Dr_Osman Posted January 13, 2012 Badhan oo Laga Furay Markaz Diinta Islaamka lagu Barto Daawo Sawirada 13th January 2012 · 0 Comments Markaz Sunnah, waa xarun aad u wayn oo dhismaheedu ka socdo, magaalada Badhan, Xaruntan, aya waxa loogu tala galay Muslimiinta ku dhaqan magaalada Badhan, iyadoo oo leh, Masajid aad u wayn, Maktabad, (Library), Xarumo wax lagu akhristo, ama Cilmi baaris lagu samayn karo, Xarumo muxaadarooyinka iyo wacyi galinta bulshada lagu qaban karo, Goobo wax barasho. Markas ka ayaa mustaqbalka hadii Eebe idmo la sii kordhin karaa. Magalada Badhan oo ah magalooyinka ugu waa wayn gobolka Sanaag, ee Soomaaliya, ayaa aad u kortay sanadihii danbe, iyada oo xaruntii Jamacada Maakhir na la bilaabay, Sidaas ayaa keentay, in laga furo goobo badan oo waxbarasho , oo kaabayeeye, dhismaha iyo horumarka dad waynaha ku dhaqan magalada Badhan. Sidoo kale dadka Badhan ku dhaqan ayaa aad usoo dhowaynaya Markas kan cusub. Markas kan oo hada dhow dhow dhamaystirkiisu ayaa waxaa maal geliyey, Maxamed Ahmed Yusuf,( Maxamed Xawar), waxaana dhistay shirkada Hawar Heights uu masuul ka yahay Adam Ahmed Yusuf,(Adam Xawar). Shirkada Hawar Heights oo shirkad dhismo, ayaa ka fulisay, dhismayaal badan oo casri magaalada Badhan, dhismayashaan oo isku jirta guryo, masaajido, iyo Skuulo iwm. Isha Warka GalGalanews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites