Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Wadani party opens Political office in Laascaanood+PICS

Recommended Posts

Urur-siyaasadeedka WADANI Oo Maanta Xafiis Ka Furtay Magaalada Laascaanood

 

madasaha munaasibada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Pro. Cabdiraxman oo ka mid ah golaha dhexe xisbiga wadani isagoo....

 

Laascaanood (GNS)- Xaflad balaadhan oo loogu wanqalay furitaanka xafiiska cusub ee urur siyaasadeedka WADANI, ayaa maanta ka dhacaday Hotel Xamdi oo ku yaala magaalada laascaanood.

 

Xafladdaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta maamulka urur siyaasadeedka WADANi ee gobolka Sool, waxgarad, taageerayaash, aqoonyahan iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

 

Ugu horeyntii waxaa munaasibaadaasi ka hadlay Shiine oo ka mid ah aasaasayaasha urur siyaasadeedka WADANI isla markaana ku hadlayay afka Gudoomiyaha xisbiga wadani, wuxuuna taageerayaasha uga mahadceliyay sida ay uga soo qayb galeen kulankaas

 

madasaha munaasibada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Pro. Cabdiraxman oo ka mid ah golaha dhexe xisbiga wadani isagoo tacsi u diray dhamaan eheladii iyo asxaabsii uu geeryooday Aadan Mire waqaf wuxuuna ku booriyay dadweyanha gobolka inay garab siiyaan ururka wadani

 

Marwo Carfi Jaamac Cali Gudoomiyaha urur siyaasadeedka wadani ee gobolka sool iyo masuuliyiin kale ayaa iyaguna halkaasi ka soo jeediyay khudbado dhaadheer oo ku aadan sida loola jaan qaadi lahaa xisbiga WADANI.

 

Guud ahaan dadkii ka hadlay xafladaas ayaa si weyn u soo dhaweeyey urur-siyaasadeedka WADANI, iyaga oo xusay in ururku wax badan ka qaban doono baahiyo kala duwan oo ka jira deegaannada kala duwan ee gobolka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this