Sign in to follow this  
Mooge

Fighting in Taleex.

Recommended Posts

Mooge   

Shirka Taleex oo Khilaaf hadheeyey iyo kala jab soo foodsaaray awgood hakad galay iyo xaaladda maanta

Taleex-(Berberanews)- Shirka loogu yeedhay Khaatumo 2 ee Beelaha *********** uga socday maalmahanba degmada Taleex ee gobolka Sool oo Shalay lagu go’aamiyey in maamul-goboleed Somaliland ka madax-bannaan lagaga dhawaaqo, ayaa fashilmay, isla markaana qarka u saaran inuu burburo, ka dib markii sida la sheegay uu maanta qabsoomi waayey.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya Taleex waxa maanta magaalada Hadheeyay qas iyo jaho- wareer ka dhashay dhawaaqii xalay oo ay ergadii shirka iyo dadweynaha magaaladuba ka biyo diideen kuna tilmaameen mid jujuub ah oo mijo xaabin kara shirkaasi.

 

Nin dhalinyaro ah oo ka cadhaysnaa shirka Taleex ayaa maanta toogasho ku dilay hal qof oo ka mid ah dad la sheegay inay taageersanaayeen hadaaqa ka soo baxay mid ka mid ah dadka wada shirka aan ajandaha lahayn ee Khaatumo

Waxa kale oo mudaharaado, is rasaaseyn qalaasaha ka taagan magaalada Taleex ku dhaawacmay 11 qof siday faafisay shabakada Taleexmedia.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa hadaaqa ka soo yeedhay kooxdaasi ku tilmaamay hadal aan afka dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin, waxaanay sheegtay inaanay masiirka shacbiga ummadda go’aamin doonin ashkhaas ka timid dibadaha oo carari doona. Xukuumadda Somaliland waxay intaasi ku dartay in shacbiga Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari ay ka mid yihiin shacbiga Somaliland.

Dhulka ay Somaliland ka talisaa waa Xuduudihii ay lahayd wakhtigii Boqortooyada Ingiriisku gumaysan jirtay Somaliland, dhulkaas oo wakhtigaa Ingiriisku joogay la odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, hase ahaatee, markii ay Somaliland 26 June sannadkii 1960-kii ay la midawday Koonfurtii Soomaaliya oo Taliyaanu gumaysan jiray 31-kii June 1960-kii, waxaana dhulkaa ka mid gobollada hadda SSC ay ugu yeedheen qolada Shirka Taleex ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo weliba guud ahaanba deegaannada hoos yimaadda gobolladaas.

 

Berberanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Kulankii Garaad Saleebaan iyo G6‏, nuxurkiisu muxuu ahaa?

 

Odayada isku magacaabay G6 oo dadku ay iminka u bixiyeen magac cusub kaas oo ah CIRKAAN KA SOO DHACAY ayaa waxay shalay kulan la qaateen Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ahaa garaadkii gogasha shirka khaatumo2 martigaliyey, kulankan ayaa waxuu ahaa mid isbarasho iyo waxisla tusaalayn ah wuxuuna qaatay mudo saacado ah.

 

Ugu horay kulanka ayaa waxuu ku biloowday kaftan iyo hadalo duur xula kaas oo Garaad Saleebaan u muujiyey kooxda G6 iyo tageerayaal la socday sida ay aad qurbaawiyiin ugu noqdeen isagoo raga qaar sheegay inaanu walgii meel ay ku nool yihiin iyo waxay yihiin aanuba maqal sanadkan ka horoow.

 

Garaadka ayaa waxuu ka warbixiyey guud ahaan xaalada dalku soo maray intii ka danbaysay burburkii Soomaaliya iyo sidii loo difaaci jiray khasaarihii loo gaystay bulshada *********** naf iyo maalba iyo waliba goobihii lagu xasuuqay shaacbka,waxuu kaloo Garaadku taabtay sida waxaas oo khasaare iyo dhibaato loo gaysta shacabka ssc aanay jirin cid xaqooda u soo dhicisa oo u dhalatay beesha bal iskabadaaye ay ka soo baxeen rag ugu sii dara dhibaato ka balaadhan tii ***** u gaystay ilaa ay gacanta u galsheen Laascaanood, ragaas oo uu Garaadku sheegay inay wali ku taamayaan inay si wadaan gumaynta shacabkooda.

