Dr_Osman Posted January 7, 2012 300- oo Arday ayaa ka qalin jebiyey Machadka barashada Xirfadaha ee New-Generation Boosaaso Updated:- 6 hours ago| 1 Commnets Munaasabad balaaran oo shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday ka qalin jebisey Machadka barashada xirfadaha ee New-Generation ayaa galabta ka dhacday Hoolka shirarka ee Hotel Panorama ee magaalada Boosaaso. Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waxbarashada ee gobolka, waxgarad, waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan. Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay maamulaha Machadka New Generation Feysal Cabdi Cartan wuxuuna sheegay in ujeeda xafladan loo qabtay ay tahay qalin jebinta dufcadii 2-aad ee arday ah ee Machadkaas ka baxda iyo weliba abaal marinta ardaydii ku guuleystey tartan garaaca Computerka ah oo uu machadku qabtay. Wuxuu sidoo kale sheegay in Machadku uu dadaal badan ku bixiyey sidii ardayda looga dhisi lahaa dhinaca garaacista Computerka maadaama ay muhiim tahay in qofka Computerka bartaa uu si fiican wax ugu qori karo. Shemis Muuse Maxamed oo ka socotey gudoonka waxbarashada ee gobolka bari oo iyaduna munaasabadaas kasoo qayb gashay ayaa ka hadashay muhiimada ay barashada xirfaduhu dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada u leedahay. Waxayna sidoo kale sheegtay in gudoonka waxbarashadu ay ku faraxsan yihiin islamarkaana ay soo dhoweynayaa waxbarashada uu Machadkaasi bixiyo iyo weliba sida ay maamulkiisu ugu heelan yihiin inay soo saaraan jiil cusub oo wax bartay. Mas’uuliyiin badan ayaa madashaas ka hadlay waxaana ugu danbeyntii abaal marino isugu jirey koob iyo shaqo la gudoonsiiyey labo arday oo ku guuleystey tartan garaaca Keyboardka Computerka ah oo uu Machadku qabtay laguna kala magacaabo Siciid Yaasiin Faarax iyo Faadumo Muuse. Waa dufcadii 2-aad ee arday ah ee ka qalin jebiya Machadka barashada xirfadaha ee New-Generation waxayna tiradoodu ahayd 300 arday kuwaas oo la baray qaybaha Computerka ee kala ah Software Programs iyo Hardware. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted January 7, 2012 Thats 300 IT students specialising in Software and Hardware Development in the Bosaso Market. Encouraging Skill growth in Puntland is a must so we can become self-sufficient Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted January 7, 2012 Would be great if they had some outsourcing going for them. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted January 7, 2012 I'm very proud of all the Puntland students at home and aboard. keep up the good work. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
uchi Posted January 7, 2012 ...what is with all the ninja outfits? When did Alshabab cross the border? Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted January 7, 2012 uchi;771282 wrote: ...what is with all the ninja outfits? When did Alshabab cross the border? hahaha that's was funny. but on a serious note, it's not a ninja outfit, rather military one. the avatar choice for sol is limited and i picked the less boring one. on a brighter note, down with alshabab. :mad: Quote Share this post Link to post Share on other sites