Carafaat Posted January 11, 2012 Ibraahim Dhago-weyne Oo Hambalyeeyey Shirka Taleex, Sheegayna Hadii Aan Wax Laga Qaban Tabashada Beesha *********** Inay Sii Fogaan Doonaan, Xukuumadana Ugu Baaqay Inaanay Ka Didin “Ummadu 100% Ku Wada Raaci Mayso Oo Taas Filo, Beesha Taleex Ku Shiraysaana Waxbay Tabanayaan Oo Siyaasi Aanay U Sheegin Ma Jiro, Waa Inaan Saamigoodii La Boobin, Distuurkeena Umay Codayn Oo Doorasho Inalamay Galin Oo Wax Ayuun Baa Sanaaduuqda La Iskaga Soo Shubaa” Hargeysa, January 10, 2012 (Haatuf) – Mujaahid Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-weyne) oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa sheegay inuu hambalyeynayo shirka Beesha *********** uga socda deegaanka Taleex ee Gobolka Sool, kaas oo uu tilmaamay inay yahay shir ay beeshaasi kaga arinsanayo danahooda ay xaqa u leeyihiin inay ka arinsadaan, isla markaana xukuumada ugu baaqay inaanay ka didin shirkaasi. Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne ayaa sidoo kale tilmaamay in beesha *********** ay tabashooyin badan ka tirsanayaan xukuumadihii soomaray Somaliland oo aanay ilaa hadda ka helin saamigii Mansabyada sare ee ay xaqa u lahaayeen, waxaanu intaasi ku daray in siyaasiyiinta Somaliland ay tabashooyinkaasi beesha *********** marar badan la soo hordhigay oo aan waxb a laga qaban, taasina ay keeni doonto inay sii fogaadaan. Ibraahim Dhago weyne waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu Haatuf siiyey mar uu xalay nagu soo booqday Xarunta Wargeyska, ayaa sidoo kale ka hadlay Khilaafka cirka isku sii shareeraya ee xisbiyada Somaliland, waxa kale oo Dhagaweyne ka jawaab ka bixiyey Buug la sheegay inuu Qoray C/laahi Yuusuf oo lagu soo bandhigay London, kaas oo eedo loogu soo jeediyey Mujaahidiin ka tirsan Ururkii SNM. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:- S: Shirka deegaanka Taleex uga socda beesha *********** ee la sheegay in Somaliland lagu shirqoolayo sideed u aragtaa? J: Anigu shiraas waan hambalyeynayaa, waxaanan u hambalyeynayaa beeshaas shiraysaa waa ummad inala mid ah oo talo iskugu timid waana ummad aynu dadka kale iskaga dhawnahay. Anigu beeshaas xidhiidh badan ayaan la leeyahay oo siyaasiyiintoodii waawaynayd oo Cali Khaliif Galaydh ka siyaasisan, Garaadooda iyo odayaashoodii ugu waawayn dibada ayaanu isku soo aragnay, markaa dawladeenu maaha inay ka dido shirkooda, waxaanan qabaa hadii la sii fogeeyo dadkaasi way fogaan doonaan. Waxaan leeyahay *********** maanta waxay doonaan ha ku tashadaane talo cad ayey ina soo hordhigayaan, taladaas ayaana lagu go’aan qaadanayaa. Waftiga ka qaybgalaya shirka Taleex qaarbaa halkan maray oo xarago ayey inagu dhexmareen, waxa jira iyaguna qaar Puntland soo dhexmaray waa la wada xidhxidhay oo 8 saacadood ayey wada xidhnaayeen, mida kale intii Somaliland iyo Puntland diidanaydna waa kuwii Ethiopia dhexmaray markaa anigu sidaan ka warhayo waa dad walaalaheen ah oo wax badan inaga tabanaya, xaqna u leh inay tashadaan. Ibraahim Dhago-weyne Oo Hambalyeeyey Shirka Taleex, Sheegayna Hadii Aan Wax Laga Qaban Tabashada Beesha *********** Inay Sii Fogaan Doonaan, Xukuumadana Ugu Baaqay Inaanay Ka Didinm Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 11, 2012 Waxaan joogay ilaa dhacdadii Kalshaale oo aan arkayey siday u socdaan, markaa dawladda meesha joogta ee talada haysaa ha u eegto sida dadka