Jacaylbaro Posted August 11, 2007 Xulka Gobolka Tog-dheer Oo Ku Guulaystay tartankii koobka ciyaaraha ee Somaliland, taasi oo ay dirqi kaga badiyeen xulka Gobolka Awdal Hargeysa(Qaran)-Xulka Kubada Cagta Gobolka Tog-dheer ayaa ku guulaystay Tartankii Shanaad ee Ciyaaraha Kubada Cagta Gobolada Somaliland,ka dibmarkii Galabta ay rikoodhayaal kaga adkaadeen Xulka Gobolka Awdal oo ay ciyaartii kama danbaysta wada yeesheen. Ciyaartan Galabta oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirada Ciyaaraha,Xidhiidhka golayaasha,Wasiirku xigeenka Wasaarada Cadaalada,Mujaahid Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax,Badhasaabka gobolka Tog-dheer,duqa magaalada Boorama C/raxmaan Shidde, Masuuliyiinta Xidhiidhka kubada Cagta Iyo Kumanaan Qof oo ka mid ah Taageerayaasha Labada gobol ee Awdal iyo Togdheer. Ciyaartan oo ahayd tii ugu kullayd tan iyo markii tantankani furmay 30-kii Bishii la soo dhaafay ee July waxa labada Xulba ay aad u adkeeyeen difaacoodii waxana ay is dhaafsanayeen weerar iyo weerar-celis,hase yeeshee markii ciyaartii muddo socotay ayaa Xasan Cabdilaahi[Xasan Dafe] uu Gobolka Awdal u dhaliyay gool aad u qurux badnaa oo sii shiday xamaasadii Ciyaartaas,taasi oo aamus u diiday tageeryaasha gobolka Togdheer. Weeraro badan ka dib waxa Xulka Gobolka tog-dheer u suurto-gashay inay iska soo bedaan Goolkii la dheeraa waxana gool qurux badan u dhaliyay Mustafe Maxamed Axmed oo ka tirsanaa difaaca Gobolkaas waxana qeybtii hore lagu kala nastay 1-1 Gool, taasi oo ay tageeryaasha gobolka Togdheer ku qaboobeen. Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa u muuqatay mid ka sii kulul oo ay si dhaba u shaqeynayeen Talooyinkii Tababarayaashu ay soo siiyeen Ciyaartoyga waxa wax weyni iska bedalay qaab Ciyaareedkii qeybtii hore. Abada Kooxoodba waxa ay iska lumiyeen Fursado Badan oo Goolal lagu dhalin karayay,taas oo sababtay in 90-kii Daqiiqadood ee ciyaartaas loogu talo-galay ay ku dhamaato barbar-dhac 1-1 waxana aakhirkii Rikoodhayaal loo dhigay 9-8 ku badiyay Xulkii metalayay Gobolka Tog-dheer. Waa markii labaad ee Gobolkaasi uu ku guulaysto Ciyaaraha Gobolada Tan iyo Markii la bilaabay sanadkii 2002-dii, iyada oo koobkii kan ka horeeyay ay hanteen xulka gobolka Sanaag iyaga oo ka badiyay ama ka qaaday xulkani maanta qaatay ee Togdheer. Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Muxumed ayaa hadal uu u jeediyay labada Kooxood ugu baaqay inay isu haneeyaan koobka,waxana uu Ciyaartoyga labada Kooxoodba ku amaanay wax uu ku tilmaamay ciyaar-wanaagii ay muujiyeen iyo sida Nabadgelyada ah ee ay ku dhamaatay Ciyaartaasi. Dhanka kalana xulka gobolka Hargaysa ayaan marnba ka soo daahirin amba aan marnba soo istaagin kaalin fiican, taasi oo ay hada u sii dheeraatay tageerayaashooda oo arintaasi ka gadooda, taasi oo lagu fasili karo mid aan haboonayn, hase ahaatee ay la gudboontahay in ay ciyaaro fiican oo ay guusha ku hantaan la yimaadaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted August 12, 2007 Yeah!!!!!!!!!!!!!!!!!!! The boys done good! Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted August 12, 2007 rikoodhayaal --- does he mean rigooro!!lool. damn my awadal lost. probably, the refrees were paid under the table! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 2, 2007 loooooool ,,,, Reer Awdal libaaxyadii togdheer baa helay Quote Share this post Link to post Share on other sites