Sign in to follow this  
Somalia

Pictures: Galkacyo Hospitals expecting wounded from Buhoodle

Recommended Posts

Somalia   

Gaalkacyo (Allpuntland)-Waxaa Caawa Isbitaalada waaweyn ee Magaalada Gaalkacyo ka bilowday Diyaargarow xoogleh oo loogu diyaargaroobayo Dhaawac goordhawayd laga soo qaaday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn ee Puntland halkaasoo ciidamo katirsan Somaliland ay saaka weerar gaadmo ah ku ekeeyaan dadka deegaankaas ayna khasaaro kaladuwani labada dhinac soo kala gaartay iyadoona Dhaawacyadii dadka deegaanka ee saaka wax ku noqday halkaas loosoo wado dhanak magaalada Gaalkacyo.

 

Shaqaalaha caafimaadka & kuwa gurmadka degdega ah ee gobolka Mudug ayaa caawa heegan buuxa ku jira iyadoona la rajaynayo in Aroorta hore ku dhawaad lasoo gaarsiiyo dhaawaca ku dhawaad Toban Ruux, Iyadoona siweyn looga dareemayo Magaalada Gaalkacyo u diyaargarowga dhaawacyadan iyadoona horey Gaalkacyo loo keeni jiray dhaawacyada Buuhoodle laga keeno waqtiyadii dagaaladii Kalshaale ay dhacayeen.

 

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo APL la hadlay goordhawayd ayaa sheegey inay shacabka gobolka, maamulka, Saraakiisha Caafimaadka & qaybaha kaladuwan ee Bulshada ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan dhaawacyada Buuhoodle islamarkaasna wuxuu sheegey inay si toos ah ula xiriirayaan dadka wada dhaawacyada isagoona sheegey inay heli doonaan kaalmada caafimaad, adeegyada muhiimka ah & nolosha ugu wanaagsan ee ay u baahanyihiin, Gudoomiyaha gobolka ayaa sheegey in Maamulka gobolka Ceyn ay kawada shaqaynayaan sidii loo taageeri lahaa dadkii wax ku noqday Dhaawacyada isagoona sheegey in dadka lasoo wado ay isugujiraan Dhaawacyo culus & kuwo fudfud, Wuxuu Mr.Tigey sidoo kale sheegey inaysan waxba ka hakran doonin Walaalahooda lagu soo duulay Maanta.

 

The bond shall grow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this