Liibaan Posted January 8, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Gudoomiyaha Shirweynaha SSC Khaatumo II Halyey Dr Cali Ciise Cabdi oo Ka warbixiyey Qorshaha Shirka Khaatumo 2 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 8, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> ShirWeynaha SSC Khaatumo II oo Maalinta Beri ah Galaya Wajigii 2aad iyo Shacabka Ku Sugan Taleex oo Soo dhaweeyey Habsamida uu Shirku u Soconayo+VIDEO Waxaa Si wayn usoo Dhaweeyey Shirka Wada Tashiga Beelaha SSC oo Wajigiisii 1aad maanta la soo xidhay shacabka Deeganadda SSC ee ku sugan taleex,waxa ayna shacabka ssc si wayn ugu faraxsanyihin sida wanaagsan ee shirku u soconayo waxa ayna sheegeen mar aanu maanta Waraysiyo ka qaaadnay qaabka wanaagsan ee shirku u soconayo waxaa kale oo jira Qaar kamid ah qurba joogta deeganada ssc oo iyagu ku sugan taleex ayaa si wayn ula dhacsan qaabka shirku u socdo oo haatan ay Goob Joog ka yihiin Dadwayne aad u faro badan oo kasoo kala kicitimay Daafaha Caalamka Quote Share this post Link to post Share on other sites
Valenteenah. Posted January 8, 2012 Was wondering about the tree as well, is it really that old, Khadar? Pretty awesome. Just watched the dhalinyaro video from a couple of days ago. Really impressed by the Taleex youth group - thought the answers were brilliant (dhibaatadu waa: talo xumo, solutionka has to be: wada tasho), completely agree. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 8, 2012 A_Khadar;771770 wrote: d/p Khadar, Where is the Gabay ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 8, 2012 Laba Isim Oo Ka Hadlay Xoraynta Laascaanood Oo La Aflagaadeeyay (Cod) Garaad Abshir Saalax iyo Boqor Cabdilaahi Cali Axmed oo ahaa labada isim ee kulankii shalay (07-01-2012) soo hadal qaaday xoraynta Laascaanood ayaa labadiiba si badheeh ah waxaa loogu qaaday duulaan iyadoo Boqor Cabdilaahi hadalkiiba laga joojiyay. Kulankii shalay ka dhacay madasha shirka Khaatumo 2 ee Taleex oo ay isku yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa laga oo jeediyay khudbada kala duwan. Dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa u badanaan ka hadalka maamul la sameeyo xiligan iyadoo uu Cabdikariim Jaamac oo aan waligii arag gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee ay SSC ka mid yihiin sheegay in ay doonayaan in shirka ay ka soo baxdo maamul ay caalamka wax kaga helaan. Laba isim oo miisaan ku leh bulshada *********** oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa buuq iyo qaylo iyo hadalo aflagaado ah lagu sameeyay markii ay ka hadleen in *********** maanta u baahan yahay in uu iska kiciyo cadwga caasimadiisa haysta ee doonaya in ay Soomaali ka go’aan. Garaad Abshir Saalax ayaa ku dheeraaday in aysan jirin wax uu *********** isku hayo, Garaadku waxaa uuka sheekeeyay habkii ay us ameeyeen hogaankii xoraynta iyo midnimada loo igmaday iyo sida aan hadafkaasi loo fulin. Waxaa kaloo uu Garaadku ka hadlay in dhibaatada *********** dhibaatada haysata ay tahay hayasashada dhulkoodii la haysto. Garaadka oo aan soo hadal qaadin in xiligan dawlad la dhiso balse carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay dhulka la haysto la xoreeyo oo cadwga laga kiciyo ayaa waxaa buuq ku furay nin lagu magacaabo Cali Maraykan oo ay iksu reer yihiin Cali Khaliif Galaydh balse uu gaashaanka u daruuray garaadku. Sidoo kale markasta oo uu ku si dheeraado erayada ka dhanka ah maamulka la baxay Somaliland ayaa waxa soo dhinac istaaga ninka xidhiidhanaya mikirafoonka oo garadaka ku odanayey soo gaabi hadalka ninkaasi oo ah afhayeenka kooxda G6 ee Taleex bal taariikhdisa dhaw halkan ka daawo. Khudabdii qiimaha badnayd ee Garaad Abshir dhamaystiran halkan ka roggo ama hoos ka toos uga dhagayso. Sidoo kale Boqor Cabdilaahi Axmed Cali oo isna ka hadlay xoraynta Laascaanood ayaa waxa alagu furay qaylo iyo aflagaado taaso meel ku dhac ku ah dhaqanka Soomaaliyeed. Boqorka ayaa waxaa uu sheegay in nimanka haysta Laascaanood ay isku duuban yihiin oo beesha ********* u wada dhan yihiin aan laga maarmaynin in maamulka Puntland haddii ayuu yiri la doonayo soo celinta ilaa Lebi Gaatamo. Khudbadii Boqor Cabdilaahi halkan ka roggo ama hoos toos uga dhagayso. http://taleex.net/2012/01/08/laba-isim-oo-ka-hadlay-xoraynta-laascaanood-oo-buuq-iyo-aflagaado-lagu-furay-dhagayso Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 8, 2012 Moving Speach by one of the Caaqil @Taleex - Waa caaqil ismacil from buhodle.