Sign in to follow this  
Dr_Osman

Salama Bank Opens In Garowe.

Recommended Posts

Dr_Osman   

Salama Bank oo laga furey Garowe (Sawiro)

 

3 Jan 3, 2012 - 6:40:23 AM

 

GAROWEONLINE

 

Magalaada Garowe ayaa maanta waxaa xariga looga jaray Bankiga Puntland Salama Bank faraciisa Garowe,waxana munaasabada furitaanku ka dhacdey xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC.

 

Xafalada ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland,qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland,waxgarad,issimo,culimo,ganacsato iyo marti sharaf kale oo lagu casumey munaasabada.

 

Wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey furitaanka faraca Garowe oo horey Bossaso uu furey wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,waxana uu ku darey in Dowladda Puntland ay soo dhaweyneyso talaabadan horumarineed.

 

Maamulaha bangiga Salama Banka Puntland Maxamed Jaamac Xaashi ayaa sheegay in bangigu ku shaqayn doono nidaamka bangiyada Islaamka,waxana uu soo tiriyey faa’idooyinka ay u leeyihiin koboca dhaqaalaha dalka.

 

Madasha xaflada ka dhaceysey oo u badnayd khudbado ay soo jeedinayeen masuliyinta iyo marti lagu casumey makrafoonka ayaa waxa dhamaan muujiyeen horumarka balaaran ee laga gaarey dhanka nidaamka kaydka lacagta oo bangigani noqday kii ugu horeyey oo laga hirgeliyo Puntland.

 

Afhayeenka Issimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali oo ka mid ah dadkii lagu casumey kulanka oo ka hadlay goobta ayaa soo dhaweyey furitaanka bangigan,waxana uu la dardaarmey masuuliyiinta bangiga in ay dhawraan xuquuqda shaqaalaha ka hawlgalaya.

 

Bangigan oo shirkadda isgaarsiinta Golis hoos taga ayaa waxa uu ku xiranyahay adeega lacag dirsiga ee Mobilka(Sahal Service),waxana sida sheegeen talaabadan tahay mid la jaanqaadeysa horumarka tiknolojiyada casriga ah.

 

Ugu danbeyn xafalada fuitaanka ayaa waxa soo xirey wasiirka degaanka Puntland Cabdiqani Yuusuf waxana uu tilmaamey in horumarkii ugu badanaa dunida guud ahaan la gaarey 20-kii sanno ee ugu danbeeyey.waxana uu raaciyey in Puntland gaar ahaan intii burburka lagu jirey wax badan u qabsoomey islamarkaasina gaarey horumar balaaran.

 

Koboca dhaqaalaha iyo horumarka dhinacyada nolosha ayaa waayadan danbe waxa laga dareemayey Puntland,iyadoona ay soo badanayaan shiradda sida gaarka ah loo leeyahay oo la'aamin sanyahay in ay qayb ka qaaaten horumarkadhaqaale Puntland.

 

Halkan ka dhegeyso warbixin ku saabsan furitaanka Salama Bank

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Salama_Bank_oo_laga_furey_Garowe.shtml

 

Golis3.jpg

Golis.jpg

Golis2.jpg

Golis4.jpg

Golis8.jpg

Golis7.jpg

Golis5.jpg

Golis10.jpg

 

Hamar Headquarter

10.jpg

 

Bosaso Branch

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Other banks in Puntland

 

Dahabshil Bank

DSC08261.jpg

 

Tawakal Bank. Bosaso Headquarter

u_11479d_2010-4-12-0-30-39f_image001.jpg

28802_124495690923954_100000905704365_11

 

Iftin Bank. Bosaso Headquarter

iftin-bank-somaliya.jpg

 

Dayax Islamic Bank

 

 

5 banks so far. Dayax, Dahabshil, Tawakal, Iftin, Salama Bank. Halkas ka si wada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xaaji Xunjuf;769978 wrote:
It doesn't really look like a bank it kinda looks like a school.

Salama Bank Is a branch within puntland. Its headquarters are in mogadishu owned by sharif's people!!!! Wa horumar banking services is required so we can put our money somewhere safely so we can build our state!!!

 

Puntland Hosts 4 banking headquarters In Tawakal-Iftin-Dahabshil-Dayax. Its hosts branches of Salama Bank. This is not hawala ok. U might be confused this is banking services with ATM ACCESSES then again xaaji you wouldnt know that is as you dont have any

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xaji dont change the subject, when you see a clear weakness in hargeisa having no banks. Its still remains a fact. 5-6 Banks in Puntland. 0 In Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr osman all i said is it does not look like a bank i never talked about Hargeysa banks and as you said its just a branch and its not even owned form some one from the garowe clan enclave i rest my case.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Somaliland has remittance services, but not banking services because what is there to bank there is no economy, there is no businesses!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Aan ka raayo. Bosaso has 5-6 banks because there is people who have money and can set up bank accounts and deposit money. In Hargeisa noone can deposit money because there is no traders or business men, all they can do is just take money from remittance services in qurbaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

The fact that its not even owned by someone from garowe shows you that other somalis know that business is in Puntland and ppl have the capacity to open up accounts, deposit money. They dont have that same sort of confidence in hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this