A_Khadar Posted January 15, 2012 buuhoodle maaha baylah 1 buuhoodle waynoow ma tihid baadi xoolo ahe 2 beled qaranku leeyaad tahiyo baho daraawiishe 3 barqo weerrakiyo maaggu waa baaddilkuu yimiye 4 waa bixiso qaaray waddiyo boonku caasidaye 5 waa biidhi qaatiyo kuwii baydadka ahaaye 6 waa booli niman doonayoo booc madoobe 7 waa biliqaystiyo waxaan baran xalaal doone 8 waa baraq nugaylkii ***** iyo bulaankiiye 9 waa baali xooftiyo waxay berigi eedeene 10 baroortoodu waa dhawdihiyo ba,ayda naaguuye 11 mar haddii badheedh laysu helo waa lagaa baqane 12 birta cadawga loogama tudhiyo baaddilka u saare 13 barbaartaan ogaa igawallaan laga badbaadayne 14 waataa bannaannada la wadhay buufintii hore,e 15 bursayn keliya baa ii hadhiyo baasha kala raace 16 burco iyo hargaysaannu tegi bi,idnilaahiiye 17 baydhbaydhi maayoo dagaal waa is badinnaaye 18 baryo kuma tegaayee horaan baaciyaay idhiye 19 baallaha tolbaa kaa xigiyo biixi maaciyahe 20 waxba yaan budlaan bay nacdiyo been lagaa fidine 21 waa soo burmanayaa *****gu taniyo baargaale 22 burjigiinni waa soo noqdiyo biligi *** 23 baddagaracad buuraha qandala baaqu wada gaadhye 24 baaxadduu ugaadeen lahaa baahidaa maqalye 25 banaadiiq ********* sitiyo baalcaddaa imane 26 bogga tanade iyo awr tablaa baarri kuu jecele 27 bartire iyo abasguul ka kece baradi wiilwaale 28 baaruudda geribaa sitiyo boobe iyo faale 29 ninna baylahdaa ma oggoliyo baytimaal 30 dabkan beleley waa inuu berbera bila ka oogmaaye 31 bulsha waynta soomaalidaa birimo joogtaane 32 waxa dunida lagu baahiyaa buugga kuu qorane 33 billaddiyo abaalkiinnu baaqi weli yaale 34 bushaaraa idiintaalla meel barako guuleede 35 ka bogsaday busaaradiyo ciil wayga bi,iseene 36 boodhkiyo awaaraha ka tuma bururku waa soole [ abwaan suusle] Quote Share this post Link to post Share on other sites