Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Dr Gaboose with a Party delegation gets a huge welcome in Sanaags Capital Ceerigaabo

Recommended Posts

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umadda Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Deegaanadda Qori Lugud, Ceel Afweyn Iyo Degmoooyin Kale

 

sidoo kale waxaa uu gudoomiyahu kulamo gooni gooni ah la yeeshay dhalinyarada haweenka iyo madax dhaqameedka deegaankaasi ku dhaqan

 

Hargeysa (GNS)- waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay gudoomiyaha urur siyasadeedka UMADDA mudane Maxamed Cabdi Gaboose Ayaa waxa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaanka qorulugud iyadoo ay halkaasi kaga hor yimaadeen dadweyne tiro badan oo lulaayay calanka iyo astaanta ururka umadda isla markaana ay ka muuqatay farxad iyo waji furan oo ay ku qaabilayeen gudoomiyaha urur siyasadeedka umadda mudane maxamed c/ gaboose iyo waftigii cuslaa ee uu ho

 

gudoomiyaha urur siyasadeedka umadda ayaa si weyn ugu mahadnaqay dadweynihii tirada badnaa ee halkaasi ku soo dhaweeyay waxaanu gudoomiyuhuu xadhiga ka jaray xafiis cusub oo uu ururku halkaasi ku yeelan doono .

 

sidoo kale waxaa uu gudoomiyahu kulamo gooni gooni ah la yeeshay dhalinyarada haweenka iyo madax dhaqameedka deegaankaasi ku dhaqan .

 

Sidoo kale waxaa uu gudoomiyaha iyo waftigii uu hogaaminayay duhurnimadii gaadheen magaalada Oog oo dadweyne tiro badan si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen iyadoo cadceedu ay si daran u kululayd ayaa haddana dadweynaha reer oog dariiqyada in badan ku sugayeen iyada oo ay dadweynuhu kor u luxaayeen calanka iyo astaanta ururka umadda. waxaanay gudoomiyaha iyo wafigiisu kaga hor yimaadeen dadweynaha meel ka durugsan magaalada iyaga oo muddo kooban halkaasi ku sugnaa oo soo dhaween gacan haadin ah ka helayeen dadweynihii halkaasi ku soo dhaweenayay gudoomiyaha iyo waftigiisa .

 

. intaasi ka dib waxaa ay dadweynuhu ay u soo galbiyeen gudoomiyaha iyo waftigiisa xafiiska cusub ee uu ururku ku yeelan doono magaladaasi ugu danbayntii gudoomiyuhu waxaa xadhiga kaga jaray xafiiska urur siyasadeedka umadda ee magaladaasi , waxaanu gudoomiyuhuu si weyn uga mahad celiyay soo dhaweynta balaadhan ee ay u sameeyeen dadweynaha reer oog , sidoo kale waxa isaguna hadalo kooban oo mahadnaq ah halkaa ka soo jeediyey xildhbaan Sulayman bukhaari oo ka mid ahaa waftiga .

 

ugu danbeyntii gudoomiyaha urur siyasadeedka umadda iyo waftigiisu waxaay ay gaadheen xilligii makhrinimada magaalada cee-afwayn oo si la yaab leh looga soo dhaweeyay gudoomiyaha iyo waftigiisaba waxana gudoomiyhuu isla markiiba xadhiga ka jaray xafiiska cusub ee urur umaddu ku yeelan doono ceel afwayn . ugana mahad celiyay soo dhaweyntaa balaadhan ee ay ku qaabileen isaga iyo waftigiisaba .

 

waftigan ayaa caawa u hoyan doona deegaanka ceel afwayn iyagoo uga gudbi doona maalinta bari ah gobolka sanaag magaalo madaxdiisa ceerigaabo .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Urur Siyaasadeedka UMMADDA oo Sanaag aad loogu soo dhaweeyay iyo Gaboose oo Ololihiisii bilaabay

 

Ceerigaabo(Waaheen) Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Ummada Dr. maxamed cabdi gaboose oo ay ku weheliyaan masuuliyaanta sarsare ee ururkaasi ayaa maanta si milge iyo maamuus leh loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Gudoomiyaha iyo weftigiisa ayaa taageerayaasha ururka umada ee magaalada ceerigaabo oo watay boqolaal gaadiida oo ay ka dul babanayaan calanka iyo astaanta ururka ummada kaga hortegeen madasha soo dhoweynta ee duleedka magaalada Ceerigaabo

iyadoo gudoomiyaha ururka ummada si aan hore loo arag halkaasi loogu qaabiley looguna soo dhoweeyey waxaana halkaasna gudoomiyaha loo gogley rooga cas ee lagu maamuuso madaxda iyo masuuliyiinta mudan, waxana halkaasi gudoomiyaha ubax qoorta u sudhay haween aad u tiro badan oo ku lebisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka oo ku dhawaaqayey halku dhegyo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan urur siyaasadeedka Ummada taasoo madasha soo dhoweynta ee duleedka magaalada ceerigaabona ka dhigtay mid lagu indha daraandaro, isagoo gudoomiyihuna iyo weftigiisu halkaasi ay uga gacan haadiyeen safafkii dhaadheeraa ee ku sugnaa madasha soo dhoweynta bartilmaameedka u ah ee duleedka magaalada ceerigaabo oo ay tubnaayeen cuqaal, waayeelka, culimoawdiin, dhalinyaro, haweenka masuuliyiinta ururka ummada ee magaalada ceerigaabo iyo dadweyne aad u tiro badan intaa kadibna waxa Gudoomiyaha iyo weftigiisa gaadiidkii iyo dadkii ka hortegeyba ay u soo daadiyiheen dhinaca gudaha magaalada ceerigaabo oo ay kusii diyaar ahaayeen mawjado dad ah oo ka tirsan taageerayaasha ururka Ummada oo ruxuyey caleemo iyo astaamaha ururka ummada iyadoo weftigana lagu soo wareejiyey jidadka iyo wadooyinka waaweyn ee halbowlaha u ah magaalada ceerigaabo oo ay oo soo buux dhaafiyeen kumaankun dad ah oo ka tirsan taageerayaasha ururka Ummada ee magaalada ceerigaabo oo weftigana ku qaabilay dareen shucuur farxadeed xambaarsan oo ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan urur siyaasadeedka ummada.

