Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bilaa Faa'iido Waaxid

Recommended Posts

Mirqaan nala oogi maysid

Caqaar nala ururin maysid

iskaaba fadhiisan maysid

amaah ila dooni maysid

dubaab iga ilaalin maysid

Sigaar ii dhiibi maysid

Afkaagana haysan maysid ............. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadday bacdu qaawan tahay

Intaan haystaa yartahay

Hadday guush iyo in tahay

Hadday qori urursi tahay

Hadday adagtoy xuntahay

Amaahduna reebantahay

Islaantuna camal xuntahay

Bigays-kuna eberka yahay

Barjayntuna aayo maleh!!! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
somalee   

Jacaylbaro;772011 wrote:
Hadday bacdu qaawan tahay

Intaan haystaa yartahay

Hadday guush iyo in tahay

Hadday qori urursi tahay

Hadday adagtoy xuntahay

Amaahduna reebantahay

Islaantuna camal xuntahay

Bigays-kuna eberka yahay

Barjayntuna aayo maleh!!!
:D

:D :D D: This is a masterpiece

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadaad ila giijin waydo

fadhiga ila xoojin waydo

anigu ku islaansan maayo

agtayda joogi maysid

markaan odayada la joogo

marku ninba oori sheegto

adiga kugu faani maayo .............. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
somalee   

Jacaylbaro;772319 wrote:
hadaad ila giijin waydo

fadhiga ila xoojin waydo

anigu ku islaansan maayo

agtayda joogi maysid

markaan odayada la joogo

marku ninba oori sheegto

adiga kugu faani maayo ..............
:D

:D :D :D :D , muqayl weyn baad tahay, ama ahaan jirtay ninyohow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is the full version

 

Gal baad ku jirtaan dah-soone

Usoo kaca iilka qaadka

Adduunka usoo wareega

Bal daawada nolosha jaadka

Mirqaanka ammuurihiisa

Niikada jiibtiyo ciyaarta

 

Marduuf ninka soo amaahday

Farxadi wajigiisa gaadhay

Iftiinkiyo nuurka daawo

Awooduhu yeeshay daawo

 

Nin qaadiro soo abaartay

Haddaan jabanuhu u oollin

Inkaartiyo cayda daawo

Markuu geedka afka saaro

Ammaankiyo nabadda daawo

 

Isjiidhka kulaylka buuqa

Maqaaxi afkeedu qiiqay

Garaabadu weelka aastay

Markay inan soo hor meerto

il-jabis ku boobka daawo

 

Mirqaan nala oogimaysid

Caqaar nala ururin maysid

Mar uun ii yeedhi maysid

Iskaa u fadhiisan maysid

Amaah ila dooni maysid

Dubaab iga eegi maysid

Qaxwaha agtayda yaala

Markuu soo yara qaboobo

Adigu soo diirin maysid

Sigaar ii dhiibi maysid

Afkaagana haysan maysid

 

Haddaad ila giijin waydo

Fadhiga ila joogi waydo

Anigu ku islaansan maayo

Agtaydan joogi maysid

 

Markaan odayada la joogo

Markuu ninba oori sheegto

Adiga kugu faani maayo

 

Hadday bacdu qaawan tahay

Intaan haystaa yartahay

Hadday guush iyo in tahay

Hadday qori urursi tahay

Hadday adagtoy xuntahay

Amaahduna reebantahay

Islaantuna camal xuntahay

Bigays-kuna eberka yahay

Barjayntuna aayo maleh!!!!!..... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this