Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Ministry Of Health Hosts Congo And Kenya Doctors To A Picnic At Jibagale. Pics

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dhakhaatiirta Qaabilsan Qaliimada Dadka Farfaruuran Oo Qado Sharaf Loogu Sameeyey Beeraha Jibagale

 

04. January 2012

 

Garowe: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maalintii Arbacadii (04-Jan-2012) qado sharaf u sameysay dhakhaatiirtii qaliimada taborucaadka ah ka waday Isbitaalka guud ee caasimada Puntland. Qada sharaftan waxaa joogay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Wasiirku xigeenka Dr. Maxamed X.Ducaale,Wasiiru dowlaha Maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Agaasimaha guud Dr. C/risaaq Xirsi, Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda caafimaadka iyo shaqaalaha, Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab iyo Duqa degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi iyo marti sharaf kale.

 

Martiqaadkan waxa uu ka dhacay Beeraha Jibagale oo 20 km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Garowe ee caasimada Puntland, beerahan ayaa ah kuwo aad u qurux badan ayna kasoo baxan qudaarta noocyadooda kala duwan sidoo kalena beeraha waxaa lagu dhaqaa Geel, Lo’, Ari iyo Fardo.

 

Markii la qadeeyey ayaa Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab iyo Duqa Garowe C/casiis Nuur Cilmi waxay halkaas kasoo jeediyeen hadalo kooban iyagoo sheegay in martiqaadkani uu yahay mid lagu soo dhaweynayo dhakhaatiirta hawlgalka caafimaadka ka waday Isbitaalka Garowe waxayna madaxda Gobalka Nugaal ay mahadnaq balaaran usoo jeediyeen dhakhaatiirta Kenya iyo Congo ka socotey kuwaas oo markii labaad waxqabad la taaban karo oo kaalmo ah u fidiyey bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ku dhaqan.

 

Madaxa Dhakhaatiirta Dr. Meshach N. Onguti oo halkaas isaguna ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay martiqaadka wanaagsan ee loo sameeyey dhakhaatiirtooda iyo sida loogu sharfay beeraha quruxda badan ee Jibagale.

 

“ Runtii wax aan dhaho garan maayo, aniga iyo kooxdayduba waxaan maqsuud ka nahay martiqaadkan sharafta badan ee ay wasaaradda caafimaadku noo sameysay, maahan meeshan iyo martiqaadkanba mid aan ilaawi karayno waad na sharafteen waan idiinka mahadcelinaynaa anagoo isku duuban” ayuu yiri Dr. Onguti.

 

Dhakhtarku waxa uu ka hadlay hawlgalkooda isagoo sheegay inay ku jiraan maalintii 9-aad marka lagu daro maalintii 27-Dec-2012 oo ay dalka yimaadeen isla markaasna ay shaqada horey ka galeen iyagoo aan nasan, waxayna qaaliimo u sameeyeen dhakhaatiirtu 140 qof.

 

“ Anagu waxan nimid Garowe 27-Dec-2011 isla maalinkaas maanan nasan shaqadan horey ka galnay ilaa maanta (Arbaco,4-Jan-2012) waxaan qaliimo u sameynay 140 qof, qaliimadu waxay isugu jireen qaliimada dadka farfaruuran iyo kuwo guud oo aanu u samaynay dad kooban oo xaaladoodu ay khatar ahayd dhamaan qaliimadaas waan ku guulaysanay” ayuu yiri Dr. Onguti.

 

Dr. Onguti waxaa kale oo uu sheegay in xiligii hore ee ay yimaadeen inay qaliin u sameeyeen dadka bishinta kore ka jeexan oo ay u *****leen hayeeshee ay dib u cesheen dad faro badan oo dhabxanga iyo dalqaduba dalooshey kuwaas oo aysan wax u qaban Karin maadaama aysanwadan qalabkii qaliimadooda u sahli lahaa balse doorkan waxa u usheegay in dhakhaatiirtoodu aysan qofna dib u celin.

