Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso. Weekly Photos

Recommended Posts

Dr_Osman   

Wadadaan waxa ay si toos ah u tagtaa Isgoyska Gaaca taas oo ka timaada dhanka Airpor-ka,waxaana halbowle muhiim ah u tahay goobo badan oo ganacsi oo ay dhexmarto wadadu sida Huda Phone,Super Phone, City Center, Carwo Golden Gate, Carwo Golden Standard, Bookshop Sacaada, Hotel Jubba, Bank Dahabshiil, Salaam Puntland Bank iyo goobo kale, waxaana la filayaa in dhawaan laga dhigo laami bilic u yeela magaalada ayna hawshiisu wadaan Guddiga Horumarinta degmada Boosaaso.

1704.jpg

 

Bakhaaradii uu dabku la simay dhulka Suuqii gubtay ee Boosaaso oo lagu wado dayactir deg-deg ah, waxaana dib usoo laabtaya rajadii dadka ee dhanka ganacsiga Suuqa.

2491.jpg

 

Qololkaan isku dhegan waxaa dhisanaya ganacsatadii dharka ee hantidoodu ku basbeeshay dadbkii ka kacay Suuqa Bosaso,waxa ay u muuqdeen kuwa Sandaqadihii u badaley dhagax kuna faraxsanaa hawsha ay wadeen.

3457.jpg

 

Gurigan ka sameysan Qoryaha iyo Safiitada intiinii garaneysa ayaa argtay waa Hotelkii ugu horeyey ee Bosaso laga dhiso sida ay RBC Radio Boosaaso u sheegeen dad wakhtiga la dhisayey joogay,waxaana lagu magacaabaa BADDA CAGAHA GELI.

4385.jpg

 

Halkaan waa Dugsiga Imaamu Al-nawaawi Boosaaso,waxaana la’aasasay 1992 xiligaas oo lagu bilaabay in wax lagu barto dhowr qol gudaha Iskuulka,kaas oo ay isu Xilqaameen dhalinyaro u dhalatay Puntland sidoo kalena mudadii uu jiray ayaa Hoggaanka ay usoo qabteen 10-maamule oo ay ku jiraan rag Masaari ah intii la aasaasay Dugsiga.

5311.jpg

 

Huruuse Hotel,waxa uu kamid yahay Hoteelada ugu qadiimsan haddana ugu waa weyn gudaha magaalada Boosaaso,waxaana lagu Xasuustaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf oo degi jiray intii aan la dhisin Madaxtooyada magaalada Boosaaso iyo mas’uuliyiin fara badan oo kale.

6245.jpg

 

Haween Suuqa Boosaaso ay kaga gubteen meheradihii ay ku ganacsan jireen oo hadda ku ag ganacsanaya meel banaan ah,kuwaas oo ay ka muuqato dhiiranaan iyo carcar ganacsi oo hor leh.

7199.jpg

 

Waa gabar kamid ah haween ku ganacsada Suuqii basbeelay ee Boosaaso, waxayna hada ku ganacsataa meel banaan waxeyna RBC u sheegtay in markii hore heysatay ganacsi iyo meherad buuxdahttp://www.somaliaonline.com/community/newthread.php?do=newthread&f=7y haystay.

8148.jpg

 

Macalin ardey ka baaraya in uu sito Waraaqo qash ah mid kamid ah Iskuulada Boosaaso gaar ahaa Imaamu Nawaawi xiligaas oo aan booqanay”"Alla macalin wax qash ah ma sito ayuu ardeygu ku hadaaqayey,waayo waayo ayey nasoo xasuusisay!!!!.

9122.jpg

 

Halkaan waa dismaha mid kamid ah Shirkadda Towfiq Commercial Center,waxaana si weyn uga qeybqaatay bilicda magaalada Boosaaso isaga iyo kuwa kale oo farabadan,waxaana uu saaranyahay wadada Gaaca aada.

10105.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wadadaan waxa ay toos uga timaadaa garoonka diyaaradaha Boosaaso, taas oo toos u aada Madaxtooyada Boosaaso, waxaan laga bilaabay dayactir looga dhigayo laami ah lana wado hadda hawsheeda,waxaana dhinacyada wadada saaran Dugisa Sare ee Bosaso Puplic Secondry School iyo Machadka Caafimaadka.

11194.jpg

 

Shaqo ka socotay Waddo laga bilaabay dayactir oo ay soo kormeereen Guddiga Horumarinta degmada Boosaao oo ka kooban Culuma’udiin, Aqoonyahano Ganacsato iyo Nabadoono xushmad weyn ku dhex leh bulshada dhexdeeda kuwaas oo u istaagay horumarinta degmadooda.

12146.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wow Bosaso came a long way, from hotel Badda Cagaha Geli to what it is today!!!

 

 

 

Halkas kasi wadda, Inshallah It will rival mogadishu in it's pre-war days. I am already seeing Similarities So we will get there

Mogadishu_1988_1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this