Sign in to follow this  
Saalax

Madaxweyne Caalin: Sheekh Shariif Faraha Hakala Boxo Arimaha Galmudug (Dhageyso)

Recommended Posts

Saalax   

Gaalkacyo (RBC) Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa si kulul u eedeeyay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay inuu faragelin ku hayo arimaha Galmudug.

Madaxweyne Caalin oo galabta shir jaraa’id oo kooban ku qabtay koonfurta Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday in beryahanba maamulkiisu uu ka harsan waayey faragelin uga imaaneysay madaxtooyada Villa Soomaaliya taasoo loo soo adeegsanayo dad reer Galmudug ah, sida uu yiri Caalin.

Caalin wuxuu sheegay in madaxweyne Shariif uu jaal la noqday rag u sacabatumaya dhismaha maamulo laga hoos sameeyo Galmudug, sida maamul la doonayo in looga dhawaaqo magaalada Hobyo kaasoo uu sheegay in rag uusan magacaabin ay madaxweyne Shariif uga soo dhaadhicyeen xafiiskiisa.

“Waxaan rabaa inaanu sheego ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka Hobyo waxay ka tirsan tahay Galmudug gobol ayeyna u tahay, dawlada Soomaaliya kalama soo xiriirin maamulka Galmudug kalama tashan, wax wargelin ah oo haba yaraatee oo lagala soo sameeyay ma jirto” ayuu yiri Caalin.

“Sidaa Madaxweyne Shariif faraha hakala boxo arimaha Gobolada Galguduud iyo Mudug, wixii uu ugabaahan yahay hakala soo xiriiro dawladgoboleedka Galmudug, laakiin in la iskaga tashado wixii la doono laga sameysto, waxay keeni doontaa dadka deegaanka inay isku dirto” ayuu sii raaciyey madaxweynaha Galmudug.

 

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha Galmudug soo hadal qaaday inmadaxweyne Shariif uu wax ku lahaa abaabulka shir bishii Disembar lagu qabtay degmada Cadaado kaasoo sida uu hadalka u dhigay lagu dhabar jebinayey maamulka Galmudug.

“Hadda qalalaasaha ka socda Galmudug, dagaalka Caabudwaaq ka socda, Dhuusamareeb dagaalka lagu soo qaaday, shirka lagu dhigay Cadaado intuba waxaad moodaa wax isku xiran aana ognahay dhamaantood inay ka soo wada bexeen xafiiska madaxweynaha” ayuu yiri Caalin.

Maxamed Axmed Caalin ayaa intaa raaciyey in hadda wixii dhacay ay dheceen balse la doonayo in khalad dambe uusan dhicin, isagoo ku dooday in Galmudug ay tahay maamul aqoonsi ka heysta adduunka oo aan dooneyn in deriskiisa uu dhibaato kula noolaado, waa siduu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa in dadka reer Hobyo aysan yeeli doonin in la isku diro, sida uu sheegay.

Eedeynta ka soo baxday madaxweynaha Galmudug ayaa imaaneysa xilli wararka ay sheegayaan in khilaaf hoose uu u dhexeeyo saraakiisha maamulka Galmudug kaasoo sababay in qdhinac ka mid ah dhinacyada iskhilaafsan ay taageero ka raadsadeen madaxda DKG si ay maamul ka soo horjeeda Galmudug uga furtaan gobolada dhexe.

Dhanka madaxtooyada Villa Soomaaliya ma jiraan wax jawaab ah oo ay eedeyntan ka yiraahdeen.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

This doesn't make sense at all. The constitution is clear 2 states or more, so it won't even be recognized by anyone even if it is created an administration in hobyo!!! It's just a tool to disturb the peace but rational minds will come together inshallah and say "listen as hobyo you won't get anywhere with this so rather then fight it out just don't waste ur time"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;774391 wrote:
This doesn't make sense at all. The constitution is clear 2 states or more, so it won't even be recognized by anyone even if it is created an administration in hobyo!!! It's just a tool to disturb the peace but rational minds will come together inshallah and say "listen as hobyo you won't get anywhere with this so rather then fight it out just don't waste ur time"

Dr osman Caalin does have two regions galguduud and mudug

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this