Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland MP abdulqadir indho indho a clan cannot become a state

Recommended Posts

Qabiil noqon kara qaran ma jiro, Somaliland dhulbaa la yidhaa, dhulkiina waala yaqaan”

 

January 14th, 2012

 

strong>“Go’aamada ka soo baxay shirka Taleex ma aha go’aamo dadka u cuntami Kara si kastaba marka loodhigo” Xildhibaan Saleebaan Cali Koore

 

Hargaysa (Somaliland.Org):- xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah muddaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa go’aan lagu deg-degay ku tilmaamay maamul goboleedka lagaga dhawaaqay shirka Taleex isla markaana arrintaasi ay tahay dhibaato ku soo korodhay geeska afrika.

 

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo xalay u waramay warbaahinta ayaa sheegay in magaca Somaliland dhul la yidhaahdo balse aanu qabiil noqon karin maamul ama wax u eg dawlad.

 

isaga oo ka hadlaya arigtidiisa ku aadan shirkaasi waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa go’aankaasi go’aan lagu daeg-dagay oo aan loo talo badsan, oo aan waayeelka meesha joogay iyo dadka degaankaa u dhashay ama goboladan ka wadeen beesha sool dego, anigu Sool, Sanaag iyo Cayn anigu odhan maayee waxa weeyaan arrin dagdaga oo aan laga fiirsan ayaan u arkaa. dhulkani taariikh ayuu leeyahay waxaynu badali karno ma aha cid kalena bedali karto ma aha.

 

Qabiil noqon kara qaran ma jiro, Somaliland dhulbaa la yidhaa, dhulkiina waala yaqaan, beesha caalamkuna way taqanaa anaga beesha ka so jeeda sool 1991-kii, markii dawladii Siyaasad Barre dhacday dadkani way isu yimaadeen waxbay wada dhigteen intii Somaliland laysku odhan jirtay 1993-kii ayay Boorama isugu yimaadeen waxbay wada dhisteen intii Somaliland laysku odhan jiray ilaa maanta tiibay wax ku wada leeyihiin meel kasta caalamka tabashadu way jiri kartaa laakiin anigu dhibaato hor leh oo Geeska Afrika lagu soo kordhiyay ayaan u arkaa, waxaan markaa warka leeyahay Sool iyo Sanaag can inagaa been sheegayna bani’aadamku inuu ku nolaado been khiyaali iskugu sheekayo ma aha.” Ayuu yidhi Md Indho.

 

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxa dhabta ah ee uu ka doonayo ay noqotaa nolosha dadka meesha degan, waxa weeyaan fidno saddexaad oo budhcad badeed wehelisa oo shababta Xamar lagula dagaalamyo looma baahna Geeska Afrikana uma baahna Soomaalidu uma baahna, qabiil yidhi dawlad ayaa noqonayaa, qolada Puntland-na way ku khasaareen, qolada dhulbahantena ee leh Ceerigaaba xuduud baanu u samaynaynaa, anigu waxaan u arkaa wax khaldan, waxaan soo dhawaynayaa go’aankii Madaxweynaha Somaliland ee gogasha ahaa, nimanka shirka hogaaminaya Madaxweyne Siilaanyo isku kalaas bay ahaayeen aqoon badana way isku leeyihiin, Cali Khaliif ragii wax ka go’ooyay shirkii Burco iyo Boorama, maantana gogasha taalla ragii odhan lahaa C/qaadir inan yar ayuu ahaa, Siilaanyo annagaa la odayaynaya, haddii beesha wax ka maqan yihiin wax odhan lahaa ayuu ahaa, waxaan u arkaa arrin lagu degdegay oo dadkan beesha jooga Taleex iskugu yimid waxna debada ka yimaadeen, qofkii is-yidhaahda hadal lagu foodhyayo oo caadifad lagu abuuray.” Ayuu yidhi md indho.

 

C/qaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa dib u dhaca ka jira gobolada bariga ku eedeeyay in ay sabab u yihiin aqoon yahamiinta iyo waxgaradka goboladaasi ka soo jeeda “Dib u dhaca waxa ku keenay waa iyaga, meesha nabadi taalo ayuu horumarku yimaadaa, waxa weeyaan, inanka debada jooga ama Hargeysa u dhashay ama Boosaaso u dhashay gurigoodu inuu jaamacad u keeni lahaa sidii uu biyo ugu qodi lahaa, sidii uu nabad ugu dhalin lahaa ayaa laga shaqaynayaa, laakiin ama Puntland ha sheegteen, deegaanadaasi dib u dhaca waxa ku keenay waa iyaga, meesha nabadi taalo ayuu horumarku yimaadaa, waxa weeyaan, inanka debada jooga ama Hargeysa u dhashay ama Boosaaso u dhashay gurigoodu inuu jaamacad u keeni lahaa sidii uu biyo ugu qodi lahaa, sidii uu nabad ugu dhalin lahaa ayaa laga shaqaynayaa, laakiin ama Puntland ha sheegteen ama SSC ha sheegteen anigu mushkilad Geeska Afrika ku soo korodhay oo hor leh ayaan u arkaa. Muhiimadu waxa weeye qofka bini’aadanku marka uu wada hadal iyo nabad wax ku doonayo ayay sax tahay, laakiin marka ay tahay annagu waxaanu ka mid nahay reerkan shiraya, waxa aad ka warhaysaa waxay ku dul shirayaan raaskaygii beeshan ka so jeedo ayaanu nahay, kuwa Garoowe joogaana waa wa tolkayo kuwa debada ka yimidana waa tolkayo, Garaadaduna way naga dhexeeyaan, cid ay ka dhulbahantaysan yihiina ma jirto.” ayuu yidhi Md Indho.

 

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cali Koore oo ah xildhibaan ka tirsan golahawakiilada Somaliland isla markaana laga soodoortay gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay mid aan dadka u cuntami karin go’aamada ka soo baxay shirka Taleex isaga oo xusay in shirkaasi uu ku fiicnaa in uu ku ekaado mid lagaga tashanayo arrimaha beesha Sool Go’aamada ka soo baxay shirka Taleex ma aha go’aamo dadka u cuntami Kara si kastaba marka loodhigo, waxaana ka fiicnaan lahaa in shirkaasi noqdo shir hoosaad qabiiladu ku tashato arrimihiisa hoose wixii dan ah ee ay leeyihiin Jamhuuriyada Somaliland iyo wixii la tabanayo lagaga wada hadlo”. Ayuu yidhi xildhibaan Koore.

 

Xildhibaan Maxamed Cali Koore oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa ku sheegay aragtidiisa shirka Taleex uu moodayey markii hore shir laga arrinsanayay danaha reerka, qabka uu u dhacay, iyo sida dad gaar ahi iskugu kooben iyo qodobada ka soobaxay aanu ahayn mid lahor keeni karo beesha Sool iyo buhoodle, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Runtii shirkaasi waxaanu markii hore u arkeynay shir hoose oo lagaga arrinsanayo danaha reerka, laakiin waxa uu noqdey shir siyaasadeed sidaa daraadeed qaabka iyo sida uu dhacay iyo sida dadka qarkii ay iskugu koobeen mid la hor keeni karo beesha sool maaha” ayuu yidhi Xil. Koore.

 

Xildhibaan koore oo aanu weydiinay sida uu u arko shaqsiyaadka qurbo jooga ah iyo siyaasiyiinta danaha gaarka ah leh ee shirka Taleex hagaya, waxa uu yidhi “way jiraan rag badan oo qurbo joog ahi, had iyo jeerna qurbo joogu waa dad caadifiyiin ah oo aan xogogaal ahayn, xogogaalnimada iyo caadiyadana waxa horeysa caadifnimada, markaa anigu maqabowaanan ka digayaa in caadifad lagu maamulo.”

 

Xildhibaan Koore, waxa uu baaq u direy dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool in ay ka fiirsadaan shirkaasi Taleex haddii aanu ku midho dhalin wax reer Sool iyo Somaliland dan u ah waxaanu yidhi “Waxaan odhan lahaa reer Sool in shirkaasi ay ka fiirsadaan oo hadii wax ummada iyo dadka ama umadaha Somaliland in uu ka soo baxo oo aanu noqon mid cunfi iyo dhib keenaya, waxaanan qabaa in shirkaasi ku haboonaan lahaa in shirkaasi ku midho dhalo wax ummada Somaliland oo dhan u cuntama, wixii tabosho ahna laga wado hadlo ayaan anigu ku talin lahaa”. Ayuu yidhi Xildhibaan Koore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Don't bother listening to that crap, it's just a bit of media propaganda to give their locals hope. Reality is anything 2 states or more can become a state

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this