reer Somaliland ee kale loo eegayo. Waxaan aamin-sanahay in waxbadan laga qaban karo tabashooyinka beesha ***********, waxa nin waliba yidhi meel la tagaa ma jirto oo Cali Khaliif Galaydhkan laga didayaa waa khalad oo ummad dhan nin ma yeelan karo, waxaanan ku baaqayaa aynu beesha *********** ka dayno magac xumida aynu leenahay Cali Khaliif Galaydh ayaa waxaas samaysanaya, isla markaana Cali Khaliif waa qof binu-aadam ah wuxuu doono ha aamin-sanaado’e oo shirkii Boorama ayuu inala joogay, Somaliland-na marar badan oo uu wanaag ka sheegayo ayaan arkay. S: Waxa la Tilmaamayaa in shirka Taleex ka socda lagu Yagleelayo Maamul goboleed, arintaasi Miyaanay Dhabar Jab Ku Ahayn Somaliland? J: Ummadu 100% ku wada raaci mayso oo horta marka hore-ba taas filo, beesha Taleex ku shiraysaana waxbay tabanayaan, waxay tabanayaana siyaasi aanay u sheegin ma jiro oo qoraal bay nagu siiyeen markaanu ururkii ASAD ahayn cid u dhaqaaqdayna ma jirto waxay tabanayaan, isla markaana golayaasha baarlamaanka iyo dhamaan dawladda oo dhan mid walba waxbay ka tabanayaan oo waxbaynu qaybsanay, markaa waa in aan Saamigoodii la boobin. Beesha *********** ee Taleex ku shiraysaa Distuurkeena umay codayn oo doorasho inalamay galin oo wax ayuun baa Sanaaduuqda la iskaga soo shubaa, markaa waxaan leeyahay beenta aynu ka dayno oo si dhab ah ha loo wada hadlo, waxaanan aamin-sanahay hadii ay dawladaasi daacad ka tahay in wax laga qabto waxay tabanayaan wax badan ayaa saxmaya, waliba waa inaanay dawladi u tagin ee Madaxdhaqmeedka loo diraa marka uu shirku dhamaado, markaa waa la soo wada hadli oo talo cad ayey la iman doonaan. Runtii waxa aad moodaa inaynaan dadka rabin oo aynu dhulka rabno, marka xaqiiqdii dadkaas iyo dalkaasi way is leeyihiin ummadaasina waligeed ka guuri mayso halkaas, waxaana inala gudboon in dadkaas aynu walaalaha nahay ee ay wax inaga dhaxeeyaan lala xidhiidho oo waliba wax laga qabto kala xidhnaansha bulshadda ee dhulkii inoo dhexeeyey uu kala xidhan yahay. S: Aan Kuugu Celiyee, Hadii Shirkaa Taleex uga socda beelaha *********** ay ka soo baxaan Qadiyado khatar ku ah Gooni isu-taaga Somaliland sida in ay ku dhawaaqaan Maamul goboleed ka Madaxbanaan S/land sidaad u aragtaa? J: Arintaasi beeshaas ayey u taalaa, dadkuna waxa ay doonayaan iyaga ayaa go’aansaday, laakiin kolba wajiga uu kugu arko ayuunbuu qofku ku go’aan qaadanayaa, Dawlad goboleed ragbaa wata, ragbaa Puntland wata oo ragbaa Somaliland wata, waxa kale oo jira rag wax intaasba ka baxsan wata. Hadii ay Maamul Goboleed Ku dhawaaqaan ***********-na waxa aan qabaa inay ogolaanayaa wada hadal inay kula galaan, laakiin intaasba talo la’aanta ayaa ka xun. S: Khilaafka ka dhextaagan Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB siduu kuula Muuqdaa? J: Khilaafkaas waa mid aad u fog, Ururkuna waa in marka uu Urur-nimada buuxinayo uu shuruudo badan buuxiyo, UDUB-na malaha gole dhexe iyo mid fulineed oo dhisan oo hay’adihii sharciga oo dhani way ka baaba’een sida uu hada yahay UDUB-na may ahayn in la soo dhigin Madaxwayne ayaanu dooranaynaa oo golihii goyn lahaa ee sharciyeyn lahaaba ma dhisna, wax ay isku qabsanayaana waa khalad, isla markaana sedan uu ay hada yihiina way ku sii baaba’ayaa ee waxba kuma dhisanayaan. Waxaanan ugu baaqayaa oo aan leeyahay ururka ha iska baabiinina ee isku celiya oo arintiina talo ku soo dabaala, marka