 

“ Markii hore ee aanu nimid bishii October sanadkii hore 2011 hawshu way cusbayd kaliyana waxaan samaynay inaan *****lno bishinta kore ee jeexan waxaan ka xumahay inaan fayskii hore dirnay bukaano dhabxanaga iyo dalqadu isku daloolaan, maantey waxaa farxad noo ah inaanan qofna dirin ha jeexnaado bishinta kore ama dhabxanaga iyo dalqadu ha isku dolaalaane dhamaantood waan qalaynay waxaan caawinayay caruur yar yar, Dhalinyaro wiilal iyo gabdho ah iyo waliba dad waa weyn dhamaantoodna waxaan u samaynay qaliimo iyo daaweyn maantey kuwo aan qoslayn ayaa qoslaya kuwo afka maro ugu *****lnayd ayaa dhoolo cadaynaya oo aan laga dareemayn qaliinka lagu sameeyey” ayuu yiri Dr. Onguti.

 

Dhakhtarku waxa kale oo uu amaan iyo bogaadin usoo jeediyey Madaxda Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland iyo shaqaalahooda oo uu ku tilmaamay koox isku duuban, wadashaqeyn qoto dheerna leh, waxaa kale oo uu amaanay shaqaalaha Isbitaalka Garowe isagoo carabka ku dhuftey inay tabobar ugu dhex wadeen shaqada, waxaa kale oo uu dhakhtarku carabka ku dhuftey inay raadinayaan qorshe aqoonta la isku waydaariyo tusaale ahaan in tabobar ay dalka Kenya kusoo siiyaan qaar ka mid ah shaqaalaha oo ay qaliimada dadka farfaruuran soo baraan.

 

“ Farxada kale waxay ahayd waxaan u nimid Madax iyo shaqaale Caafimaad oo isku duuban shaqo wadaag ah iskuna kalsoon, waa sida Kooxdayadu u wda shaqeyso oo kale waxaana leeyahay hadaynu iskaashano wax weyn ayaan qaarada Afrika ka badali karnaa waana samayn karnaa wax ka weyn waxa reer galbeedku caalamka kusoo kordhiyo, anagu qaliimo kaliya maanan samaynayn ee waxaan ku dhex wadnay tabobar aanu siinaynay shaqaalaha Isbitaalka Garowe kuwii saalada nagala shaqeynayay oo waxa aan qabanaynay aanu tusaynay si ay fikrad uga qaataan waxaana rajaynaynaa inaan aqoonta iswaydaarsano oo qaar shaqaalaha ka mid ah aanu isku dayno inaanu geyno Isbitaalada Kenya ee aanu ka shaqeyno si ay usoo bartaan shaqadan ayna u badbaadshaan dadkooda” ayuu yiri Dr. Onguti.

 

Dr. Omguti waxa uu sheegay in la isku dayay in la baajiyo socdaalkooda oo la shaki galiyo hayeeshee waxa uu carabka ku dhuftey inuu telefoon kula soo hadlay wasiirka caafimaadka uuna u sheegay wasiirku in dad badan oo loo balanshaqey ay sugayaan dhakhaatiirta.

 

“ Waxaa shaki nalaka gashay socdaalkayaga oo waxaa nalaku yiri ma tagi kartaan Puntland oo waa khatar markaas ayaan anigu telefoon kula soo hadlay wasiirka Caafimaadka oo hortayda hada fadhiya dabadeed wasiirku wuxuu iisheegay in dadkii qaliimada loo samayn lahaa ay balansan yihiin oo la diiwaangashay wax caqabad ahna aysan jirin, wasiirku wuxuu noosheegay in xaaladu ay khatar noqonayso hadii aanan u imaan dadka caawintayda u baahan dabadeedna waxaan tashi kula noqdey hay’adayada Help the Child Face Tomorrow waxaan go’aan ku qaadanay aniga iyo kooxdayadu inaan deg deg kusoo baxno ilaahay ayaa mahadaas leh waanu nimid wixii naloo sheegayayna been ayay ahaayeen Puntland waa la imaan karaa oo waxaan leeyahay anaga joogna oo ka shaqeynay, waxaa nala socda doorkan Dhakhtar Kongo u dhashay anaa soo shukaamiyey oo ka codsaday inuu nasoo raaco, rag badan oo cusub oo nagu jira doorkan waxay ka walwalsanaayeen wax aad cuntaan ma helaysaan ma qaadataan waxuun cunto ah lakin hilib iyo caano fareesh ah ayaa miiska loosoo saarayay markaan dhexdayada kaftanayna waxaanu isla garanay Puntland inay hodan tahay oo aan laga tagi Karin in lagu soo noqnoqdo maahane” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Dr. Onguti Madaxa Dhakhaatiirta Help The Child Face Tomorrow.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isaguna ka hadlay gabogabadii wuxuuna mahadcelin aan lasoo koobi Karin usoo jeediyey dhakhaatiirta Help the Child Face Tomorrow wuxuuna u sheegay inaysan waligood iloowi doonin shacabka Puntland iyo madaxdooduba oo uu waxqabadkoodu galay taariikhda maadaama ay dad badan oo bulshada ka dhex maqnaa ay kusoo celiyeen kana saareen cuqdadii bulshada ay kala dhex baxeen.