 

Garaadku waxuu ka warbaxshay gogoshii uu qaaday amaba uu marti galiyey ee shirka Khaatumo2 isagoo xusay in ujeedadiisu ahayd in *********** ku midoobo ugunna tashado sidii uu u xoraysan lahaa degaanadiisa cadawgu haysto balse dad aanu garanay ujeedadooda iyo waxay u xumaynayaan ay tashuush ku fureen go’aankii garaadka dadkana ugu ugu fasireen in uu doonayo inuu baajiyo wada tashiga *********** waxuu isagoo arinkaa ka hadlaya yidhi ” Anigu Isim baan ahay hadda ogaadoona ninka Isimka ahi dadka ayuu ku yahay ee nin kaligii Garaad ahi majiro hadday jiri lahaydna dadkuba wada Garaado buu noqon lahaa oo nina xil gaar ahi ma fuuleen, Annigu in aan dagaalanao oo aan Iska dhicino ***** baan doonayaa waana u rag la ahay haddaad idinku u socotaan dagaal iyo xorayn dalkii maqnaa ah cidaan idinku doorsanayaa majirto haddii aadse wax kale iyo hadal aan dhamaanayn u socotaan niman yahow ha idhibinina ciilkaygaan la godgalayaaye”.

 

Garaadka oo aad ugu dheeraaday waxii lagu xasaradeeyey oo xitaa la gaadhsiiyey in ehelkiisa lagu diro amaba raga qaarkood ku gaadheen kana shaqeeyeen inaanay gogashiisa fadhiisan aanu waxba u qabsanay waxay sameeyeen cidna ka dacwaynayn balse uu u arko dad aan bislayn oo u baahan inay wax badan ka ogaadaan waxa dalka ka jira……….Garaadka ayaa si kaftan ah Cali Khaliif u way diiyey inuu ssc ka dacweeyo ama uu iska cafiyo Cali ayaa isagu dhankiisa ka codsday Garaadka inuu cafiyo raalina ka ahaado gafkii uu ka galay ee lagu soo ban dhigay war baahinta.

 

Kooxda G6 ayaa ugu garaabay Garaadka wax badan oo uga taariikheeyey aysanna ka war hayn iyo sida wax uga qabsoomi waayeen xooraynta Laascaanood oo inbadan lasugayey, iyagoo qiray inay heli jireen waran aan inta badan xaqiiqda ku salaysnay….oo loogu soo warami jiray. G6 ayaa waxay xitaa goobta qireen inay ku war heleen in la dhameeyey mashqadii ka dhacday Taleex 11/12/2011 ee ku geeriyoodeen Ganacsade Jaamac Calishire iyo Mubaarak Saalax Calishire……iyagoo sheegay inay hadda ka warheleen in an waxbadan laga qaban arintaas ayna wali joogaan maleeshiyaadkii dhacdada isu urursaday……….G6 ayaa waxaa ka muuqday in ay ahaayeen niman u afduuban shaqsiyaad dhegta wax ugu sheega marinna habaabiyey…iyagoo garaadka ka codsaday in xooga la saaro heshiisiinta labada qoys ee dhibtu kala gaadhay ayna iyagu dhankooda ku dadaali doonan waxii karaankooda ah ayna dib u rumaysan doonin wax badan oo loo sheegi jiray iyaga iyo shacab waynaha ssc

 

Ugu danbayntii waxuu ku soo dhamaaday shirkaasi jawi dagan balse ay ka muuqatya in G6 ay xaqiqda taabteen oo ay ku indha sarcaadeen Taleex iyo wax ka taagan ayna u daba fadhiisanayaan wayeelka waxii arinna ee ku wajahan ssc…………hadalka labada dhinac ayaa waxaa ka muuqday in ay tahay in muhiimadda la saaro in la xoreeyo degaanka *********** aanna maanta Taleex lagu furfurin wax siyaasada si looga baaqsado isafgaran waa.

 

G6 oo wadata qorshe ah in ay dawlada kaga dhawaaqaan magaalada Taleex isla markaana dibada ula dawarsi tagaan ayaa waxaa haad soo foodsaaray culay kaga imanaya bulshada ssc oo ku dhawaaqaya labada kalmood ee ah “xoreyn iyo midnimo” taaso micaheedu yahay in la xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhexjira beesha iyo in cadwga Laascaanood haysta laga saaro, waxaadna moodaa in G6 hada xaalad adag so wajahday.

