Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian troops murder Ethnic Somalilanders in the Gaashamo district

Recommended Posts

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Dad Reer Somaliland Ah Ku Laayey Duleedka Gaashaamo Ee Gudaha Kililka 5-aad, Burco Oo Ay Ka Baxayaan Dad Gurmad Ah Iyo Sansaan Colaadeed Oo Taagan.

 

Gaashaamo (Ramaas) Jan 8,2012 – Ciidamadda Itoobiya ayaa maanta dad rayid ah oo reer Somaliland ah ku laayey deegaanka Gaashaamo ee gudaha kililka shanaad ee ismaamulka Soomalida Itoobiya.

 

Ciidamadda Itoobiya oo aan la sheegin inay ahaayeen kuwo Ismaamulka Soomalida ee Liyuu Booliska iyo kuwo Yihaadhigta ayaa ilaa hadda inta la ogyahay waxay dileen hal qof oo ka mid ahaa dad la socday gaadhi qaad ka qaaday Magaaladda Burco isla-markaana ku sii jeeday Magaaladda Gaashaamo, kaas oo la xaqiijiyey in markii hore ay rasaas badan kurideen, balse markii dambe ay qori weyn oo ay ku rideen uu gabi ahaanba gaadhigii gubay.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in gaadhigaasi ay ku dhaawacmeen afar qof oo mid walba dhaawaciisa meel gaar ah laga helay, waxaana la sheegaya in deegaankaasi ay ka taagan tahay xaalad colaadeed oo sababi karta in dagaal fool ka fool ahi ka dhex maro dadka deegaanka iyo ciidamada falkan geystay oo aan la garaneyn sababta keentay.

 

Magaaladda Burco oo ay ka soo jeedeen dadka ciidamada Itoobiya badhna laayeen badhna dhaawaceen ayaa laga dareemayaa xaalad cakiran oo ka dhalatay dadkaasi ciidamada Itoobiya weerareen, waxaana halkaasi laga soo sheegayaa in gaadiid faro badan oo ay wataan dad rayid ahi ay Magaaladda uga baxayaan dhinaca Gaashaamo si ay ugu gurmadaan dadka dhibaatadu gaadhay isla-markaana jawaab uga bixiyaan falkaasi.

 

Warkan wixii ka soo kordha kala soco Ramaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this