Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkacyo Gets A New University. Pics and Audio

Recommended Posts

Dr_Osman   

Gaalkacyo: Macadkii Maamulka & Maareynta Simba oo Loo Badalay Jaamacada Gaalkacyo [Cod+Sawiro]

 

Updated:- 15 mins ago| 0 Commnets

 

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si rasmi ah looga furay Jaamacad cusub oo ku soo biiraysa saaxada waxbarashada ee gobolka Mudug taasoo loogu magacdaray Jaamacada Caalamiga ah ee Magaalada Gaalkacyo (Galkacyo International University) Iyadoo Xaflad balaaran oo lagu furayey Jaamacadani ay ka dhacday Daarta Amal Plaza ee Magaalada Gaalkacyo

 

Xafladii furitaanka jaamacada waxaa ka qayb galay boqolaal dadweyne ah, Madaxda maamulka gobolka, Ururada waxbarashada, Maamulka waxbarashada ee gobolka Mudug, Waalidiin iyo Arday aad u farabadan halkaasoo lagu soo bandhigay furitaanka Jaamacada iyo himiladeeda fog ee ku aadan inay qayb ka noqoto hormarka Waxbarashada dhanka jaamacadaha ah ee Sanadihii lasoo dhaafay ay Dawlada Puntland tiigsanaysay.

 

Kamaal Sheekh Xuseen Maxamed oo kamid ah maamulka Jaamacada cusub ee (GIU) ayaa ugu Horayntii si rasmi ah u daah furay xaflada isagoona sheegey in Jamaacadu ay tahay mid gaar loo leeyahay islamarkaasna ay diyaar u tahay inay ka shaqayso buuxinta baahiyaha waxbarashada iyo Xirfadaha ee ka jira gobolka Mudug taasoo uu sheegey in jaamacadan uu dhalay Machadkii Maaraynta & Maamulka ee SIMBA

 

Dhagayso Codka Kamaal Sh Xuseen Maxamed

http://horseedmedia.net/2012/01/15/gaalkacyo-macadkii-maamulka-maareynta-simba-oo-loo-badalay-jaamacada-gaalkacyo-codsawiro/

 

Maamulka jaamacada ayaa soo bandhigay intii ay socotay xafladan qaybaha waxbarsho ee lagu dhigan doono jaamacada caalimaga ah ee Gaalkacyo waxaana ay kala yihiin

 

Faculties (Degree Programs).

 

-Bachelor Of Business Administration

-Bachelor Of Information Technology (IT).

-Bachelor of Human Resource Managemnet

-Bachelor of Shari’a And Law.

-Bachelor of Economics.

 

Diploma Programs.

 

-Diploma English Language

-Diploma In Business Management

-Diploma in Human Resources Manegment.

-Diploma in Accounting

-Diploma In Computer Applications

-Diploma in Project Management

-Diploma in Operatiopn of Manegment

-Diploma in Logistics

 

Duqa degmada Gaalkacyo mudane Siciid Cabdi faarax oo isna hadal kooban ka soo jeediyay furitaankii jaamacada ayaa sheegay in maamulka degmada Gaalkacyo uu soo dhaweeynayo dadaalka waxbarsho oo ay wadaan maamulka jaamacada Gaalkacyo isagoona ku dheeraaday muhiimada ay leedahay waxbarshada iyo hormarkeeda.

 

Bashiir Axmed nuur Khalaf Gudoomiyaha gudoonka waxbarashada ee gobolka Mudug oo ka hadlay Furitaankii Jaamacada Caalamiga ah ee Gaalkacyo ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay jaamacada cusub ee magaalada laga furay isagoona sheegey inuu rajaeynayo inay soo kordhiso barnaamij wanaagsan oo waxbarashada gobolka kor usii qaadaya.

 

Ugu danbaytii danbaytii maamulka jaamacada caalamiga ah ee Gaalkacyo ayaa balanqaaday intii ay socotay xaflada furitaanka jaamacada in ay bixin doonaan deeqo waxbarsho oo bilaash ah isla markaana deeqahaas 70% (Boqolkiiba Todobaadan) lagu taageeri doono gabdhaha ku nool gobolka Mudug .

 

Axmed Maxmed Cali [Caano-Geel]

Horseed Media

Gaalkacyo-Puntland

 

379159_359738847386063_100000498535300_1

386082_359738604052754_100000498535300_1

388452_359738920719389_100000498535300_1

397564_359739894052625_100000498535300_1

398666_359739424052672_100000498535300_1

404341_359739654052649_100000498535300_1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this