Sign in to follow this  
Somalina

Hiiraan Online Person of the Year 2011

Recommended Posts

Somalina   

Glad to know HOL agrees with me. :D

 

SS2011.jpg

 

Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir waxaa soo maray Guddoomiyayaal gobol oo aan la mid ahayn Maxamuud Axmed Nuur oo loo yaqaan Tarzan, kaasi oo haatan ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo si weyn loogu yaqaano u doodista dadka Soomaaliyeed haddii ay ahaan lahaayeen dadka gudaha dalka ku nool iyo kuwa dalka dibaddiisa ku nool ayaa sanad ka hor loo doortay xilka guddoomiyenimada Gobolka Banaadir, xili gobolka Banaadir uu ku jiray marxalad aad u adag.

 

Guddoomiye Tarzan oo wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii hore ee Mileteriga wuxuu ku noolaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa isagoo la nool reerkiisa iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee Ingiriiska ku nool waxaa uu taleefoon ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo weydiistay in uu ka aqbalo in uu u magacaabo xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo duqa Magaalada Muqdisho.

 

Mr. Tarzan markii uu ka fekeray arrinta uu u soo jeediyay Madaxweynaha, isla markaana uu eegay dhibaatada nolol iyo nabadgelyo xumo ee ka jirta Gobolka Banaadir iyo waxa uu ka qabo waxaa uu aqbalay in uu xilkaas qabto oo uu u qidmeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, kaddibna waxaa uu ku laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo xilkaasna loo magacaabay.

 

Sanadkii 2011 oo horraantiisii xilkan loo magacaabay Guddoomiyaha Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxaa uu ahaa sanad lagu xusuusto qaraxyo lagu dilay dad bulshada waxgal u ahaa iyo arday, sidoo kalena ay dhaceen abaaro ba’an oo ku dhuftay dalka Soomaaliya guud ahaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhibaatooyinkaas ku wajahay geesinimo iyo go’aan ah in uu ku dhibaatadaas ku dhex shaqeeyo, isla markaana uu soo celiyo amnigii iyo bilicdii caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah Aabaha lix caruur ah, awoowana u ah 8 ilmo ah, waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna yaraantiisii ku soo koray nolol agoonnimo ah oo aad u adag, isagoo ka mid ah caruur agoomo ahaa oo ay dowladdii hore ee mileteriga Muqdisho ku xanaaneyn jirtay loona yaqaanay "OORFANO". Tarzan dadaal uu sameeyay caruurnimadiisii iyo dhalinyaranimadiisii wuxuu ku guuleystay in uu noqdo qof wax bartay oo dadkiisa iyo dalkiisa u ololeeya oo u wax qabta.

 

Kaddib markii ay burburtay Dowladdii hore Maxamuud Axmed Tarzan iyo qoyskiisa waxay ka mid noqdeen dadka Soomaaliyeed ee fursadda u helay in ay ku noolaadaan dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London, wuxuuna Tarzan halkaas ka sii watay waxbarashadiisa, isagoo shahaadada maareynta ka qaatay Jaamacadda Westminster.

 

Shaki kuma jiro in waxbarashadiisa dhinaca maareynta ay ku caawisay guddoomiyaha Gobolka Banaadir in uu wax ka qabto dhibaatooyin ka jiray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Tarzan markii uu xafiiskii la wareegay sanad ka hor waxaa qasnadda maamulka Gobolka Banaadir ku jirtay 128$ kaliya iyo lacag shillin Soomaali ah oo aan ka badneyn hal milyan, taasi oo muujineysa in uu guddoomiyaha iyo maamulkiisa uu meel hoose oo aan agab dhaqaale lahayn uu wax ka billaabay.

 

Waxyaabaha la xusi karo ee uu qabtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo maamulkiisa waxaa ka mid ah uu nidaamiyay degmooyinka gobolka Banaadir maamulladooda, kuwaasi oo hadda u shaqeeya qaab isla xisaabtan iyo wada shaqeyn ku dhisan, iyadoo dhaqaalaha gobolkana uu yahay mid ka wanaagsan sidii hore, waa sida uu dhawaan sheegay guddoomiyaha Gobolka Banaadir qudhiisa.

 

Waxyaabaha kale ee uu qabtay Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hormuudka ka yahay Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxaa ka mid ah in uu intii karaankiisa ah wax ka qabtay nabadgelyada gobolka, nadaafadda oo uu howl fiican ka qabtay, mugdi badan oo magaalada Muqdisho ka jiray oo uu wax ka qabtay, degmooyin badan oo mugdi ahaana uu maamulka koronto lacag la’aan ah u sameeyay.

 

Inkastoo ay waqti badan qaadaneyso in Muqdisho ay dib ugu noqoto sidii ay beri-samaadkii ahayd, haddana waxaa uu maamulka gobolka Banaadir qabtay howlo badan oo dhinaca bulshada ah, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu diyaarinayo qorshe howleedyo lagu awoodeynayo dadka Muqdisho, si ay uga maarmaan in ay ku tiirsanaadaan kaalmada shisheeye, ayna dib ugu laabtaan isku filnaantii ay dadka Soomaaliyeed ku faani jireen.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxaa uu geed dheer iyo mid gaaban u koray sidii uu dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool uu uga raaridi lahaa in ay aqoontooda, maalkooda iyo khibraddooda ay kula noqdaan dalka Soomaaliya oo uu si weyn ugu baahan yahay dadka burburka ka badbaaday ee dibadaha u baxay.

 

Waxqabadkaas la taaban karo ee uu muujiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dartiis ayay bahda Hiiraan Online u dooratay Maxamuud Axmed Nuur Tarzan in uu noqdo shaqsiga sanadka ee Hiiraan Online 2011.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sensei;770482 wrote:
Cool dude, I likes him. He is probably best poised to make changes in Xamar cadeey. Ar maxaa Xamar u xiisay!

LoL Sensei, war sxb hadaad Xamar saas ugu xiistay, Skyline (aka Xamar yareey) iska tag nooh. ama Yorkville.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this