uu Shirwayne yimaado ee Gole dhexe yimaado ee ay dhamaan hay’aduhu idiin dhismaan ee aad Guddoomiye urur samaysataan ee doorashooyinka deegaanka ka bacdi ayuun baa la gali karaa inaad doorataan Mushara Madaxwaynaha. S: Guddida Fulinta ee Xisbiga UDUB waxay Musharaxa Madaxwaynaha ugu doorteen Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, Garab Cali Warancade Watana Way Diideen arintaasi sidaad u aragtaa? J: *UDUB golayaashooda sharci dajinta hore ayey u baabiiyeen oo waxay baabiiyeen markay hore u yidhaahdeen Ina Rayaale ayaa soo magacaabaya, markaa iyaga ayaa xisbiga hore u dilay oo sharci daro ku dilay, Anigu waxaan leeyahay UDUB oo imika urur ah ha iska baabiinina ururkiina ee nidaamkii ku soo noqda oo caqligiinu ha shaqeeyo. Maanta waxba ma sharciyeyn karaan reer UDUB oo taas iyaga hore iskugu diiday, oo urur aan gole dhexe iyo mid fulineed lahayni waxba ma doorankaro ayaan leeyahay, sababta oo ah maanta maaha maalin Madaxwayne-nimo laga wada hadli lahaa. S: Khilaafka gacan ka hadalka dhaliyey ee shalay (doraad) Madaxtooyada ku dhexmaray Masuuliyiinta Kulmiye, Isla markaana la sheegay inuu ka dhashay wakhtiga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbigaas, maxaad ka odhan lahayd? J: Waxa aan arintaas ka odhan lahaa, horta Xisbi inoo dhisani ma jiro oo afar qof oo meel iskugu tagaana arinta xisbiyada iyo ururada ma goyn karaan, Kulmiye Guddoomiye ayuu leeyahay oo Guddoomiye gole dhexe ayuu leeyahay oo inta uu UDUB ku dhaamaa waa intaas oo kaliya, laakiin golihiisii dhexe iyo kiisii fulintuba wuu baaba’ay, shirna way qabsan karaa oo dee waxbaa sii yar muuq muuqda, markaa inta u hadhay sharciyadooda mid waliba ha raaco inkasta oo aan ogahay qabyadda shaciyadooda ku jirta dhamaantood. S: Urur Siyaasadeedka aad ka midka tahay ee aad dhawaan ku dhawaaqdeen ee UDHIS halkay wax u marayaan? J: Hawsha ururka UDHIS si wanaagsan ayey noogu socotaa oo wali waxaanu ku mashquulsanahay furitaanka xafiisyada ururka oo shalay waxaanu furnay xafiiskii ururka ee Dumbuluq, barina (maanta) waxa aanu furaynaa kii Gobolka Insha Allaah, markaas ka dib ayaanu u baxaynaa gobolada oo aanu hawsha xoogeeda galaynaa. Waxa noo qorshaysan oo aanu diyaarinaynaa shirwayne dagdag oo aanu heshiis ku nahay inaanu mudo dhaw markaanu soo marno gobolada aanu qabano, shirwaynahaygu anaga waa mid ka duwan ka kuwa ururada kale oo ma dhacayso in Magacyada uu Maamulka sare iska qorqorto, isla markaana gobol waliba isagaa ergadiisa soo dooranaya oo cida uu doona ayaa shirwaynaha uga qaybgalaysa, golaha dhexe iyo ka fulinta-na gobolkastaa isaga ayaa soo dooranaya. S: Waxa uu C/laahi Yuusuf buugiisaas ku sheegay in Jabhadii SSDF ay idiin soo jeedisay inay Burco idinla qabtaan, arintaas maxaad ka jira? J: Arintaasi waa been aan sal iyo raad toona lahayn, arinkaas uu yidhi Burco aan idinla qabto ayaan SNM ku idhi qorshe ka wayn ayaanu hordhignay oo waxa uu nagu yidhi maxaad i siinaysaan hadii aan idin raaco, markaa C/laahi Yuusuf sidaas ayaanu waligii khayrba uga talinin. Waxa jira rag badan oo dadnimo badan oo uu rag wanaagsan ah oo uu ka mid ahaayeen Cade Muuse, Isla-wayn nin la odhan jiray oo ka soo baxay, Gadh-dheer oo abaalduulahoodii ahaa, Sanwayne iyo rag kale oo aad u badan oo aanan halkan ku xusi Karin oo dad fiican ah ayaa jiray, laakiin C/laahi Yuusuf waligii khayrba kamuu talinin,isla markaana