Waxa kaloo iyaguna soo dhoweynta ururka umadda ka qayb qaatay wegen ka mid ah gamaanka fardaha oo gaadhiga gudoomiyaha dhinaca ka raacayey

 

Waxana Gudoomiyaha ururka ummada Dr maxamed cabdi markii uu soo gaadhay gudaha magaalada ceerigaabo uu dusha uga baxay gaadhigii uu saarnaa isagoo dadweynahana halkaasi si farxad leh ugu salaamayey

Ugu danbayntiina gudoomiyaha ururka Ummada Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray xafiiska guud ee ururka Ummadu ku yeelan doono magaalada madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo oo ay ku hor sugayeen kumanaan ka tirsan taageerayaasha ururka ummada ee magaalada Ceerigaabo

Intaas kadibna waxa halkaasi dadweynaha kala hadlay Gudoomiyaha ururka Ummada Dr, Maxamed Cabdi gaboose iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ururkaasi Cabdirashiid Maxamed Cali oo dhinacooda ka mahad celiyey Sida maamuuska iyo milgaha lahayd ee loogu soo dhoweeyey magaalada ceerigaabo oo ay sheegeen in aanay quluubtooda ka bixi doonin iyadoo gamaankii fardaha soo dhoweynta ka qayb qaateyna ay gudaha u galeen xafiiska ururka Ummada ee magaalada Ceerigaabo.

Iyadoo safarkani uu yahay kii ugu horeyey ee Gudoomiyaha ururka ummada Dr.maxamed cabdi gaboose uu soo gaadho magaala madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo tan iyo intii uu ku dhawaaqay urur siyaasadadeedkiisa Ummada ayaa dr gaboose uu bulshada reer sanaag kala kulmay soo dhoweyn balaadhan oo hiigsiga hankiisa siyaasadeed sare u qaadi doonta.

 

GUDOOMIYAHA URUR SIYASADEEDKA UMADDA DR MAXAMED C/ GABOOBSE IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO SI MUG LEH LOOGU SOO DHAWEEYEY QORI-LUGU, OOG IYO CEEL-AFWEYN.

Weftigan Ballaadhan oo ka kooban madaxda sar sare ee ururka siyaasadeedka UMADDA oo uu Hogaminayey Guddoomiyaha Urur SIYAASADEDKA UMMADA Dr. MAXAMED CABDI GABOOSE Ayaa Saaka abaaro 8:30 subaxnimo Si Diiran Loogu Soo Dhoweyey degmada Q ori lugud oo ka tirsan gobolka togdheer, ka hor intii aanu gudoomiyuhu u gudbin xadhi ka jarida xafiiks ururka ee degmada qori lugud waxa uu gudoomiyuhu hadal kooban oo mahad naq ah u jeediyey dadweyna tiro badan oo hor dhoobnaa xafiiska ururka ee degmada qori lugud.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Umada Iyo Weftigiisa Waxay Muddo Kooban Ku Sugnaayeen Isla Markaasna Ay Soo Dhowey Gacan Haadin Ah Ka Heleen Dadweynaha Aadka U Tirada Badan.

Gudoomiyaha iyo waftigiisu waxay kulano gooni gooni la yeesheen cuqaasha degmada, haweenka iyo dhalinyarada iyo guud ahaan Bulshada ku dhaqan degmada qori lugud.

 

Sidoo kale waxa ay gudoomiyaha iyo waftigiisu duhurnimadii gaadheen magaalada Oog oo dadweyne faro badan si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen iyadoo cadceedu ay si daran u kululaydna dariiqa in badan ku sugayeen dadweyne kor u luxayey calanka iyo astaanta ururka waxaaney gudoomiytaha iyo wafigiisa kaga hor yimaadeen meel ka durugsan magaalada halkaas oo ay u soo galbiyeen xafiiska cusub ee ururka oo uu halkaa gudoomiyuhu xadhiga kaga jaray, isagoo dadweynaha uga mahad naqanay soo dhaweynta balaadhan ee ay u fidiyeen, sidoo kale waxa isaguna hadalo kooban oo mahadnaq halkaa ka soo jeediyey xildhbaan Sulayman bukhaari oo waftiga ka mid ahaa.

Maqribkii maantayto waxay waftigii soo gaadheen magaalada ceel-afweyn oo runtii si la yaab leh loogaga soo dhaweeyey ayna kala kulmeen isku soo baxii ugu balaadhnaa, gudoomiyaha iyo waftigiisu waxay markiiba u gudbeen xafiiska ama xarunta ay cusub ee urur siyaasadeedka UMADDA oo halkaa uu gudoomiyuhu xadhiga kaga jaray, iyadoo ay waftigu ay caawa u hoyan doonaan magaalada ceel afweyn subaxna ay ku began yihiin magaalada ceerigaabo./

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this