Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Egyptian deputy Ambassador arrives in the city of berbera

Recommended Posts

Safiir Ku xigeenka Masaarida U fadhiya Nairobi oo Booqday Magaalada Berbera

January 13th, 2012

 

Berbera (Somaliland.Org)- Safiir Ku xigeenka dalka Masar u fadhiya wadanka Kenya Jamaal Mustafe oo socdaal ku jooga dalka ayaa maanta booqday magaalada Xeebta ku taala ee Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa safiir ku xigeenka masaarida ku soo dhaweeyay duleedka magaalada Berbera waxaanu sheegay inay niyadsami ku soo dhawaynayaan dublamaasigan.

 

Badhasaabku wuxuu sheegay in socdaalka safiir ku xigeenku uu ka dhashay weftigii Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ku tageen dalka Masar. Badhasaabku waxa uu xusay in dublamaasigani uu indho indhaynayo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka socda Bebera.

 

Safiir Ku xigeenka dalka Masar u fadhiya wadanka Kenya Jamaal Mustafe, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Booqashadiisa Somaliland, waxaanu tilmaamay in dalkiisa iyo Somaliland ay iskaashi weyni ka dhaxeyn jiray qarniyo hore.

 

Jamaal Mustafa waxa uu intaasi ku daray inuu socdaalkiisa Berbera uu ku darsayo xarakaadka Ganacsiga iyo marsada Berbera.

 

Jamaal Mustafe wuxuu sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay xidhiidh adag la yeeshaan Somaliland waxaanu carabaabay inay Somaliland ku sugan yihiin koox dhakhaatiir ah oo takhakhusyo kala duwan leh kuwaasi oo uu xusay inay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah u sameyn doonaan kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga Somaliland.

 

Safiir Ku xigeenka Masaarida oo ay weheliyeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa booqday suuqa Berbera, Dekada iyo Madaarka Magaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this