 

taleexmedia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge;773095 wrote:
xaaji why do you wish so much destruction for garowe? look who is talking. pirateland iyo garowe ayaad maalin walba ku haysaa markaasaad rabtaa inaad aniga ii sheegto. lool. death and destruction ayaad la jeceshahay walaalah garoowe.

 

anigu raggan raba inay khaatumo majaxaabiyaan ayaan doonayaa inaan ka hortago. G6 ayaan ka soo horjeedaa.

 

taleex media is owned by taleex guy from garad saleeban clan. they want to liberate Laascaanood.

 

xaaji, how is abdiweli doing? weli ma isagaa daba joogtaa? you are desperate goonigoosad.

I criticize politicians for their shortcomings that's something i do, i never wish Puntland or its people any harm you post fabricated news and biased news i post authentic news that's the difference between you and me. CabdiCawar is traveling Djibouti something he is good at Traveling just touring countries in the region.Just because the Garaad Clan refused to be part of you're Clan enclave you wish them harm that's just sad:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

xaaji xunjuf, garoowe ka warran iyo pirateland. lool.

 

taleex is my ancestral land. don't worry about taleex. laascaanood will be liberated. taas ka walwal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

BREAKING NEWS

 

G6 Oo La Soo Baxaday Qorshihii Ay Jeebka KU Sidatay

 

Doraato (09 Jan) ayey ahayd markay kooxda G6 sheegtay inuu si rasmi ah u bilaamay shirkii ay wadeen, iyagoo la hadhay dadkii ay xusheen oo keliya, dadweynihiina u sheegeen inay maanta banaanka joogaan maadaama ergooyinku guda gelayaan ajandihii rasmiga ahaaa. Waxaa dadka anfariir iyo yaab ku noqotay markay isla shalayba (10 Jan) barqadii ku dhawaaqeen waxay ugu yeedhaan maamul goboleed, lama arag weli howsha intaa le’eg oo go’aankeeda lagu gaadho wax ka yar 24 saac. Halkaa waxaa ka cad inay soo baxeen waxay dadku sheegayeen oo ahaa, G6 waxay jeebka ku sidataa qorshe aanay cidna kala tashan. dadka meesha lagu ururiyey waa dad ay G6 soo xulatay, Xageese lagu gaadhayaa?.

 

Waxaa taa dheer weererka madax dhaqameedka lagu hayo. Waa yaab nin qurbe ka yimi halkuu dadka wax ku soo biirin lahaa u soo tafa xaytey Isimadiisii marka laga reebo G Jaamac garaad Cali oo iyaga ka mida. Saaka waxaa weere lagu soo qaaday hogii Isiamadu ka deganaayeen Taleex, horaya waxaa u soo weeraray ciyaal ay soo dirsadeen G6.

 

taleex.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Hogaanka SSC Iyo Garaadada Beesha *********** Oo Qaadacay Shirka Taleex Iyo ku Dhawaqista Maamul goboleed..

January 11th, 2012 Comments Off

 

Hogaanka SSC Iyo Garaadada Beesha *********** Oo Qaadacay Shirka Taleex Iyo Dhawaqista Maamul Goboleed

 

Taleex (Somaliland.Org)Garaadada beesha *********** oo ay hogaaminayan Garaad Saleebaan Garad Maxamed Iyo Garaad Abshir ayaa manta maalintii seddexaad ku guda jira shir uga socda magaaladda Taleex dhexdeeda. Shirkaas oo ay kaga arrinsanayan go’aankii ay ka qaadan la ahaayeen shirka ka socda Taleex iyo dhawaaqa maamul goboledka ee kazoo yeedhay shirkaas.

Shirka garaadada oo ka socda aqalka uu Taleex ka degan yahay Garaad Saleebaan garaad Maxamed ayaa la sheegayaa in garaadadu kaga shirayan khilaaf u dhexeeya iyaga iyo guddida shirka Taleex hagaysa oo loo yaqaan G6. Garaadada ayaa ku eedeeyayay gudidas inay shirkii marin habaabiyen, isla markaana dano gaar ah ka wataan.

