Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenyan troops in Somalia will operate under the Amisom Command

Recommended Posts

Kenya oo sheegtay in QM ay ansixisay inay ka mid noqoto AMISOM

 

Washington: (Sh. M. Network) Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in Qaramada Midoobay ay ansixisay in ciidamada Kenya ay ka mid noqdaan AMISOM.

 

Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxa uu sheegay in cod buuxa uu ku ansixiyay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in ciidamada Kenya ay ku biiraan ciidamada M idowga Africa ee AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

 

Moses Wetang’ula ayaa waxa uu tilmaamay in ay dalka Soomaaliya u galeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen Xarakada Al Shabaab oo uu tilmaamay in ay Qatar ku yihiin amaanka Geeska Africa iyo midka caalamka, waxaana uu farta ku fiiqay in ay aad ugu faraxsan yihiin ku biiritaanka ciidamada AMISOM.

 

Wasiirka oo ka hor hadlayey 15-ka wadan ee golaha amaanka QM ayaa waxa uu dalbaday in ciidamada AMISOM lasiiyo taageero dheeraad ah oo ay ka mid tahay diyaaradaha dagaalka, iyo saanad Militari kuwaasi oo uu sheegay in ciidamada ay ka caawinayso ciribtirka Al Shabaab.

 

Jeffrey DeLaurentis oo ah diplomasi ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in ay dowladda Maraykanka ay taageereyso ku biiritaanka ay ciidamada Kenya ku biireen AMISOM, isagoo shaaca ka qaaday in dowladda ay ugu deeqday AMISOM lacag dhan $337 Million dollarka Maraykanka taasi oo uu sheegay in ay ka caawineyso Tababarida, qalabeynta ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this