Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed siilaanyo sacks 3 governors and replaced them with others

Recommended Posts

Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Caawa Xilalkii Ay Qaranka U Hayeen Ka Qaaday Badhasaabada Gobolada Sanaag, Togdheer Iyo Gabiley

 

Hargeysa (Ramaas) Jan 10,2012 - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto Madaxweyne oo uu caawa soo saarey caawa xilalkii kaga qaaday badhasaabada gobolada Gabiley, Togdheer iyo Sanaag.

 

Digteerada Madaxwaynuhu xilalka kaga qaaday saddexdan masuul, sidoo kalena lagu cadeeyay magacyadda masuuliyiinta xilkaasi loo magacaabay ayaa u dhignayd sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreetooyin Madaxweyne xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Badhasaabadii Gobolada Sanaag, Togdheer, Gabiley iyo badhasaabku xigeenkii Gobolka Togdheer

 

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo buuxinaya jagooyinka ay baneeyeen masuuliyiintaa hore.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Gudoomiyeyaasha Gobolada Gabiley, Sanaag iyo Togdheer;

 

Markuu La Tashaday: Madaxda ay arrintani khusayso;

 

Markuu ku Qancay: Inay buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagoouinkan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

1. In Mudane, Xuseen Cumar Magan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee JSL.

 

2. In Mudane, Aaden Diiriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee JSL.

 

3. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL.

 

4. In Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee JSL.

 

Masuuliyiinta Xilalka laga qaaday:-

 

1. Mudane, Cali Aaden Meec

 

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley

 

2. Mudane, Cali Cabdi Hurre

 

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag

 

3. Mudane, Yaasiin Muxumed Cabdi

 

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer

 

4. Mudane, Cabdi Daahir Xasan

 

Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer

 

Madaxwynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Badhasaabadii hore uga mahad celiyey mududii ay xilalkaas u soo hayeen qaranka,

 

Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu digreetooyinkan ku amray inay masuuliyiintani xilalkaa ku wareejiyaan sida ugu dhakhsaha badan gudoomiyeyaasha cusub ee loo igmaday xilalkan inay qaranka halkaa uga siiiwadaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland’s Silanyo replaces three provincial governors

 

HARGEISA — Somaliland President Ahmed Mohamed Silaanyo replaced three provincial governors on Tuesday night after promising to improve services and security at regional levels, statement said.

 

According to a press release issued by Abdullahi Mohamed Dahir, Presidential Spokesman, Mr. Silaanyo issued a presidential decree in which he fired governors of Sanaag, Gabiley and Togdheer as well as the deputy governor of Togdheer region.

 

The president appointed new governors and a deputy to immediately replace the ousted regional leaders. He thanked them for their hard work. Recently Mr Silanyo pledged to reform his government at all levels to improve services and security.

 

Silanyo appointed Hussein Omar Magan governor of Gabiley replacing Ali Adan Mee’ad, Adan Diriye Egal replaces Ali Abdi Hure as governor of Sanaag, incoming governor of Togdheer, Abdo Ahmed Ayer, replaces Yassin Mohamed Abdi and Mohamed Mohamud Yusuf is the deputy governor of Togdheer taking over from Abdi Dahir Hasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this