 

“ Waxaan halkan mahadcelin aan lasoo koobi Karin uga soo jeedinayaa dhakhaatiirta Help the Child Face Tomorrow oo ah dhakhaatiir walaalaheen ah inooga yimid Kenya iyo Kongo, walaalayaal waxaad noo qabateen waxaanan waligayo idinku iloowi doonin waxaad badbaadiseen caruurtayadii, dhalinyaradayadii iyo waayeelkayagii, qaliimada aad noogu tabarucdeen maahan kuwo aan heli karaynay way nagu adkayd, waxaad iftiimisiin mustaqbalka gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah oo niyad jab ka ahaa mustaqbalkooda maanteyse ku jira farxad aan lasoo koobi Karin oo aad bulshadii kusoo dhexdarteen runtii dadka aad wax u qabateen qaarkood anaaba ka garanwayaayey qaliinka ilaa aan u fiirsaday ama aan arkay dhaawaca” ayuu yiri Wasiirku.

 

Wasiirka Caafimaadku waxa uu intaas ku daray inuu soo dhaweynayo balanqaadka bisha April ay dhakhaatiirtu kusoo noqonayaan dalka mar saddexaad wuxuuna ka codsaday wasiirku inaysan ka daalin kaalmada ay Puntland iyo shacabkeeda u fidiyeen, waxaa kale oo uu wasiirku bulshada caalamka ku booriyey inay yimaadaan Puntland isagoo sheegay in dad waxmagarad ah ay ka shaqeeyaan nacayb ayna dadka ajaanibta ah u sheegaan in Puntland aan la tagi Karin.

 

Xafladan ayaa kusoo dhamaatey jawi aad u qurux badan iyadoo markii hadalku dhamaadayna ay dhakhaatiirta iyo madaxda kale ee dowladu ay kormeer socod ah ku bixiyeen beeraha Jibagale waxayna daawadeen Beeraha, Xoolaha ku nool sida Geela, Lo’da, Ariga iyo Fardaha waxayna dhakhaatiirta iyo madaxda la socotey ay Garowe kusoo noqdeen iyagoo faraxsan aadna maqsuud uga ahaa martiqaadkii Wasaaradda Caafimaadku ugu samaysay beeraha Jibagale ee waqooyiga Garowe.

 

C/qadir Warsame Yuusuf

Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka

abdiqadir72@gmail.com

 

wasiirka%20caafimaadka%20iyo%20Dr.%20Kha

dhakhatiirta.Martiqaad1.jpg

gudoomiyaha%20gobalka%20Nugaal%20Cabdi%2

dhakhatiirta.Martiqaad.jpg

dhakhatiirta.Martiqaad3.jpg

dhakhatiirta.Martiqaad4.jpg

dhakhatiirta.Martiqaad5.jpg

dhakhatiirta.Martiqaad9.jpg

dhakhatiirta.Martiqaad6.jpg

dhakhatiirta.Martiqaad2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garowe: Isbitaalka guud ee Caasimada Puntland ee Garowe waxa ka socda hawlgal balaaran oo ay wadaan dhakhaatiir ka timid Wadamada Kenya iyo Kongo kuwaasi oo qaliimo u samaynaya dadka farfaruuran ee bishinta kore jeexan ama Dhabxanaga iyo Dalqadu isku daloolaan. muddo 10 Casho ah oo ay joogaan dhakhaatiirtu Garowe waxay qaliimo u sameeyeen 160 qof, kuwaas oo isaga kala yimid Gobalada wadanka Soomaaliya guud ahaan, Dhulka Soomaalida Itoobiya iyo Xeryaha qaxootiga ee Kenya.

 

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa u fududaysay dadkan inay qaliimadaas helaan kadib markii Madaxda wasaaradda caafimaadku ay dadaal badan u galeen sidii loo heli lahaa dhakhaatiir qaabilsan qaliimadaas waxayna wasaaraddu ku guulaysatey inay dalka keento dhakhaatiir u dhalatey qaaradan Afrika gaar ahaan wadamada Kenya iyo Kongo.

