Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bari Governor Head To Qandala Via Ferry To Build Local Council. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Gudoomiyaha gobolka Bari iyo Wefdi uu horkacayo oo u kicitimay degmada Qandala

 

Updated:- 1 min ago| 0 Commnets

 

Wefdi mas’uuliyiin dowlada ka tirsan, waxgarad, iyo Isimo isugu jira oo uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa maanta ka ambabaxay dekedda magaalada Boosaaso.

 

Wefdiga gudoomiyaha oo ay ku jiraan mas’uuliyiin badan oo ka tirsan golaha wasiirada ee dowlada waxaa kamid ahaa wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha Cabdi Yaasiin Xirsi, Wasiir ku-xigeenka wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Maymuun Cabdi Ducaale, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka Cabdishakuur Mire Aadan, iyo Agaasimaha waaxda dowladaha ee hoose ee wasaarada arimaha gudaha Jaamac Xasan Xuseen.

 

Socdaalka wefdiga Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa ku jiheysan degmada Qandala oo kamid ah degmooyinka ugu qadiimsan gobolka, waxaana ujeedada safarkoodu ay tahay sidii ay Gole deegaan ugu soo sameyn lahaayeen degmadaas oo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya aan nasiib u yeelan inay hesho maamul degmo oo si fiican u shaqeeya.

 

Dad weyne tobonaan gaaraya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo madaxda wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda ayaa sii sagootiyey wefdigaas oo dekedda ka raacay Doon si gaar ah iyaga ugu qaaday degmada Qandala oo ay mudo 6-saac ku dhow usii socon doonaan.

 

Waa markii ugu horeysey oo wefdi heerkiisu uu intaas gaarsiisan yahay ay degmada Qandala u kicitimaan, waxayna arintani qayb ka tahay balan qaadyo dhowaan uu maamulka gobolku sameeyey, kuwaas oo ahaa in dhamaan degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay loo sameyn doono goleyaal deegaan si maamulka gobolka looga dhigo mid deegaanada oo dhan wada gaarsiisan.

 

Maxamed Salaad

 

Horseed Media

 

Boosaaso

 

Qandala-Gole-Deegaan-1-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-2-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-3-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-4-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-5-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-6-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-7-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-8-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-9-640x480.jpg

Qandala-Gole-Deegaan-10-640x480.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this