Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Past Year Achievenment Ceremony In Bosaso. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Xaflad lagu soo bandhigayo Waxqabadka Maamulka Puntland ee Sannadkii Tagey oo lagu qabtay Bosaso+Sawiro

 

January 9, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Xaflad Balaaran oo habeenkii xalay ka dhacday Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso oo ay ka soo qeybgaleen Masuliyiinta ugu sareysan Puntland Waxgarad,Aqoonyahan,Culimo iyo Dadweyne kale ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay.

 

Xaflada oo ugu horey lagu furay kalmad muxaaro iyo baraarujin iskugu jirta oo uu halkaas ka jeediyay Suldaan Bashiir ayaa waxaa uu si aad ah ugu nuuxnuuxsaday qiimaha Puntland ay u leedahay shacabka.

 

Suldaanka ayaa xusay in shacabka Puntland aysan u muuqan Qiimaha Dowladnimo iyo deganaasho leeyahay waxaa uu si gaar ah uga hadlay dilal iyo Falal amaanka lidi ku ah oo ka dhacay Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo isaga oo ku tilmaamay in dadka ficiladaas geysanaya ay doonayaan in Puntland ay dumiyaan.

 

Dhinaca kale suldaanka ayaa ugu baaqay Maamulka Haatan jira in looga baahan yahay inay dadka la tashadaan u turaan iyo arimo kale.

 

Xaflada waxaa lagu soo bandhigay ruwaayado iyo heeso wadani ah oo ay soo bandhigeen kooxda waaberi Puntland kuwaasi oo ka turjumaya xaalada haatan jirta ee dhinaca amaanka.

 

Intaasi ka dib xaflad Sadex sanno ka dib Doorashadii Madaxweyne Faroole ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka Puintland kuwaasi oo Maamulka waxaa lagu soo dhaweeyay Waxgaradka iyo Isimada Goobta joogay waxaana isimadii ka hadlay ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin waxaana uu Ugaaska ku nuuxnuuxsaday in Xukuumada hada ay wax qabatay welina wax kale looga fadhiyo.

 

Masuuliyiinta xaflada ka hadlay oo aad u fara badnaa waxaa ay ku nuuxnuuxsadeen in si aad ah loogu baahan yahay in ka shaqeynta amaanka wax lagala qabto maamulka Haatan haya talada Maamulka Puntland

 

Xaflada waxaa hadalo kooban oo amaanka iyo waxqabadka Puntland ka soo jeediyay wasiirada Amniga Khaliif Ciise Mudan iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland C/laahi Axmed Jaamac kuwaasi oo sheegay in horumar dhinacyo badan leh laga gaaray Amaanka iyo Horumarka.

 

Ugu daneyn xaflada waxaa soo xiray Madaxweynaha Puntland oo qudbad dheer ka jeediyay xaflada xalay lagu qabtay Madaxtooyada Boosaaso oo lagu soo bandhigay waxqabadkii sannadkii tagey ee Mamulka haatan jira waxaana madaxweyna uu si weyn ugu nuuxnuuxsaday amanka iyo wax laga qabtay.

 

Docda kale waxaa uu madaxweynaha sheegay in meelo farabadan ay waxka qaban donaan oo ay ka mid yihiin deegaanada xeebaha ah ee ka baxsan Wadada laamiga iyo magaalooyinka waaweyn.

 

Xaflada waxaa ay ku soo dhamaatay jawi degan iyadoo dhamaan ka soo qeybgalayasha dhamaantood ay ahaayeen kuwo farxad ka muuqato

 

DAAWO SAWIRADA

 

8-Janayo-1.jpg

8-Janayo-2.jpg

8-Janayo-3.jpg

8-Janayo-4.jpg

8-Janayo-5.jpg

8-Janayo-7.jpg

8-Janayo-9.jpg

8-Janayo-10.jpg

8-Janayo-11.jpg

8-Janayo-13.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

omg this speech of farole will shatter the enemy. I can see bones cracking, ANOTHER POWERFUL SPEECH. Farole president forever

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I love this speech and how farole mentioned gagaab and ina samatar without mentioning names. They should've of done something when they had the ministry not complain after being sacked for incompetence.

 

I love how farole also mentioned the oil and said ITS OURRRRRRRRS. Its not yours and I hope he stays or make sures no leader after him can change these golden principles!!! I also enjoyed how he said he took sharif to the u.n security council took him head on and won and sharif was warned that no government can exist without puntland participation.

 

I was disappointed about how he said bosaso airport he will just get the base ready and look for financing it and his garowe centricness was clearly exposed when he said many presidents before him all had election promises to build garowe airport and none of them did and now he is, I think he is nicely saying "payback time Bosaso and Galkayo i'll ignore your desires".

