Sign in to follow this  
Dr_Osman

Advisor To Puntland Ministry Of Education Holds a Fund-Raising Event Through-Out Europe. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Waxaa magaalada London soo gaarey wafdi-heer-qaran ah oo ey hogaamineyso, Marwo Sahra Axmed Kooshin oo ka tirsan Wasaarada Waxbarashada Puntland, Marwo Sahra, ayaa waxa ey safaro kala gadisan ku martey dalal-Europe kamid ah, sida Holland Norway Sweden iyo Uk. Hadaba waxaa caawa London marti u ahaa wafdiga Sahra Kooshin.

 

Shirkan caawa London ka dhacey oo ey soo qaban-qaabsheen Ururka Haweenka Puntland ayaa waxaa marti ku ahaa xubno si-weyn looga yaqaan Dalka Soomaaliya, waxaa hadalka furey oo soo dhoweynta sameeyay, Gen Cabdulaahi Cali Cumar, oo isagu amaaney howsha Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo doorka Sahra Axmed ey ka qaadaneyso isku-xirka Jaaliyada Puntland iyo Wasaaradaas,

 

Gen Abdulaahi ayaa sidoo kale ka-codsadey Jaaliyada Puntland ee Uk dagan iney taageero u muujiyaan Marwo Sahro maadama ey mudan tahay in-lagu taageero barnaamijka weyn oo ey ololaha uugu jirto, intaas kadib waxaa isna hadalka qaatey Nabadoon Maxamed Maxamuud Indhayare oo si-weyn looga qadariyo Jaaliyada Puntland ee Uk, ayaa isna ku amaaney Saharo dadaalka ey uugu jirto kor-u qaadista wasaaradaas iyo sida ey isugu howshey iney tayayso Wasaarada Waxbarashada.

 

waxaa isna goobta ka hadley, Wakiilka Jaaliyada Puntland Prof Abdulqaadir Faarax Jibriil oo isna hadalo dhiiri-galin ah ka sheegey goobtii shirka, dadkii hadalka qaatey ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye, oo isna xusey ahmiyada waxbarashadu lee dahay iyo sida loogu baahan-yahay in Jaaliyada reer Puntland ey door-muuqda ah ka ciyaaraan horomarka Puntland dhan-walba iyo iney buuxiyaan booska uuga banaan.

 

]Mudane Abdulqaadir Teeragarees oo isna ah La-Taliyaha Raisal-Wasaaraha Soomaaliya arimaha Qurbajoogta, Prof Abduwali Gaas, ayaa tilmaamey iney muhim tahay in la-taageero Barnaamijka Sahra Axmed wado, Sakariye Isticmaar oo isna kamid ah dhalinyarada reer Puntland ee aadka u fir-fircoon ayaa isna xusey in-haatan la-gaarey xiligii Jaaliyada Puntland ey ka qeyb-qaadan laheyd horomarka Puntland iyo in-dadka reer Puntland ey kafaalad qaadaan Ardeyda Jaamacada iyo Iskuulada aan awoodin (Sponsorship Education Programme) Maadama Jaaliyadu ey ka ciyaari karto dowar weyn sidii loo dhiiri-galin lahaa ardeyda aan fursada dhaqaale u helin iney helaan waxbarashada sare.

 

Ugu danbeyn Sahra Axmed ayaa daah-furtey barnaamijkeeda iyadoo soo bandhigtey qoraalo iyo tirakoobyo laga sameeyay Wasaarada Waxbarashada, waxa ey sidoo kale Sahra bandhigeeda kamid ahaa horomarka iyo isbadelka Wasaarada Waxbarashada ku dhacey muddadi ey joogtey iyo sara u kaca horomarineed, Sahra ayaa iftiimisey barnaaijka ey u soo banaan-baxdey oo ah in la-taageero shaqada Wasaarada Waxbarashada iyo in dadka reer Puntland ey dib-ugu ceshaan dalkooda aqoonta iyo khibrada ey heleen si-loo helo bulsho dhameystiran.

 

Sahra oo sidoo kale soo bandhigtey Film, laga duubey Wasaarada Waxbarashada kaasoo tilmaamayay waxqabadka Wasaarada iyo Yoolka fog oo ey wasaaradu tiigsaneyso, ugu danbeyn Sahra ayaa codsatey in Qurbajoogta reer Puntland ey taageeraan barnaamijkan oo ah mid-bilow ah isla-markaana u baahan taageerada Qurbajoogta, Sahra ayaa safaro ku tagi doonta Caasimada Labaad ee Uk Birmingham iyo Magaalada Leicester oo loo balamiyay Jaaliyada reer Puntland si ey barnaamijka muga weyn ugu soo bandhigto. Shirka Xaawo Matooto oo kamid ah haweenka haldoorka reer Puntland ahaana qaban-qaabiyaha xaflada ayaa amaan iyo taageero u muujisey Sahra iyadoo balan qaadey in haweenka Puntland ey ka qeyb-gali doonaan barnaamijkeeda, waxaa sidoo kale meesha ka hadley, Faadumo Cabdulaahi oo iyana kamid ah haweenka kaalinta weyn uuga jira Jaaliyada Puntland, iyo Muxubo, Fowsiyo Cumar-Yare. Waxaa sidoo kale ka hadley Abdulaahi yare oo isna meesha ka sheegay erayo qiima leh, iyo Cali Aar oo isna soo bandhigey xog muhim ah.

 

Sakariye Maxamed Isticmaar.

 

Marwo.Sahro.London3.JPG

Marwo.Sahro.London.JPG

Marwo.Sahro.London4.JPG

Marwo.Sahro.London5.JPG

Marwo.Sahro.London6.JPG

Marwo.Sahro.London7.JPG

Marwo.Sahro.London9.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I had to post this, Because it is an excellent program if executed. This will guarantee students who cannot afford higher-learning tuition fees the diaspora will chip in and guarantee they get the education. This is excellent program by Ministry of Education an strong performing ministry and needs to be recognized

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia;770814 wrote:
I last knew her whereabouts to be in Sweden. Good job

Yeah she's been to sweden, oslo and now doing the rounds in the U.K. Thats why I said Fund-raiser in Europe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this