Sign in to follow this  
Carafaat

Kulmiye: “China has a lof of interest in Somaliland, question is why are they so interested?

Recommended Posts

Carafaat   

“Shiinuhu waxay danaynayaan Somaliland malaa dalkeena wax aynaan ku ogayn ayay ku og yihiin”

December 29th, 2011 Comments Off

 

Wajaale(Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Wajaale , ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal ay ku tageen dalka Shiinaha.

 

Weftigan waxa wajaale ku soo dhaweeyay Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Faysal Cali Sheekh, Madaxa baratakoolka madaxtooyada Maxamed Cilmi, Xildhibaano ka tirsan Wakiilada, maamulka gobolka Gabiley iyo Taageerayaal badan.

Guddoomiyaha xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban u jeediyay degmada Wajaalle, waxaanu si weyn ugu mahad celiyay taageereyaashii iyo masuuliyiintii soo dhaweeyay,

Muuse Biixi waxa uu si kooban uga hadlay socdaalkii ay ku tageen wadanka Shiinaha, waxaanu sheegay inuu halkaasi ku soo arkeen dad aad u danaynaya Somaliland.

“Waxaanu tagnay dalka Shiinaha oo wadan weyn ah waxay aad iyo aad u danaynayaan dalkeena, dadkaasi malaa dalkeena wax aynaan ku ogayn ayay ku og yihiin mid walibana wuu ku waydiinayaa wadankeena oo waan imanayaa ayuu ku odhanayaa. Shiinuhu dalkeena siday u danaynayaan waad yaabaysaa.”ayuu yidhi Gudoomiyaha KULMIYE.

Muuse biixi wuxuu sheegay inay ganacsato badan oo u dhashay wadanka Shiinuhu ay dhawaan socdaal ku iman doonaan Somaliland.

Weftiga Guddoomiyaha waxa kale oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley. Weftigan waxa xubno ka ahaa Afhayeenka xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi dheere oo ka mid ah qurbo-jooga xisbiga KULMIYE.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hmmmm.... sounds like a load of bollocks.

 

dadkaasi malaa dalkeena wax aynaan ku ogayn ayay ku og yihiin mid walibana wuu ku waydiinayaa wadankeena oo waan imanayaa ayuu ku odhanayaa. Shiinuhu dalkeena siday u danaynayaan waad yaabaysaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this