Che -Guevara Posted January 16, 2012 Woyane's Errand Boy Going at it Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 16, 2012 Dagaal u dhaxeeya Dooxada Shabeelle iyo Ahlu Sunna oo galinkii danbe ee shalay ka dhacay duleedka Beledweyne Isniin, Jannaayo 16, 2012 (HOL) − Xoogag kala taabacsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo maamulka Dooxada Shabeelle ayaa galinkii danbe maalintii shalay waxaa uu dagaal ku dhaxmaray duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid leysku adeegsaday hub-ka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhashay kadib markii sida warar soo baxaya sheegayaan ay isku dhaceen xoogag ka kala tirsan labada garab oo ku wada sugnaa deegaannka lagu magacaabo Guufaale ee duleedka ka ah magaalada Beledweyne. Inta la xaqiijinayo waxaa dagaallkaasi ku nafwaayay ilaa Sadax ruux halka tiro kalana ay uu dhaawac ka soo gaaray kuwaasoo dhamaantood ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaallamay. Saraakiisha labada garab ee dirirtu dhaxmartay oo aan xiriiro kala duwan la sameynay nooma suurtagalin in ay tafaasiil dhab ah ka bixiyaan dagaallka iyo sababaha dhaliyay intaba. Hasse ahaatee ciidamada dowladda Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Beledweyne ayaa markiiba faragalin toos ah ku sameeyay dagaallka iyaga oo mas’uuliyiinta labada dhinaca kala hogaamisa C/fitaax Xassan Afrax iyo Aadan C/dulle Cawaale u kaxeeyay xarun ay ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyne, halkaasoo ay su’aalo la xiriira dagaallka ku weydiiyeen. Dagaalka shalay dhaxmaray labada dhinac ayaa imanaya kadib khilaaf maalmihii aynu soo dhaafnayba ka dhax taagnaa labada garab kaasoo salka ku haya gacan ku heynta magaalada marka laga soo tago ciidamada Itoobiya. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online Diini@hiiraan.com Beledweyne, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 16, 2012 Ciidanka Itoobiya oo xabsiga ka daayey laba mas’uul oo ay ku xireen Beledweyn Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidanka Itoobya ee ay xabsiga ka daayeen laba sarkaal oo Soomaali ah oo ay xalay fiidki xireen. Saraakiishaan oo kala ah Aadan Cabdulle Cawaale oo ah nin sheegta inuu yahay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Ahlu Sunna iyo C/fataax Xasan Jaamac oo madax ka ah maamul la magac baxay Dooxada Shabelle oo isna sheegtay inuu maamul Hiiraan ayaa waxaa xalay xiray ciidanka Itoobiya kadib marki ay maleeshiyo ay kala wataan ku dagaalameen duleedka magaalada. Labadaan mas,uul ayaa marki lasii daayey kadib la hadlay warbaahinta waxaana ay sheegeen in aysan jirin wax xarig ah oo ay u geysteen ciidanka Itoobiya, sababihi ay u tageen xarunta ciidanka Itoobiya ee Baladweynana ay aheyd wada hadalo ay la qaadaneyeen saraakiisha Itoobiyaanka. Waxa kale oo ay sheegeen in ay kala hadleen saraakiisha ciidanka Itoobiya ee jooga Beledweyn arimo ku saabsan amaanka iyo dagaalki shalay galab ka dhacay duleedka magaalada. Labaduba waxay ka qoomameeyeen dagaalkaasi iyaga oo u tacsiyeeyey dadki ku wax yeeloobay iyo kuwi ku dhintay. Ilo wareedyo ku dhaw labadaasi mas,uul ayaa u sheegay Horseed Media in la xiray oo ay xabsiga ku jireen tan iyo xalay maqribki, waxaana labadooduba ka hor inta aanan la xirin ay isaga hanjabeen dhinaca warbaahinta. Magaalada Beledweyne ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo Itoobiyaan ah oo ka qabsaday kuwa Al Shabaab 31-ki bishi tagtat ee December sanadki 2011, waxaase sheeganaya qabsashada magaalada maamulada Ahlu Sunna iyo Dooxada Shabelle. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites