is what somalia produces as competition...pathetic indeed.

 

what part of bacaaaaaaac did you not understand?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this