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 8, 2012 Good stuff are happening there.. I just listening today's speech which I just posted above, and the first Caqil spoke and his speech moved me.. Allow somali isu soo celi.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bluelicious Posted January 8, 2012 A_Khadar;771464 wrote: Blue - Thanks for your warm greetings.. I was around but offline for couple of weeks when I was out of town.. Thanks again the wishes KH2 to succeed. What are the main topics being discussed I need a lil update in English as I haven't understood everything what's been said in Somali. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 9, 2012 Bluelicious;771797 wrote: What are the main topics being discussed I need a lil update in English as I haven't understood everything what's been said in Somali. Lol @ blue, I didn't know you're Alliyah's league, Say Walaahi..Just teasing you guys. So far, last three days were opening speeches and collecting opinions from the speakers and some side meetings for specific groups such as women, youth, and Isims to collect current issues of SSC and suggestions. Now the second phase of the conference is started where only selected representatives from home and Diaspora will meet and discuss the issues thoroughly. To sum it up, the theme of the conference boils down to three questions: 1. Do SSC have issues? 2. What are they? 3. What are the solutions to come over? Hope that helps.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 9, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saaka 10 kii subaxnimo shir uga furmay madasha shirka Khaatumo2 ergooyinkii gudaha iyo qurbaha. Ergooyinkan oo ka kala yimid deegaamada SSC iyo qurbaha ayy saak si rasmi u billaabay doodihii shirka khaatumo2. Ergooyinka oo ka kooban rag iyo haween u dhashay gobollada SSC ayaa maanta gudagalay ka talo bixinta ayaaha deegaanak SSC. Waxaa si adag loo adkeeyey amaanka madasha shirka, iyadoo loo loo ogolaaday oo qudha ergooyinka sita kaadhka aqonsiga oo qudha. Maalmihii hore wuxuu shirku u furaa shacabka oo dhan, maanta laga bilaabo taasi waxaad mooda inay dhamaatay oo ergooyinka oo keliya geliyaan madasha. Guud ahaan magaalada taleex waxaa soo buux dhaafiyey dad badan oo aan ku jirin ergooyinka, laakiin iagu doortay inay goobjoog ka haadaan shirkan taariikhiiga ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted January 9, 2012 Waxaan qaban nimaan qaadan jirin looma qooq taga'e ama waa tii abwaankiiye, Rag tashaday cirkay toli karaan taaka labadeede'e Khaatumo 2 could be a game changer with respect to the falsity and delusions in dismembering Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 9, 2012 Gabay 1. Dadka madasha tegayow farriin tebiya oo geeya 2. Tixda gabayga Xaruntii Taleex hawga tiriyeene 3. Eebbe nimuu caqliga taam ka dhigay tala gal yay seegin 4. Shirka taawilaadeed dhammaan dunidu taageertay 5. Waa toobaddiyo khayrka iyo talo wanaaggeede 6. Tahliwaa ha noqonnina Taleex waa tub magac weyn dheh 7. Warku soo tallowyoo arlada laysu tibixsii dheh 8. Toomaha Nugaaleed xul iyo taagag iyo hawd dheh 9. Turug waliba Soomaliweyn waa tix geliyeen dheh 10. Waa gacal turxaan bixiye iyo toodimiyo guul dheh 11. Tayiisada Shirshooroo tashaday taqa galkiisii dheh 12. Khaatumadii waydiin timee taa ha la ogaadoo 13. Tawxiidka waxa lagu furiyo tiirka Nebigiiye (SCW) 14. Tusmada culumidayo kama maqniyo tiir garaaddalahe 15. Tacliin niman bartiyo waxa horkici odayo toolmoone 16. Tiriiggii darwiishkaa ka bixi turuq