waa ninka ragaadiyey halgankii SSDF, markaa taariikhda C/laahi waa taas madaw ee uu la baxsaday ee uu isaga oo mujaahid sheeganaya uu dhulkiisii u joogi kari waayey oo waxa la ogyahay inuu ilaa maanta ilaa maalintaas uu ku jiray Suldaan uu dilo iyo ummad uu baabiiyo, markaa dhibaato aanu C/laahi Yuusuf Soomaali u gaysan kumay dhicin taas uu u baxsaday ee dhulkii uu u dhashay aanu u tagi Karin ayaa ka dhab ah. S: C/laahi Yuusuf waxa uu buugiisaas dhawaan lagu soo bandhigay London uu ku qoray in Mujaahidiin aad ka mid tihiin adiga iyo Maxamed Kaahin iyo Mujaahidiin dhintay aad Xasuuq ka gaysateen gobolo ka mid ah Koonfurta Soomaalia, arintaas maxaad ka odhan lahayd? J: Arintaas hore ayaan uga jawaabay oo aan Warbaahinta uga sii daayey, waxaanan u sheegay Saxaafada oo aan Cajaladihii ay ku duubnaayeen aan hayaa, waxaan ku idhi Cid ala cidii ***** ah ee uu leeyahay waxbay baabiiyeen anigaa ka jawaabaya haday runtii tahay ee bal ha soo cadeeyo C/laahi Yuusuf. Waxa kale oo aan idhi Maxkamad meel alaala meel uu rabo mid Caalami ah iyo kale-ba anigaa diyaar u ah, waxa uu eedeeyey Maxamed Kaahin run ahaantii Maxamed dhulaas uu sheegay kamabuu shaqaynin oo isaga oo yar oo laba xidigle ah oo aanay SSDF jirinba ayaa halkaas ugu danbaysa, xiliga uu Jabhada sheegayona Maxamed Kaahin mabuu joogin oo Hargeysa muu dhaafin, Marxuum C/laahi Askar (AHN) waligiiba kamuu shaqaynin halkaas uu sheegay, Cabdi Tansaani ninka la yidhaahdaana wuu ka sheegayey oo Taliye urur buu ahaa, isla markaana waxa ugu yar ayuu xukumayey oo Axmed Cumar Jees ayaa Taliye u ahaa. Axmed Cumar Jees isaga ayaa dalacsiiyey oo ninka Baarlamaanka Soomaalida ninka Qaahira u fadhiya weeyaan, haduu ina Cumar Jees dambi leeyahay iyo hadii kale-ba Taliyihiisii waa kii dalacsiiyey ee halkaas u diray, Axmed Warsame oo isaguna ahaa Taliyihii Gaas-ka waa kii Baarlamaankii Impagati la joogaye haduu dambiile yahay muu wax ka qabto. Cabdi Tansaani amar aanay Madaxdaasi bixinin kumuu dhaqmaynin oo Taliye urur yar buu ahaa oo ragii isaga xukumayey waa kuwii agjoogay ee uu dalacsiiyey C/laahi Yuusuf. “C/laahi Yuusuf-na aniga imanuu Qaban Karayn imana qaban oo taas mabuu awoodi karaynin oo Adis Ababa muu soo dhaafin, manuu arag waligii meel dagaal ka socdo, Hadalkiisaasna wuu iska qoray oo waxba kama jiraan, ragii SSDF ee Mujaahidiinta ahaa raga ka nool ayaa arintaas ka markhaati ah, Nin Taliye Ciidan ah kalidii ayaan qabtay wax suurta gal ah maaha, C/laahi Yuusuf-na wax uu qabto iska dhaafe kuwii isaga la joogay ayaa laayey sida C/raxmaan Caydiid, Gaawido, Cabdi Amiin oo abwaan wayn ahaa iyo kuwo badan oo la joogay ayuu xasuuqay oo Taangi dusha laga mariyey, C/laahi ayaa cid badbaadiyaa waa wax aan dhici Karin. Waxaa maanta dhibaato Soomaalida haysta ee Xamar ka socda iyo Ajanabigaa jooga isagaa ka danbeeya oo ninkaas dad iyo dal mid uu u tudhayaa ma jiro, laakiin waxaan qirayaa SSDF inuu ahaa urur mujaahidiin ah oo halgankana wax ka taray, isla markaana aanu rag badan saaxiib ka nahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 11, 2012 S: Waxa la Tilmaamayaa in shirka Taleex ka socda lagu Yagleelayo Maamul goboleed, arintaasi Miyaanay Dhabar Jab Ku Ahayn Somaliland? J: Ummadu 100% ku wada raaci mayso oo horta marka hore-ba taas filo, beesha Taleex ku shiraysaana waxbay tabanayaan, waxay tabanayaana siyaasi aanay u sheegin ma