 

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan kaalmo taborucaad ah iyadoo uu dhakhaatiirta shaqadan qabatey uga mahadceshay taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo sida ay mustaqbalka ugu iftiimiyiin dadka bulshada dhexdeeda cuqdada uga dhex maqnaa kuwaas oo hada kusoo laabtey ayna ka markhaati kacayaan sawirada hoos ku qoran iyo qof walba sida uu yahay maantey iyo shalay.

 

Madaxa Dhakhaatiirta Help The Child Face Tomorrow ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in ururkoodu u dhisan yahay sidii ay dadka bulshada ka dhex maqan ugu soo dhexdari lahaayeen oo ay mustaqbalkooda mugdiga ah iftiin ay ku naaloodaan ay uga dhigi lahaayeen taas oo uu sheegay inay ku faraxsan yihiin kooxdooduna ay wada yihiim mutadawiciin si iskood ah isku abaabulay oo aan wax mushaar ah ku shaqeyn waqtigoodana ka sadaqaystey saacado.

 

Sawiradan Nala Daawo Waa kuwo aan isku barbardhigayno dadkan Soomaaliyeed sidii ay markii hore ahaayeen iyo markii qaliimada lagu sameeyey sida ay noqdeen ma jirin qof qosli karayay inuu afka gacanta saarto mooyaane balse hada way dhoolacadaynayaan oo qoslayaan waxaana gashay kalsooni qaarkoodna waxay iisheegeen inay mugdigii ka baxeen oo ay hada dadka la siman yihiin, waxay mahadcelin aan lasoo koobi karin u jeediyeen dhakhaatiirta.

 

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf

Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka

Dowladda Puntland

Abdiqadir72@gmail.com

 

Sawirada waxaa qaaday:

Paul Kimani oo sawir qaade u ahaa Dhakhaatiirta Help the Child Face Tomorrow

 

Below are the before and after shots

 

Dr.%20Onguti%20oo%20la%20sawiran%20wiil%

Wiil%20yar%20oo%20Saalada%20saaran%20lag

Wasiirka%20Caafimaadka%20Dr.%20Cali,%20D

Wiilkan%20sidee%20buu%20ahaa%20kahor%20i

Wiilkan%20sida%20uu%20ahaa%20kahot%20int

Gabadhan%20Yar%20siday%20markii%20hore%2

Gabadhii%20oo%20la%20qurxiyey%20inta%20q

Ninkan%20waxa%20uu%20ka%20yimid%20Jawhar

Ninkan%20waxa%20uu%20ka%20yimid%20Jawhar

Ilmahan%20sida%20uu%20ahaa%20kahor%20int

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I feel furious at how ppl are working behind the scenes at stopping puntland progress by telling foreigners Puntland is to dangerous to visit. Alla dadku xasidsana. Warheedhe Somalia oo dhan ayaa manta ka fa'ideystay qalimadan. 160 people over a 9 day period. It wasn't just for Puntland.

 

Secondly this program will continue and they will return in April, so I hope that tears apart the haters who are trying to stop Puntland's progress. And to make matters even sweeter our doctors will be trained in kenya to do these operations so we become self-sufficient!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalina;770789 wrote:
Wasiirka caafimaadka PL waa raggeedii. Excellent work.

I know he is very hard working minister, can you believe the parliament of puntland actually called him to be held accountable recently. Amazing isn't it!!! This guy is an all-star for Puntland and has done an excellent job. Tarikh dahab ah ayuu ka galay Puntland and I wish he becomes Puntland President!!! But then again I bet farole told parliament to haul the minister of health into question time because I think farole knows if this guy runs for president he will win easily. Infact Parliament called the 4 hardest working ministries for question-time. Ministry of health, Education, Women's affairs and Sports. Amazing noone else got called in!!! I guess farole doesn't fear other ministries cause noone will vote for them to be president

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

I am glad people recognize the 3 stars, Ministry of Health, Education and Women's Affairs.

 

Puntland Health Minister in Denmark. Here they construct equipment for Puntland Hospitals.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somalia, the minister is an all-star the m.v.p of puntland ministries. He has done so much in the past 3 years, dadki ayuu nafta ku soo celiyay. I wish he never leaves

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this