 

Garaadada ayaa shirk ka dareeray laba cisho ka hor, isla markaana shalay fiidki ka warhelay dhawaaq maamul beesha *********** oo shirka lagaga dhawaqay. Warar xog ogaal ah oo aanu ka helayno garaadada ayaa sheegaya inay ku talo jiran garaadadu in ay bayaan ka dhan ah kooxda G6 soo saaraan. Garaadada ayaa dhamaantood isku raacay in aysan aqbali karin wax lagu sheego maamul goboleed oo shirkaa lagaga dhawaqo. Garaadadan sida adag uga soo horjeeda maamul goboleedka ayaa la sheegaya inay yihin kuwa gacan saar la leh maamul goboledka Puntland. Halka qaar kalena u arkaan maamul goboleedkan lagu dhawaqaya inuu xasiloni daro u keeni karo beeshoda.

 

Dhanka kale hogaanka SSC Xagla Toosiye iyo Cali Sabarey ayaa yaguna sidoo kale shalay ka baxay shirk aka socda Taleex, isla markaana ku dhowaqay inay kazoo horjeedan go’aan kasta oo shirkas lagu qaato. SIdoo kale ciidamada Xagalatoosiye ayaaa rasaas fariin ah cirka u ridayay manta ilaa shalay iyadoo ay ku hanjabeen in ay awood kula wareegidoonaan madasha shirka hadaan wax laga bedelin qaabka shirku u socdo imika. Waxii war ah ee kazoo kordha kala soco Somaliland.Org

 

Maxamed Macalin

Somaliland.Org, Taleex

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

BREAKING NEWS

 

11 out of the 14 Garaads propose to share future with their brothers in Puntland. G6 turmoil and anger starts.

 

will the clear voice of the elders be rejected now by cali khaliif galeyr G6?

 

Xaglatoosiye is not happy with either side unless he is made the head of ssc. waa anigaa kaadida u soo cabay.

 

it is a deadlock.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Boocame Leader reaches Taleex, Galeyr Militia tried to stop him and were quickly chased away. Boocame people are celebrating his arrival in Taleex.

 

 

Maxamuud Maxamed Cali Qodax (Cadami) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Taleex isagoo hada kulam la qaatay garaadka guud ee gobolada Sool iyo Sanaag garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

 

Shabaklada Taleex oo xidhiidh taleefan la sameysay ayaa uu u sheegay in ay weerar ku soo qaadeen ciidamo uu hogaaminayay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo u qaabilsan dr Galaydh waardiyaynta hase haate ay ka difaaceen ciidamo ka soo jeeda beelaha ************

 

Waxaa uu cadami shegay in ay magaalada duleedkeeda isku horataageen hase ahate markii u warku gaaray ugada Taleex uu amar soo saaray Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo sheegay in deg deg looga qaado jidgooyada ay dhigtay kooxda G6 oo adeegsanaysa Oday Karaash.

 

Waraysiga Cadami oo aan mar dhaweyd la yeelanayn halkan ka roggo ama hoos toos uga dhagayso

 

taleex.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Sanaag (ceerigaabo), Taleex, Buuhoodle and Boocame communities are now in the column of those against galeyr's G6 scheme to divide people of ssc. well done.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge, please respect the rules of the website and edit the clan names out of the the articles you post. This is a violation of website rules in case you are not aware of it. We don't have the time and resources to check and edit every article posted on the site.

Share this post


Link to post
Share on other sites

katiinad.jpg

 

 

 

Taleex,(lasanod Online)- Waxaa kanatroolka magaalada Taleex lagu qabtay Maxamuud Cadami oo kasoo kicitmay dhanka magaalada laascaanood.

 

 

Cadami oo isagu ahaa dadka aad ugu ololeeya maamulka Faroole ayaa maalmahan isaga iyo rag kale shirar la galeen maamulka Somaliland.

 

Ciidamada SSC ee gacanta ku haya nabadgelyada magaalada Taleex ayaa qabtay ninkan iyo gaadhi u watay oo la sheegay in laga helay hub iyo lacag.

 

Cadami oo ahaa ashkhaasta yar ee xooga u mucaaraday shirweynaha beesha SSC ee Khaatumo2 ee ka socda magaalada taleex ayaa waxaan la ogeyn waxaa u kasoo doonay Taleex.

 

Weli waxaa socda waraysi iyo baadhitaan ay wadaan ciidamada amaannku..

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright © 2011 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Mooge, smell the coffee... This deems your credibility like the sites you refer their baaaac only if you have some respect for yourself..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this