Liibaan Posted January 10, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> January 10, 2011: Historical Day for SSC People & All Somali Unionists Daawo Ku Dhawaaqidii Maamul-Goboleedka SSC Ergooyinkii Shirka Khaatumo2 Oo Maanta U Codeeyey In Degaanka SSC Loo Sameeyo Maamul Goboleed- Lasanod Online. Tuesday, January 10, 2012 Warsaxaafadeed:- Ergooyinka shirka Khaatumo2 ayaa maanta ka dooday ajendihii shirka khaatumo2. Waxaa saaka hawlahoodii kasii watay madasha shirka dhamaan ergooyinkii gudaha iyo qurbaha. Dood dheer iyo falanqayn kadib waxaa ergooyinku u cadeeyeen oo laysla qaatay go'aamo aad muhiim ugu ah aayaha deegaamada SSC. Ergooyinku waxay fadhigii saaka ugu codeeyeen in degaamada SSC loo sameeyo maamul goboleed u gaara ah oo masuul ka noqda aayaha deegaanada shacabak soomaaliyeed ee ku nool gobollada SSC. Go'aankan iyo qaar kale oo muhiim ah waxaa losoo bandhigayaa shirweynaha maalinta berri. Maanta waxaa madasha shirka ee berdaha Khaatumo ka muuqda dabaal deg iyo rayrayn, iyadoo jidadak magaalda Taleex ay dhexmarayaan baabuur tiro badan oo ruxayey calanka Soomaaliya. ______________________________________________ Ergooyinka Shacabka SSC waxey si Aqlabiyad leh u Ansixyeen in Maamul-Goboleed Buuxa ay u Samaystaan Deegaanka SSC. Horafadhi Shirweynihii Khaatumo2 ayaa waxaa maanta lagu gaadhay Go’aamo cul culus, waxaa maanta xaadir ku ahaa shirweynaha Khaatumo2 Ergo gaadhaysa 345, Qodobo fara abdan oo ay ka mid tahay Nabadeynta, Mideynta iyo maamul u sameynta ayaa lagu lafa gurey shirka maanta, waxaana ergadu si aqlabiyad leh u ansixyeen in maamul Goboleed buuxa ay samaystaan dadka ku dhaqan deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn, ayadoo lagu soo darayo maamulka dadka la dega ee aan ayagu ka soo jeedin Beesha Dhulbahantaha. Waxana qodobada la isku raacay ka mid ah in si cadaalad ah loo qaybsado maamulka, isla markaana uu noqdo maamul axdi adag oo dhibida loo aastay, Codka ayaa aha agacan taag, waxaana loo qaybiyey cidii diidaysa in maamul asameeyo oo laga codsay inay gacanta taagaan, ciodii ka Aamusaysa iyo weliba qofkii ama cidii doonaysa in la sameeyo maamul buuxa, gebi ahaan waxaa la wayey qof diida ama ka aamusa, waxayna guud ahana ergadii 345 xubnood ahayd ansixiyeen inay doonayaa maamul goboleed buuxa, oo Golayaashiisa, Garsoorka, Sharci dejinta iyo Fulinta ka kooban. Maalinimada berri ah ayaa lagu wadaa in shirku soo bandhigo qodobada la isku raacya, isla markaana la magacaabo gudiyo Dastuur iyo weliba kuwo kale oo dhanka Horumarinta iyo Nabadeynta ku saabsan. Horufadhi.com News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 10, 2012 Congratulations to ALL SSC People Everywhere (Inside SSC Somalia, and abroad) Hambalyo iyo Bogaadin Dhamaan Shacabka SSC Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted January 10, 2012 What happened? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 10, 2012 What is the difference between Mamuul goboleedki Xaglatoosiye and this one? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dervish Posted January 10, 2012 Xaaji Xunjuf;772491 wrote: What is the difference between Mamuul goboleedki Xaglatoosiye and this one? Overwhelming support from a united and organized community. No allegiance to the seperatists or our eastern neighbors. Our garaads aren't Pimping themselves anymore (our biggest challenge). We are an overall unit, tired of being sidelined just as your people had been in the past. Quote Share this post Link to post Share on other sites