Liibaan Posted January 11, 2012 Qarannews Mushahaaraadkii Shaqaalaha snm/somaliland oo Bishani La Geeyay Deegaanka SSC iyo Baanka Dhexe oo Haawanaya Mushahaaraadkii Shaqaalaha Dawlada oo Bishani La Geeyay Deegaanka Buuhoodle iyo Baanka Dhexe oo Haawanaya Mushaharaadkii shaqaalaha Dawlada Somaliland ayaa gabi ahaanba aan iyagu bishani qaadan iyadoo bisha Janauryna ay tahay 10 taasi oo markii ay shaqaale badani dalbadeen mushaharkoodii ay wasaradahoodii siiyeen loogu jawaabay in baanka dhexe aanay xiligani wax lacag ahi ku sugnayn lacagtii soo xerootayna loo qaaday dhanka deegaanka Buuhoodle oo xukuumadu had aka wada diwaangalinta ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo deegaanka laga abuuri taasi oo xiligani ay hormood ka yihiin qaar ka tirsan maleeshiyada Nabad diidka ee S.S.C oo dhwaan u soo maleegay xukuumada Siilanyo Filim taxane ah oo ay ku doonayaan lacag Malaayiin Dollar ah taasi oo ah hantida Umada Somaliland. Waxaana Dhawrkii Maalmood ee ugu danmbeeyayba Deegaanka Widh-widh oo hoos yimaada Gobolka Buuhoodle ku sii qulqulayay gaadiidka iyo saraakiisha sirdoonka xukuumada siilanyo ee siday lacagtaasi taasi oo wajigeedii koowaadba uu maalintii shalay ahayd gaadhay gudaha Buuhoodle. Dhinaca kalena Wasiirka Maaliayada Somaliland Eng Maxamed Xaashi ayaa isaguna dhinaciisa Niyad Jab weyn ka Muujiyay arintani lagu faaruqiyay Baanka Dhexe isla markaana qarka u saran inuu iska casilo xilkani iyadoo la sheegay in madaxweynaha uu gudbiyay waraaq ku aadan inuu ilaaliyo wixii uu ugu dhaartay Bulshada Somaliland oo ahayd cadalaada iyo wax isdaba marin la’aan. Ugu Danbayntiina Arintani ayaa Ku Soo Beegmaysa xili xukuumadu Kuu Guulaysan Weyday inay hor istagao go’aamada Khatarta ku ah Qarinimada iyo Jiritaanka Somaliland ee Ka Soo Socota shirweynaha Khaatumo ee ka socda Magaalada Taleex. Ugu Danbayntiina Wejigani Cusub ee Faruuqinta Baanka Dhexe iyo Ku khamaarista Hantida Umada ayaa iyadu xiligani dhalinkarta Dufaano Shaqo joojin ah oo ka bilaabma dalka kaasi oo kala fogaynkara dawlada iyo Dadkeeda. Maxamed Axmed Cali Burco Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 11, 2012 Faisal Waraabe "Maantana Waalaahi inaanaynu SSC iska Celin Karin, Ee Maanta Somaliland Way Qaawantahay " Halkan Ka Dhageyso http://sunatimes.com/playaudio.php?id=509 Siyaasiga ka soo Jeeda Gobaladda Somaliland ee Faysal Cali Waraabe ayaa ku Tilmaamay Maamulka Somaliland inuu yahay mid Bur-Bur qarka u saaran kadib Markii ku yimaaden Fashilo Baddan oo dhanka Siyaasadda Iyo Khilaafaad ah, Faysal Cali waraabe oo sharaxaya Xaalka Maamulka Somaliland uu maraya ayaa Yiri " Itoobiya iskadaayee Xataa SSC iskama celin Karno. Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo uu u soo dhamaaday Shirka Xisbigaas ayaa Haddaladiisa laga dareemayay kuwa Liita. Faysal Waraabe " Waad Ogtihiin Maanta dhibaatada lagu jiro nolosheenu siday tahay, waad ogtihiin in Dalku Bur-bur ku dhaw yahay oo Taleex Shir Maamul-Goboleed Lagaga Dhawaaqaya ka socdo oo la Doonayo in SomaliWeyn Laynagu Daro, Dhexdeediina Maamul-Goboleed Laga Sameeyey, waad ogtihiin Maalintii Siyaad Bare aynu la dagaalamaynay inay noloshu sidan ka fiicnayd, maantana Waalaahi inaanaynu SSC iska Celin Karin” Saciid Sulub (Udub), ugu horayn arintaasi ka hadlayna ayaa yidhi “Dalkii wuu soo uruuray Taleex shirbaa ka socda waxaana laga taagay calankii buluuga ahaa dawladuna way daaawanaysaa ilaa markii la soo qaban qaabinayay" Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted January 11, 2012 So they wanted to buy the whole village. Niman rag ah iga dheh. Quote Share this post Link to post Share on other sites