Sign in to follow this  
Liibaan

Faisal Waraabe Maantana Waalaahi Inaanaynu SSC Iska Celin Karin

Recommended Posts

Liibaan   

Faisal Waraabe " Maantana Waalaahi Inaanaynu SSC Iska Celin Karin" , Halkan Ka Dhageyso

 

 

 

http://sunatimes.com/playaudio.php?id=509

 

 

 

 

Faisal Waraabe "Maantana Waalaahi inaanaynu SSC iska Celin Karin, Ee Maanta Somaliland Way Qaawantahay " Halkan Ka Dhageyso

 

 

 

http://sunatimes.com/playaudio.php?id=509

 

Siyaasiga ka soo Jeeda Gobaladda Somaliland ee Faysal Cali Waraabe ayaa ku Tilmaamay Maamulka Somaliland inuu yahay mid Bur-Bur qarka u saaran kadib Markii ku yimaaden Fashilo Baddan oo dhanka Siyaasadda Iyo Khilaafaad ah, Faysal Cali waraabe oo sharaxaya Xaalka Maamulka Somaliland uu maraya ayaa Yiri " Itoobiya iskadaayee Xataa SSC iskama celin Karno. Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo uu u soo dhamaaday Shirka Xisbigaas ayaa Haddaladiisa laga dareemayay kuwa Liita.

 

 

Faysal Waraabe " Waad Ogtihiin Maanta dhibaatada lagu jiro nolosheenu siday tahay, waad ogtihiin in Dalku Bur-bur ku dhaw yahay oo Taleex Shir Maamul-Goboleed Lagaga Dhawaaqaya ka socdo oo la Doonayo in SomaliWeyn Laynagu Daro, Dhexdeediina Maamul-Goboleed Laga Sameeyey, waad ogtihiin Maalintii Siyaad Bare aynu la dagaalamaynay inay noloshu sidan ka fiicnayd, maantana Waalaahi inaanaynu SSC iska Celin Karin”

 

Saciid Sulub (Udub), ugu horayn arintaasi ka hadlayna ayaa yidhi “Dalkii wuu soo uruuray Taleex shirbaa ka socda waxaana laga taagay calankii buluuga ahaa dawladuna way daaawanaysaa ilaa markii la soo qaban qaabinayay"

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Saalax;772358 wrote:
kkkkk sunatimes is owned by waagacusub editor dahir alosowe. Take it with a grain of salt ya libaan.

He posted the AUDIOOOO..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Heemaalnews.com (Somaliland website)

 

"Maantana waalaahi inaanaynu SSC iska celin Karin”, Ee Maanta Somaliland Way Qaawantahay Eng. Faysal

Faysal_Cali

 

http://heemaalnews.com

HNN. Labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland UDUB iyo Ucid ayaa ku baaqay in talo qaran laga yeesho Xaaladaha Siyaasadeed iyo kuwa amni daro ee dalka ku soo kordhay bilihii ugu dambeeyay, gaar ahaan Shir-beeleedka Siyaasadaysan ee ka socda Degmada Taleex iyo xiisadaha ka soo cusboonaaday Deegaamada Awdal iyo Gabiley.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirkii hore ee Hawlaha guud iyo Gaadiidka Xukuumaddii UDUB Siciid Sulub oo shalay ka hadlay Shirweyne Xisbiga ucid uga furmay Magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay in dalka Somaliland isugu soo Uruuray Gobolada dhexe oo kaliya, isla markaana deegaamada Darafyada ku yaala ay ka socdaan ficilo lagu dumanayo Somaliland

Siciid Sulub oo ugu horayn arintaasi ka hadlayna ayaa yidhi “dalkii wuu soo uruuray Taleex shirbaa ka socda waxaana laga taagay calankii buluuga ahaa dawladuna way daaawanaysaa ilaa markii la soo qaban qaabinayay . Awdal-na xiisadbaa ka taagan oo waatii laga hadlayay , inaguna waxaynu ku mashquulsanahay arimo dhexdeena ah oo ururo yar yar oo la furtay iyo Kursi shan sandood iyo wakhti ka badani inaga xigo, markaa waxa loo baahanyahay in talo qaran laga yeesho Xaalada uu maanta dalku marayo oo aynu isweydiinaa yeelan oo aynbu isweydiino labaatan sanadood ka dib halkeebaynu maraynaa hadii kale 20 sanadood ka dib halkeebaynu maraynaa”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka dayriyay Xaalada Nololeed iyo ta amni ee Somaliland ka jirta wakhtigan, loona baahanyahay in talo qaran laga yeesho Shirka ka socda Degmada Taleex ee Gobolka Sool oo uu ku tilmaamay mid Somaliland lagu doortay “Barmaamujka Xisbiga ucid waxaanu samaynay labaatan sanadood ka hor, waxaanay nagu qaadatay inaanu qorno sida ay Somaliland u eekaanayso, laakiin 20 sanadood ka dib waxa ayaan daro ah in wixii taagnaa iyo meeshii aynu maraynay maanta dalka ka jiraan, waad ogtihiin Maanta dhibaatada lagu jiro nolosheenu siday tahay, waad ogtihiin in dalku Bur-bur ku dhaw yahay oo Taleex shir maamul goboleed lagaga dhawaaqaya ka socdo oo la doonayo in somali weyn laynagu daro, dhexdeediina maamul goboleed laga sameeyey, waad ogtihiin maalintii Siyaad bare aynu la dagaalamaynay inay noloshu sidan ka fiicnayd, maantana waalaahi inaanaynu SSC iska celin Karin” ayuu yidhi waxaanu intaasi ku daray “markaa waxaan leeyahay dalku talo qaran ayuu u baahanyahay hadii kale waynu burburaynaa, waayo waadigaa arkaya ee dhexdeenii maamul goboleedyada laga abaabulayo”.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxa uu madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay “Madaxweyne Siilaanyo waxaan leeyahay wakhtigii Rayaale waadigii marka wax dhacaan odhan jiray Dalku talo qaranbuu u baahanyahaye maanta Somaliland way qaawantahay, waxaanay u baahantahay Talo Qaran oo lagu badbaadinayo”ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay.”Kalshaale dhacdadii ka dhacday wuu isugu kaaya yeedhay, iminkana maalintii madaxweyne tegay Ceerigaabo ku maqnaana ayuu madaxweyne ku xigeenku isugu yeddhay asxaabta oo dhan oo arrintan taleex wax naga waydiiyay talaanan ka bixinay, ka dibna madaxweynaha ayaa markii uu soo noqday yidhi Gogol nabadeed-baan fidiyay, markaa waxaan leeyahay madaxweynaha inta loo tago halugu yidhaahdo waar shir qaran qabo oo waxan dhacaya lagaga tashado hadii kale isagaa ka masuul ah wxii dalka ka dhaca anagaana kala Xisaabtamayna”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Dhawaaqan ka soo baxay Xisbiyada Siyaasada Somaliland ee Mucaarid ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay ku cadeeyaan mawqifkooda ku aadan Xiisadaha ka oogan Deegaanka Seemaal iyo Shir beeledka ka socda Degmada Taleex oo ujeedadiisu wali laf dhuun geli wayday ku tahay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Bulshada Reer Somaliland oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Saalax;772358 wrote:
kkkkk sunatimes is owned by waagacusub editor dahir alosowe. Take it with a grain of salt ya libaan.

Saalax, don't worry about waagacusub, listen to Faisal Waraabe speaking himself, follow the audio link.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this