Sign in to follow this  
Somalia

Currency War against Puntland.

Recommended Posts

Somalia   

At Puntland's entrance to mayhem, also known as Galkacyo.

Suuqyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa mudooyinkii danbe waxaa si xawli ah usoo galyay lacago shilin soomali been abuur ah oo lagu soo daabacay gudaha dalka soomaliya .

 

Lacagtan oo ah Shilin Soomali dhowaan lasoo daabacay isla markaana ka duwan lacagta caadi ah dhanka tayada ayaa si weyn looga dareemay dhamaan suuqyada magaalada Gaalkacyo iyo dakhliga dawlada Puntland ee ku soo xarooda Bankiga dhexe magaalada Gaalkacyo.

 

Maamulaha Bankiga dhexe ee Puntland laanta Gaalkacayo Cabdilaahi Cali Bare ayaa ka hadlay lacagtan wuxuuna sheegay inay tahay mid si weyn ugu dhex jirta suuqayada magaalada Gaalkacyo, baarintaanna lagu wado halka ay ka timaado iyo weliba cida Puntland soo gelisa.

 

Cabdiliaahi Cali Bare wuxuu intaas raaciyey in ay hayaan xog ku saabsan lacagtaas oo sheegaysa in lagu soo sameeyo magaalada Cadaado ee gobalka Galguduud, ganacsatada gobolka qaar kamid ahina ay faafisteeda kaalin weyn ka qaateen.

 

Maamulaha laanta Bankiga Puntland ee Gaalkacayo ayaa dhanka kale ka hadlay dhibaatada ay lacagtaasi bulshada u keeni karto, isagoo tilmaamay in laga dhaxli karo sicir barar baahsan oo ku yimaada suuqyada gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.

 

Bankiga dhexe ee Puntland oo ah halkii ugu horaysay ee iclaamisay lacagtan been abuurkaa ayaa ugu baaqay dhamaan Hay’adaha dawliga ah ee ka hawl gala gobalka Mudug in la iska kaashado sidii loo xakamayn lahaa faafida iyo isticmaalka warqadahan been abuurka ah .

 

Ma ahan markii ugu horaysay oo magaalada Gaalkacyo lagu arko lacago faalso , waxaase jirtey marar badan oo Bankiga dhexe laantiisa Gaalkacyo aysoo bandhigtay lacago been abuur ah oo laga soo saaray dakhliga soo gala dawlada puntland.

 

Axmed Maxamed Cali [Caano-Geel]

 

Horseed Media

 

Gaalkacyo-Puntland

 

faalso.jpg

maamule5.jpg

Maamul1.jpg

maamule4.jpg

maamule3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this