 

OH YEAHHHHHHHHHH BABY THE OIL DRILLING IS ONNNNNNNNNNNNNNNNNN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

He has one year left and this year will decide the future of Puntland. If he has any intention to prolong his stay like Dahir Riyaale he knows what will happen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

He already started. Apparetenly elections will be not through the ballot box by one man one vote, but 400 clan delegates selected by Faroole will vote.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;772127 wrote:
He already started. Apparetenly elections will be not through the ballot box by one man one vote, but 400 clan delegates selected by Faroole will vote.

We all know what has been stated and what people are saying will happen but the response will not go well.

 

It will be Jama Ali Jama over again but this time it's legitimate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Carafaat;772127 wrote:
He already started. Apparetenly elections will be not through the ballot box by one man one vote, but 400 clan delegates selected by Faroole will vote.

Whatever you say but that speech was powerful

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Below is listed other key speakers at farole's 3rd year anniversary

 

Hadalkii Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin

 

Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo qayb ka ah Isimadda muga wayn ku leh Puntland ayaa Xukuumadda Puntland ka codaday in ay dhamaystirto dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso,xilli uu ka hadlayay munaasabad Xukuumadda Puntland ay ugu dabaal dagaysay saddex sano guuradii ka soo wareegtay xilligii la doortay Madaxwayanaha Puntland.

 

Wuxuu intaas ku daray”..Amniga wax badan ayaa laga qabtay,Amniga horumarinta Caafimaad,Waxbarshadda iyo kaabayaasah dhaqalaha waa ka mid,waxaan leenahay dhaqalaha aan dhisno hana ugu horeeyo in aan isku tashano Adduunkana aan tusno in aan isku tashan karno,aan ka bilowno Wadooyinka iyo Garoonka muhiimka ahee Bosasao oo wax yar ay ka dhiman yihiin”.

 

 

Ugaas Xasan

 

“…Ra’iisl Wasaaraha iyo Madaxwaynaha waan kala hadalnay Garoonka,waa nala ka balan qaaday,waxaan ilaahay ka baryayaa in habeenkaan habeenkiisa inaga oo kaabayaasha dhaqaalaha wax ka qabanay oo Garoonku ugu horeeya aan ku dabaal dagno”Sidaas waxa yiri Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin.

 

Madaxwaynaha Puntland Cabdi Raxmnaan Farole oo ka jawaabayay codsiga Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin ayaa yiri”…Diyaarad ciid ah ayaa laga raray Garoonka in dib loo dhiso hawlo badan ayaan u marnay,lacag badan ayaan ku bixinay,afar wadan oo aan tagnay balan qaad ayay noo sameeyeen waxba kama soo bixin,shirkii 1stanbul 2010 labada Mashruuc ee la balan qaaday waa labada Garoon ee Puntland ,Terminaalka wayn ee la dhisay 800,000 ayaan ku dhamaystirnay qabyo ayuu ahaa walina waa wadnaa”.

 

Cabdi Raxmaan Farole ayaa hoosta xariiqay in dowladda Puntland ay wado dadaal balaaran oo salka ku haya dhismaha Garoonka,waxaana uu xusay in Xukuumaddu ay Garoonka samayn doonto.

 

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumadda Puntland ay wado dadaal balaaran oo ay wax kaga qabanayso arrimaha bulshadda ee Punatland.

 

Hadalkii Wasiirka Amniga Coll Khaliif Ciise Mudan

 

Wasiirka Amniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlayay xaflad balaaran oo Xukuumada Puntland ay xalay ugu dabaal dagaysay mudada saddexda sano ah ee jirtay ayaa ka hadlay wax-qabadka Wasaaradiisa iyo qorshayaasha Wasaaradda ee mustaqbalka dhow.

 

Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Wasaraadda Amniga ee uu hormuudka u yahay ay wax ka qabatay arrimo fara badan oo ay qayb ka yihiin;

 

1-Beelaha Puntland oo ay nabad dhex-dhigtay

2-Amaanka gudaha oo ay sugtay

3-Ururka Al’Shabaab oo ay ka hortagtay

4- Dambiilayaal ay gacanta ku dhigeen oo dhowan la horkeeni doono Maxkamad iyo arrimo kale.

 

Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan dhalinyaro ka tirsan Al’Shabaab oo Koox-Koox u socda oo doonaya in ay soo galaan deegaanadda Puntland,kuwaas oo uu sheegay in ay gacan siiyan dad u dhashay Puntland oo uu digay in ay ka digtoonaadaan.

