Somalia Posted January 10, 2012 At Puntland's entrance to mayhem, also known as Galkacyo. Suuqyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa mudooyinkii danbe waxaa si xawli ah usoo galyay lacago shilin soomali been abuur ah oo lagu soo daabacay gudaha dalka soomaliya . Lacagtan oo ah Shilin Soomali dhowaan lasoo daabacay isla markaana ka duwan lacagta caadi ah dhanka tayada ayaa si weyn looga dareemay dhamaan suuqyada magaalada Gaalkacyo iyo dakhliga dawlada Puntland ee ku soo xarooda Bankiga dhexe magaalada Gaalkacyo. Maamulaha Bankiga dhexe ee Puntland laanta Gaalkacayo Cabdilaahi Cali Bare ayaa ka hadlay lacagtan wuxuuna sheegay inay tahay mid si weyn ugu dhex jirta suuqayada magaalada Gaalkacyo, baarintaanna lagu wado halka ay ka timaado iyo weliba cida Puntland soo gelisa. Cabdiliaahi Cali Bare wuxuu intaas raaciyey in ay hayaan xog ku saabsan lacagtaas oo sheegaysa in lagu soo sameeyo magaalada Cadaado ee gobalka Galguduud, ganacsatada gobolka qaar kamid ahina ay faafisteeda kaalin weyn ka qaateen. Maamulaha laanta Bankiga Puntland ee Gaalkacayo ayaa dhanka kale ka hadlay dhibaatada ay lacagtaasi bulshada u keeni karto, isagoo tilmaamay in laga dhaxli karo sicir barar baahsan oo ku yimaada suuqyada gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland. Bankiga dhexe ee Puntland oo ah halkii ugu horaysay ee iclaamisay lacagtan been abuurkaa ayaa ugu baaqay dhamaan Hay’adaha dawliga ah ee ka hawl gala gobalka Mudug in la iska kaashado sidii loo xakamayn lahaa faafida iyo isticmaalka warqadahan been abuurka ah . Ma ahan markii ugu horaysay oo magaalada Gaalkacyo lagu arko lacago faalso , waxaase jirtey marar badan oo Bankiga dhexe laantiisa Gaalkacyo aysoo bandhigtay lacago been abuur ah oo laga soo saaray dakhliga soo gala dawlada puntland. Axmed Maxamed Cali [Caano-Geel] Horseed Media Gaalkacyo-Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites