Jacaylbaro Posted January 9, 2012 Mirqaan nala oogi maysid Caqaar nala ururin maysid iskaaba fadhiisan maysid amaah ila dooni maysid dubaab iga ilaalin maysid Sigaar ii dhiibi maysid Afkaagana haysan maysid ............. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 9, 2012 is this about Wadaads? Quote Share this post Link to post Share on other sites
somalee Posted January 9, 2012 Lol :D Wallee waa bilaa faa'iidoo kaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 9, 2012 Hadday bacdu qaawan tahay Intaan haystaa yartahay Hadday guush iyo in tahay Hadday qori urursi tahay Hadday adagtoy xuntahay Amaahduna reebantahay Islaantuna camal xuntahay Bigays-kuna eberka yahay Barjayntuna aayo maleh!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
somalee Posted January 9, 2012 Jacaylbaro;772011 wrote: Hadday bacdu qaawan tahay Intaan haystaa yartahay Hadday guush iyo in tahay Hadday qori urursi tahay Hadday adagtoy xuntahay Amaahduna reebantahay Islaantuna camal xuntahay Bigays-kuna eberka yahay Barjayntuna aayo maleh!!! :D D: This is a masterpiece Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 9, 2012 hadaad ila giijin waydo fadhiga ila xoojin waydo anigu ku islaansan maayo agtayda joogi maysid markaan odayada la joogo marku ninba oori sheegto adiga kugu faani maayo .............. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted January 10, 2012 Can someone tell me the topic or who is adressed in this poem? Quote Share this post Link to post Share on other sites
somalee Posted January 11, 2012 Jacaylbaro;772319 wrote: hadaad ila giijin waydo fadhiga ila xoojin waydo anigu ku islaansan maayo agtayda joogi maysid markaan odayada la joogo marku ninba oori sheegto adiga kugu faani maayo .............. :D :D , muqayl weyn baad tahay, ama ahaan jirtay ninyohow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 11, 2012 Carafaat;772349 wrote: Can someone tell me the topic or who is adressed in this poem? The guy is talking to his bloody wife .... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted January 11, 2012 l0l@Afkaaga haysan maysid...waa nin qaati bile jooga?- ***** JB, waxaan xageed ka maqashaa niyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Caano_Geel Posted January 11, 2012 Here is the full version Gal baad ku jirtaan dah-soone Usoo kaca iilka qaadka Adduunka usoo wareega Bal daawada nolosha jaadka Mirqaanka ammuurihiisa Niikada jiibtiyo ciyaarta Marduuf ninka soo amaahday Farxadi wajigiisa gaadhay Iftiinkiyo nuurka daawo Awooduhu yeeshay daawo Nin qaadiro soo abaartay Haddaan jabanuhu u oollin Inkaartiyo cayda daawo Markuu geedka afka saaro Ammaankiyo nabadda daawo Isjiidhka kulaylka buuqa Maqaaxi afkeedu qiiqay Garaabadu weelka aastay Markay inan soo hor meerto il-jabis ku boobka daawo Mirqaan nala oogimaysid Caqaar nala ururin maysid Mar uun ii yeedhi maysid Iskaa u fadhiisan maysid Amaah ila dooni maysid Dubaab iga eegi maysid Qaxwaha agtayda yaala Markuu soo yara qaboobo Adigu soo diirin maysid Sigaar ii dhiibi maysid Afkaagana haysan maysid Haddaad ila giijin waydo Fadhiga ila joogi waydo Anigu ku islaansan maayo Agtaydan joogi maysid Markaan odayada la joogo Markuu ninba oori sheegto Adiga kugu faani maayo Hadday bacdu qaawan tahay Intaan haystaa yartahay Hadday guush iyo in tahay Hadday qori urursi tahay Hadday adagtoy xuntahay Amaahduna reebantahay Islaantuna camal xuntahay Bigays-kuna eberka yahay Barjayntuna aayo maleh!!!!!..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 12, 2012 Nin qaadiro soo abaartay Haddaan jabanuhu u oollin Inkaartiyo cayda daawo Markuu geedka afka saaro Ammaankiyo nabadda daawo ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted January 12, 2012 ^^Waa jacbut khatar ah. Waxaan moodaayey, inaad galab-ba in curiso markaad bahalka afka ku dhufato! Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted January 12, 2012 ^Wuu soo qishayay, kan Caano Geel baa qarxis miidhan ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites