Jacaylbaro Posted January 11, 2012 MUQDISHO(AllPuntland)- Dawladda Jabuuti ayaa manta iska diiday eedihii lasoo jeediyey ee aha in ay ciidamadoodu duqeeyeen Masaajidka Al Hidaaya ee duleedka degmada Huliwaa ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay todobaadkan ku dhinteen Culumo Soomaaliyeed, xili ay ciidamada Shisheeye ee jooga Muqdisho ku garaaceen Madaafiicda MB-ka loo yaqaano. Saraakiil uhadashay AMISOM ayaa dhawaan sheegay in ay baari doonaan sidii ay ku dhacday talaabadaas, oo ay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin, balse Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in ay masuuliyadaas leeyihiin ciidamada Jabuuti ee dhawaan tagay magaalada Muqdisho. Warar Madax banaan ayaa sheegaya in ay madaafiicdu ka soo dhacday dhanka ciidamada Jabuuti ay ka joogaan magaalada Muqdisho, inkastoo meelaha ay degan yihiin saldhigyo ka sokeeye ay degan yihiin ciidamada Burundi oo qeyb ka ah howlgalada ka socda gudaha dalka Soomaaliya. War logu talagalay Saxaafada oo kasoo baxay Safaarada Jabuuti ee dalka Soomaaliya, ayaa lugu sheegay in aysan waxba ka jirin wararkaas, waxa ayna sheegeen in ay sameeyeen Baaritaano ku aadan arrimahaasi. Safaaradan waxa ay sheegtay in ay taageerayaan ciidamada dawladda KMG ah iyo arrimaha tababarada, waxa ayna sheegeen in aysan hada wali galin dagaalada magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxa ayna tilmaameen in ay aad uga xun yihiin arrimahaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 11, 2012 No it wasn't Djibouti walugu eedeyey Quote Share this post Link to post Share on other sites