nugaaleed dheh 17. Taalladii qarniga aan la tegin waa la tuursamaye 18. Taariikhi dibu eegid bay taam ku noqotaa dheh 19. Afartaa tilmaan guud miyaan arar ku tuuntuunshey 20. Ma tammilay shirkii towbadeed toobiyaha qaadye 21. Tu’ kaloon ka daba geynayana waan u taagnahaye 22. Toddobaatan boqol oo darwiish Torog ha fuuleen dheh 23. Wiilashii tummaatida yiqiin cadow ha toogteen dheh 24. Tafiirtii Siciid haw baxeen tuurkii Karammaan dheh 25. Laascaanood ha taabeen xaqbaa lagu tanaadaa dheh 26. Tarabtarab ha laayeen waxaan qaran ku toosnayn dheh 27. Tunbiciidle meeshuu ku go’ay calan ha taageen dheh 28. Wakiillada Tigreegiyo wuxuu Tulushle afynfaadshey 29. Taya bururka beeshiyo dulliga tuurta laga saaray 30. Heeryada ha tuureen Horgale lagu taxaabaayoo 31. Ha tisqaado aayaha Taleex waa tub magac weyn dheh 32. Ha taraaro taysaha onkoday taniyo Buuhoodle 33. Ummad waliba tiir lehe talada haw tukubiyeenee 34. Afartaana tooggada murtida tawlihii gabay dheh 35. Tayasiirta Eebbiyo tiraab laygu taawilay dheh 36. Tu’ kaloon ka daba geynayana waan u taagnahaye 37. Afxumada Togdheer iyo ka timi tookha laga keenay 38. Tunka qabad Hargeysi u tallami tuurinbaan sudhida 39. Tamar yaraha talax tegey balaan tuduc yar gaadhsiiyo 40. Takartii Maroodiga cuntee dhiigga kaga tiiftay 41. Waxa ay tanaawalu arbaha turuqdo dheeggiisa 42. Maruunbay tifilig ugu dhacdaa tiigta jeeniga dheh 43. Tagtada iyo tawaawicii horaan tahan xasuustaa dheh 44. Taag darane goortaad ahayd weer haddaad tolatay 45. Toddob yarahu goortuu ku helay teer ma dhigan weydey 46. Kolkii lagu tahluukaynayoo talada aad seegto 47. Gardarraad u tamar yeelataa taransi mooddaaye 48. Goortii taarku kula ciirayana talala’ay weeyee 49. Taleex baan ku soo duulaynaa waydinkeer tebine dheh 50. Tawtawda hanjabaaddiyo afkaa belada soo tuuri 51. La arkee inaad toosisaan aar tabaadiya dheh 52. Afartaa tallowshaye digniin ha ugu toosnaato 53. Tirsi boqola oday toobad gabay waa tar soo baxaye 54. Tu’ kaloon ka daba geynayana waan u taagnahaye 55. Shir kastoo tol wada yeesho oo talada loo waabo 56. Kolley turunturriyo waa mutaa rag isku tiigaal dheh 57. Tafaraaruq waa ba’an yehee taa ha la ogaadoo 58. Raggu libin tirsiga uma tartamo ways temmediyaay dheh 59. Xagla Toosiyiyo, Cali Galaydh ha is takooreene 60. Saddex haloo tanaasulo ku xidhan baa tilmaan mudan dheh 61. Mid weeyoo dalkiinnii ragbaa taabay hawl yari dheh 62. Midna waa cadaawaha tashoon aad dhex tolantaan dheh 63. Midda kalena maatadatan tuban ugu tudhaaleeya 64. Hadday taawillaatoo maruun laysku tahanbaabo 65. Shirshooraha tabtii lagu yiqiin yaanu taabicin dheh 66. Maammulkii la taagaba arlada Tuute haw sidin dheh Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted January 9, 2012 ^Wow. High technical skill is manifest. An excellent poem -- language is so lyrical and the poem exceptionally crafted in a technical sense. Tone is measured and message in particular is noble. A Khadar poets name please. 35. Tayasiirta Eebbiyo tiraab laygu taawilay dheh 36. Tu’ kaloon ka daba geynayana waan u taagnahaye 37. Afxumada Togdheer iyo ka timi tookha laga keenay 38. Tunka qabad Hargeysi u tallami tuurinbaan sudhida 39. Tamar yaraha talax tegey balaan tuduc yar gaadhsiiyo 40. Takartii Maroodiga cuntee dhiigga kaga tiiftay 41. Waxa ay tanaawalu arbaha turuqdo dheeggiisa 42. Maruunbay tifilig ugu dhacdaa tiigta jeeniga dheh 43. Tagtada iyo tawaawicii horaan tahan xasuustaa dheh 44. Taag darane goortaad ahayd weer haddaad tolatay 45. Toddob yarahu goortuu ku helay teer ma dhigan weydey 46. Kolkii lagu tahluukaynayoo talada aad seegto 47. Gardarraad u tamar yeelataa taransi mooddaaye 48. Goortii taarku kula ciirayana talala’ay weeyee 49. Taleex baan ku soo duulaynaa waydinkeer tebine dheh 50. Tawtawda hanjabaaddiyo afkaa belada soo tuuri 51. La arkee inaad toosisaan aar tabaadiya dheh 52. Afartaa tallowshaye digniin ha ugu toosnaato Beware a la Libaax seexday bau niman salaaxdeene fable. Quote Share this post Link to post Share on other sites