jiro oo qoraal bay nagu siiyeen markaanu ururkii ASAD ahayn cid u dhaqaaqdayna ma jirto waxay tabanayaan, isla markaana golayaasha baarlamaanka iyo dhamaan dawladda oo dhan mid walba waxbay ka tabanayaan oo waxbaynu qaybsanay, markaa waa in aan Saamigoodii la boobin. Beesha *********** ee Taleex ku shiraysaa Distuurkeena umay codayn oo doorasho inalamay galin oo wax ayuun baa Sanaaduuqda la iskaga soo shubaa, markaa waxaan leeyahay beenta aynu ka dayno oo si dhab ah ha loo wada hadlo, waxaanan aamin-sanahay hadii ay dawladaasi daacad ka tahay in wax laga qabto waxay tabanayaan wax badan ayaa saxmaya, waliba waa inaanay dawladi u tagin ee Madaxdhaqmeedka loo diraa marka uu shirku dhamaado, markaa waa la soo wada hadli oo talo cad ayey la iman doonaan. Runtii waxa aad moodaa inaynaan dadka rabin oo aynu dhulka rabno, marka xaqiiqdii dadkaas iyo dalkaasi way is leeyihiin ummadaasina waligeed ka guuri mayso halkaas, waxaana inala gudboon in dadkaas aynu walaalaha nahay ee ay wax inaga dhaxeeyaan lala xidhiidho oo waliba wax laga qabto kala xidhnaansha bulshadda ee dhulkii inoo dhexeeyey uu kala xidhan yahay. S: Aan Kuugu Celiyee, Hadii Shirkaa Taleex uga socda beelaha *********** ay ka soo baxaan Qadiyado khatar ku ah Gooni isu-taaga Somaliland sida in ay ku dhawaaqaan Maamul goboleed ka Madaxbanaan S/land sidaad u aragtaa? J: Arintaasi beeshaas ayey u taalaa, dadkuna waxa ay doonayaan iyaga ayaa go’aansaday, laakiin kolba wajiga uu kugu arko ayuunbuu qofku ku go’aan qaadanayaa, Dawlad goboleed ragbaa wata, ragbaa Puntland wata oo ragbaa Somaliland wata, waxa kale oo jira rag wax intaasba ka baxsan wata. Hadii ay Maamul Goboleed Ku dhawaaqaan ***********-na waxa aan qabaa inay ogolaanayaa wada hadal inay kula galaan, laakiin intaasba talo la’aanta ayaa ka xun. I agree 100 procent with Ibrahim Dhagoweyneh. The outcome of the Taleex Conference and the wishes of the SSC folks need to be respected. If that means Somaliland's military leaves Sool, then so be it. The will of the people has to be respected! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted January 11, 2012 Carafaat;772815 wrote: I agree 100 procent with Ibrahim Dhagoweyneh. The outcome of the Taleex Conference and the wishes of the SSC folks need to be respected. Somaliland goverment should be respected. If that means Somaliland's military leaves Sool, then so be it. The will of the people has to be respected. Carafat,I also agree with you 100% . Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted January 11, 2012 the wish of the people will be respected when they claim what's theirs & not otha people's land.It shows they just wana create trouble. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 11, 2012 Burahadheer, Somaliland laguma dhisin dulmi. Maanta dad ka tashada dantoona iyo dhulkooda cidna kama so horjeesan karto. And I think you are wrong brother. Because nobody came to Taleex to create problems, hundreds of people came from around the world and around the region not to create problem, but to talk and work on their interest. Runta aanu isku sheegno, inadeer. P.S. Some Somalilanders here on SOL are absolutely on the wrong side of things. Its time we tell eachother the truth, and not follow eachother on the wrong path. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted January 11, 2012 ^^^^ what did I say? are you one of thm in the closet.What's SSC ? Do they own all these lands they claiming...more than 1/2 of what they claiming is not theirs.You know very well indeed that in all my threads I always said they can go as long as they stick to their land!!! No one will accept land grabbing especially when they can defend themselves. Your true colors are ...huh....you been confusing people for a long time!!!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 11, 2012 Nobody is claiming anyone's land. Everyone know's who lifes where. No need to distract from the real issue. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted January 11, 2012 Burahadeer,Its your people who are claiming other people's land.And every time you are talking of flexing your muscle on people who are peacefully meeting to decide their future.You claim to own the guns and the tanks like other people dont own them also.Dont wish for war brother. Quote Share this post Link to post Share on other sites
burahadeer Posted January 11, 2012 Listen you all know too well sanaag,sool,cayn are not predominantly yours...you'r the ones running from the real issues.You are the ones crossing the line & looking for trouble and it's not gona be on your terms. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 11, 2012 Buradheera and Abdul, I suggest you guys read the article above and react on that. I am kind curious what you think on what Mujaahid Dhegaweyne said. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 11, 2012 Dhagoweyne was better when he was a military leader he is not really bringing any new solutions he is right on the Abdilahi Yusuf part though. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 11, 2012 How youu mean he is not bringing any better solution? He said: -Outcome of Conference has to be respected. -Goverment needs to send delegation to Taleex, after conference. -the people of SSC have the lasy say on their land and their wish needs to be respected. -Goverment of SL seems to be putting more value on the land then on the wishes of the people. -Goverment discriminates against SSC folks and doesnt deal with them like they deal with other SL communities. -No elections or referendo took place in those regions. So people were never really consulted. And many more things. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 11, 2012 The will of the people should be respected yes i agree But didn't president Siilaanyo suggest to hold a conference for the Garaad Clan didn't he say my door is always open for you I see the Khaatumo conference as a possible attempt to create more unity with in the clan and that is something positive. The Somaliland government allows Clans to hold their clan gatherings the south hargeysa Community held their Clan gathering in hargeysa last year the same with the saaxil Folks in dubur the same with the eastern borama Folks held also their Clan gathering in Xeego Awdal. That said the Somaliland government is authorized to protect the sovereignty and integrity and unity of the republic. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted January 11, 2012 XX,The Talex meeting is different.The people have decided to go their way and form their own state.And the wish of the people must be respected. Quote Share this post Link to post Share on other sites