Freedom Posted January 17, 2012 ^^^^^ As long as it takes loool.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted January 18, 2012 " frameborder="0" allowfullscreen> Mudaharaado Waawayn oo Ka Socda Laas Caanood Ayaa Lagu Taageeray Maamulka Cusub ee Khaatumo ee Deeganada SSC Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 19, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saaka soo buuxdhaafiyey madasha shirka ee Berdaha Khaatumo ergooyinkii iyo daweyne tiro badan oo u yimid.. inay ka qaybgaataan shirka maanta oo la filayo in lagu dhawaaqo golaha sare ee maamulka Khaatumo. Golaha sare ee maamulka oo ka koobnaan doona seddex golha madaxtooyada iyo lix wasiir. Waxa kaloo maanta la ansixinayaa qaabkii ama distoorkii ay ku shaqan doonaan madaxda maamulka Khaatumo. Shacabka saaka fadhiya madasha shirka waxaa wejiyadooda ka muuqda farxad. Lasanod online waxay idiinsoo gudbin doontaa magacayada maamulka Khaatumo marka lagu dhawaaqo Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 19, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Waxaa hadda lagaga dhawaaqay Berdaha Khaatumo ee Magaalada Taleex, xubnaha hogaanka u qabanaya maamulka Khaatumo- xubnahan ayaa la sheegay inay xilka haynayaan muddo gaadhaysa 18 bilood, si looga baxo xaalada adag ee lagu jiro. iyadoo hadda loo dhaariyey xilkii qaar kamid ah. Waxaa si ku meel gaadh ah loogu doortay magaalada Taariikhiga ah Taleex inay noqoto Caasimadda maamulka Khaatumo. Waxaa iyana lagu dhawaaqay in Golaha Wakiiladu ka koobnaan doono 47 xubnood oo 9 ka mid ah loo qoondeeyey inay noqdaan Hablaha Khaatumo. Magacayada Golaha madaxtooyada ayaa kala ah: - Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) - Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) - Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe)- (Dib baa laga dhaarinayaa) Magacayada Golaha Wasiirada: 1. Xuseen Saleebaan Xaaji Axmed (Dabay)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Caalimiga iyo Jaaliyadaha 2. Maxamed Ducaale Cabdi- Wasiirka Amniga Qaranka 3. Cismaan Axmed Jeex- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 4. Cabdikariim Faarax Dhaaye- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Khayraadka Dabiiciga 5. Maxamuud Diiriye Cabdi Joof- Wasiirka Wasaaraada Adeega Arrimaha Bulshada 6. Yasiin Axmed Sulub- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 19, 2012 KH's president Ahmed Karaash Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 19, 2012 Dabaaldegyo waa weyn ayaa ka soconaya Magaalooyinka maamulka Khaatumo State, kuwaasoo ay ka mid yihiin Laascaanood, Buuhoodle, Widhwidh iyo Boocame. Dabaaldegyadan ayaa waxaa lagu soo dhaweynayaa Madaxda cusub ee lagu dhaariyey magaalada Taleex ee taariikhiga ah. Magaalada Laascaanood ayaa waxaa xabado ku faray Maleeshiyaadka SNM ee magaalada joogaa, waxaana maanta soo gaadhay Habro fara badan oo ah kuwa la qidhaabta SNM oo cagaha ku jiitaan. Buuhoodle waxaa isugu soo baxay boqolaal qof oo taageraya maamulka cusub, kuwaasoo hadalo soo dhaweyn ah ku qaylinaya. Magaalada Widhwidhna shacabka halkaas ku dhaqan ayaa aad u soo dhaweynaya madaxda cusub. Boocame ayaa waxaa ka soconaya sidoo kale dabaal deg , kaasoo ay ku hambalyeynayaa maamulka cusub. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 19, 2012 President and vice - Karaash and Indhacaad Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 19, 2012 Tiradda Golaha Baarlamaanka Maamulka Khaatumo State of Somalia oo lagu dhawaaqay Golaha Baarlamaanka Khaatumo State of Somalia ayaa la filayaa in maalmahan soo socda la soo xulo waxaana xiligan ay ku soo baxayaan qaabka qabiilka, tiradda Golaha Wakiiladda ayaa lagu sheegay 47 xubnood kuwaas oo kala noqonaya sidan 1. 27 waxa ay imaanayaa Saddex Meeleedkii D-block ( Gudaha) 2. 9 waxa ay ka imaanaya Saddex Meeleedkii D-block ( Jaaliyadaha) 3. 6 waa hablaha Khaatumo ( 3 gudaha iyo 3 dibadda) 4. 3 beesha Fiqishini 5. 2 beesha Gabooye Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 19, 2012 Maamulka KHaatumo State of Somali - aka SSC - Audio http://sscradio.com/playaudio.php?id=106 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted January 19, 2012 'Liibaan';775654 wrote: Nice! Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 20, 2012 Wasiir Ku xigeenadii Maamulka Khaatumo oo la Magacaabay Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saaka geedka Khaatumo ee magaalada Taleex lagaga dhawaaqay wasiir ku xigeenada maamulka Khaatumo. Waxaana xilalkan loo magacaabay, qaar kamid ahna madasaha lagu dhaariyey: Xasan Cali jaaamac- Wasaaraada xirirka debedda Farduus Maxamed Mire- Wasaaradda Xiriirka Debedda Jamac Xasan Khaliif- Wasaaradda Amniga Ibraahim Guure- Wasaaradda horumarinta iyo khayraadka dabiiciga Xasan Muuse Cawl- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Abdifatah Cisman Dhalac- Wasaaradda Arrimaha Bulshada Asia Xasan Jaamac- Wasaaradda arrimaha Bulshada Wasaaradda Maaliyadda: Dib baa lagasoo magacaabayaa Chief of cabnet: Mukhatar Ibrahim Xabashi Afhayeenka Maamulka Khaatumo: Omar Jaamac Saleebaan Quote Share this post Link to post Share on other sites