 

Mar uu ka hadlayay qorshayaasha Wasaaradda mustaqbalka ayaa wuxuu yiri”…Waxaan wadnaa barnaamij la yiraahdo Tabeele,oo magaalooyinka aan xaafaddo u qaybinayno,oo aanu rabno in xaafad walba ka sii dhigno guryo yar yar oo la isugu keeno 40-Kii guri ay ay ismaamulaan amnigana ka taliyaan,wixi ka soo kordha degmadda loo gudbino,saasaan rabnaa oo lagu ogaanayo cidii soo korodha,cidi Guri kiraysata,taas ayaa fududaynaysaa in shacabku ay kaantaroolaan nabadgalyadooda oo ay kaga feejignaadaan cidii ku soo dhex dhuumata…”.

 

“….Waxaa soo kordhaya dad loo soo diray abaabulo qorshaysan in ay sameeyaan,anagoo ku faanayna Ciidamada qalabka sida,waxaa noo suurto gashay in aan gacanta ku dhigno dad badan oo dhibaato ka dhigi lahaa wadanka,Maxkamadanba la horgayn doono,waxa ka mid ah kuwo ka dambeeyay dilkii naxdinta lahaa ee D.r Axmed Xaaji Cabdin Raxmaan wax yar ayaa naga dhiman waan ku daba joognaa,kuwii Miinada noo dhigay waanu qabanay,waxaan qabanay kuwo badan oo qorshayaal watay…”Sidaas waxa yiri Khaliif Ciise Mudan.

 

Khaliif Ciise Mudan ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradiisu ay diyaarisay Saraakiil ay ka go’an tahay in ay wax qabtan amaanka Puntland,waxaana uu dadwayanaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan Saraakiishaas.

 

Ugu dambayntii Wasiirka Amniga Puntland ayaa Madaxwaynaha Puntland ugu hambaliyeeyay dowladnimada Xukuumadiisa mudada saddexda sano ah ee ay jirtay.

 

Muxuu Qabtay Gen Ilka jiir Wasiiradiisa Arrimaha Gudaha

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland mudadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay ay guulo balaaran ka gaartay dagaalo Dhaqaale,Amni,Ciidan iyo arrimo kale.

 

Wuxuu sheegay in saddex sano ka hor ay dhaxleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihii;-

 

1-Cay

 

2-Colaad

3-Burcadbadeed

4-Iyo meel aan waxba oolin.

 

Mar uu ka hadlayay guulaha ay gaartay Xukuumaddu saddex sano ka dib ayaa wuxuu yiri”..Waxan ku guulaysay Dagaalkii Burcadbadeeda,kii Dhaqaalaha,kii Al’Shabaab ee buuralayda Galgala,dhismaha Ciidamadda iyo isku daba ridkooda,waxad aragtaan Ciidamo Raxan-raxan ah oo inoo dhisan, Ciidanka Kumaandooska ayaa ka mid ah ,Ciidanka Asluubta ayaa ka mid ah ,Ciidanka Booliska ayaa ka mid ah ,Ciidanka Daraawiisha iyo Ciidamo kale,waxaan ula jeeda sida ay maanta wax yihiin iyo waxaan dhaxalay wa Kaaf iyho kala dheeri….”.

 

“…Deegaano ayaa la dhisay,waxaa jira Golayaal deegaan oo la dhisay iyo kuwo badan oo la dhisi doono,Baargaal ayaa ugu dambaysay oo biyo galinteea iyo wax qabakeeda la dhameyay..”.Sidaas waxa yiri Ilka-Jiir.

 

Cabdullaahi Axmed Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in mashruuca horumarinta degmooyinka ay ka faa’iidaysteen 7 degmo oo ka tirsan Puntland,kuwaas oo uu sheegay in Malaayiin Doolar ay ku baxdo horumarintooda.

 

Wuxuu sheegay in ay tabaro u direen dad reer Guuraa ah,waxaana uu iswaydiiyay,goorma ayaa sideetan qof oo reer Guuraa ah loo diray tababaro?.

 

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumadda Puntland ay saddex sano jirsatay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

I hope and pray from Allah that Faroole term ends peacefully and him transferring power with no problems. He's very controversial person. He has some good qualities and bad ones.

 

After Faroole the presidency should not go to Gaagaagb, Insa Samatar, nor Jama Ali Jama. Puntland should elect a technocrat with the political awareness but not a novice. Clan wise, the trinity should give up power for the greater good and handover to other disgruntled clans in Sanaag, Qandala, Raas casayr, Waaciye and Goldogob etc. That or else........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Samafal;772473 wrote:
I hope and pray from Allah that Faroole term ends peacefully and him transferring power with no problems. He's very controversial person. He has some good qualities and bad ones.

 

After Faroole the presidency should not go to Gaagaagb, Insa Samatar, nor Jama Ali Jama. Puntland should elect a technocrat with the political awareness but not a novice. Clan wise, the trinity should give up power for the greater good and handover to other disgruntled clans in Sanaag, Qandala, Raas casayr, Waaciye and Goldogob etc. That or else........

Goldogob or Sanaag.

 

Ras Caseyr should be strangled for its naughty acts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this