Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian troops prepare for final offensive against Alshabaab in Hiiraan.

Recommended Posts

Baladweyne: Ciidamada Itoobiya oo wada dhaqdhaqaaq dagaal oo ka dhan ah Al- Shabaab..

14. januar 2012

 

APL

 

Baladweyne(AllPuntland)- Ciidamada dawladda Itoobiya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya ayaa bilaabay manta dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Xarakada Shabaabul Mujaahidin, oo dhawaan ka baxday magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa saaka ka baxay gudaha magaalada meelo ka mid ah, ayagoo ku sii jeeda daafaha magaalada, gaar ahaana deegaanada dhanka bariga iyo Laamiga ee gobalka Hiiraan, ayagoo doonaya in ay qabsadaan meelo hor leh.

 

Goobjoogayaal ayaa usheegay APL in ay arkayeen ciidamada Itoobiya oo ka baxaya saldhigyadooda magaalada, markaasna ku sii jeeda deegaanada Bariga magaalada iyo wadada aada Buula-Barde oo ah magaalada ay joogaan dhaqdhaqaaqa Shabaab.

 

Abaabul dagaal ayaa ka jira Hiiraan wixii ka dambeeyey galitaankii Itoobiya, waxaana xiisad laga dareemayaa deegaanada Baardheere & Beerxaan oo ka tirsan gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana jira warar sheegaya in Sahanka ciidamada Itoobiya uu gaaray deegaanka Beerxaan oo ka mid ah tuulooyinka ku teedsan magaalada Baladweyne.

 

Ciidamada Itoobiya oo la xaqiijiyey in uu jab ka soo gaaray dagaal adag oo dhawaan ay ku galeen duleedka magaalada Baladweyne, balse dhamaadkii ay qabsadeen magaaladaas, markii ay baneeyeen Xarakada Shabaab, ayaa hada doonaya in ay isku fidiyaan meelo cusub, iyagoo si tartiib ah ueegaya xaaladah ka jira meelahaas oo ay cabsi ka qabaan duulaamo qorsheysan oo uga yimaada dhinaca ka soo horjeeda ee Shabaabul Mujaahidiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this