Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somalia Women Conference Begins In Garowe. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Haweenka oo lagaga shirayo Garowe

10 Jan 10, 2012 - 9:31:55 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Magaalada Garowe ayaa maanta 10,Jan ,2012 waxa ka furmey shirweyne caalami ah oo ay isugu yimaadeen haweenka Soomaaliyeed,kaasi oo laga hadlayay tacadiyada haweenka loo geysto ,waxana ay ka kala yimaadeen dhamaan gobolada dalka,dhulka Somalidu degto iyo weliba dalalka Yurub iyo Maraykanka.

 

Shirkan oo socondoona labo maalmood ayaa ka furmey xarunta cilmi baarista Puntland ee Garowe PDRC, waxana xoog looga hadlay gudniinka Fircooniga ah oo dhawaan laga mamanuucay Puntland meelo kele oo ka mid ah Somaliyana laga wado joojintiisa.

 

Xubnaha shirkan ka qayb-galay waxaa ka mid ahayd Maryam Aways wasiirada haweenka DFKM Somalia,madaxda wasaarada haweenka Puntland marwo Caasho Geele Diiriye, Marwada Madaxweynaha Aamino Abiib iyo haween ka socday ururada haweenka Soomaaliyeed ee u ololeeya ilaalinta xuquuqda dumarka.

 

Shirkan ayaa waxaa furtay marwada madaxweynaha Puntland Aamina Abiib oo sheegtay inay ku faraxsanatahay shirkan lagu gorfaynayo sidii loo joojin lahaa tacadiyada haweenka,waxayna Puntland ku soo dhawaysay dhamaan haweenka Soomaalida ee shirkan ka qaybgalya.

 

Sidoo kele shirkan waxaa ka hadlay xubno badan oo ka mid haweenka ka qaybgalay oo ka hadlay faa'iada ay leedahay isku duubnimada haweenka Soomaaliyeed iyo inay iska kashadaan dhibaatooyinka ay qabaan,waxaa kele oo madasha laga soo jeediyey sugaan kala duwan qiiro wadaniyeed xambaarsan.

 

Wasiirada haweenka qoyska DF Somalia oo gabagabadii hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsanatahay shirkan oo guul u rajaysay,waxay keloo ay sheegatay sida loogu soo shaweeyey caasimada Puntland ee Garowe.

 

Caasho Geelle Diiriye oo shirkan hadal ka jeedisay qayb weyna ka qaadatay abaabulidiisa ayaa ka sheekaysay marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen haweenka Somalida burburkii ka dib,iyo dawrka Puntland ka qaadanayso isku keenida haweenka Somlida.

 

Horey ayaa Puntland waxay u martigelisey labo shirweyne oo haweenka Soomaaliyeed isugu yimaadeen,waxana Puntland gogol u fidisaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyadoona xusid mudantahay tartankii ciyaaraha gobolada Somalia iyo shirkii culima Soomaaliyeed.

 

hablaha3.jpg

hablaha2.jpg

h-4-450x342.jpg

hq1-450x342.jpg

h-5-450x342.jpg

Haweenka_1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this